Sign in to follow this  
me

Qasaarahii ciidamada Etoobiyaanka ka soo gaadhay dagaalkii Buhodle

Recommended Posts

me   

Qasarahii ciidamada dalka Etoobiya ka soo gaadhay dagaalii xaqdarada ahaa ee ay ka rideen badhtamaha magaalada Buuhoodle ayaa waxaa la helayaa xog rasmi ah oo ku saabsan waxii dhimasho, dhaawac ka soo gaadhay dagaalkaas.

 

Sida saraakiisha ciidamada Etoobiyaanku xaqiijiyeen waxaa goobtaa kaga dhintay 19 askari oo dhamaantood ku nafwaayey dagaalkii xaqdarada ahaa ee ay ka rideen badhtamaha magaalada Buuhoodle.

 

Waxaa kale oo iyana la caddeeyey in ciidamadaa ka dhaawacmeen 29 askari oo dhowr iyo toban askari dhaawac xun tahay halka ilaa hadda la la'yahay 9 askari oo aan ilaa hadda la ogayn meesha ay jaan iyo cidhib dhigeen.

 

Waxaa iyana ilaa xalay loo geynayey ciidamada Etoobiyaanka maxaabiistii firdhatay oo laga soo ururiyey degaanada Buuhoodle oo dhan. Lix askari waxaa lagu hayey magaalada dhexdeeda oo maalintii dagaalka gacanta lagu dhigay halka 3 askari lagu qabtay magaalada Xaadhadhanka. Waxaa kale oo baadiyaha agagaarka Geelkusooran iyo inta u dhaxaysa Qudhacdhalaana laga helay sagaal askari oo iyana nafla caari ah.

 

Isku darka ciidamada laga soo ururiyey degaanadaasina waxay gaadhayaan inta hada gacanta lagu hayey ee lagu wareejiyey ciidamada Etoobiyaanka 18 askari.

 

Waxaana ilaa hadda dowlada Etoobiyaanka ah ay qaadan waayeen dadka shicibka ah ee bad baadiyey maxaabiistii ay gacanta ku dhigeen halka ciidamadoodu la xaqiijiyey in ay hal maxbuusna dileen nin kale oo dhaawac ahna ay dhaawac tireen habeenimadii dagaalku ka dhacay magaalada Buuhoodle.

 

Bad baadada maxaabiistaasina waxay dowlada Etoobiya u cadaysay in dadkaa shicibka ah ee magaalada Buuhoodle la kalifey ayna difaacayeen naftooda, hantidooda iyo karaamadoodaba.

 

Arintaasina waa mida fashilisay shirqoolkii lala damacsanaa dadka Soomalida dhabka ah ee ku dhaqan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Magaalada Buuhoodlena waxay maanta noqotay horeyna u ahaan jirtay meesha qudha ee u taagan midnimada iyo sharafta ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

 

 

Buhodle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

^It probably is. It reminds of Zenawi interview with Al-Jaziira where he was asked how many Ethiopian troops died during his misadventure into Somalia. He noted few hundreds. The reporter said why don't you disclose the number of dead troops to the parliament which inquired about the Ethiopian casualties. He replied it wasn't necessary. We informed the families and that's all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this