Sign in to follow this  
Jabhad

Ethiopians rape Somali woman in Mogadishu.

Recommended Posts

Jabhad   

Askar Itoobiyaan ah oo Haweeney Soomaaliyeed ku kufsaday Deegaanka Cerfiid

 

Talaado, March 13, 2007(HOL): Labo Askari oo ka tirsan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Xero ku taala nawaaxiga Ceel Carfiid ee duleedka Muqdisho ayaa kufsi u geystay Haweeney socoto ahayd oo howlo ganacsi ugu sii jeeday Magaalada Muqdisho.

 

kufsi1.jpg

May Allah ease her pain iA.

 

Haweeneydan oo lagu magacaabo Suuban Maalin Cali Geedi ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabatay Magaalada Muqdisho waxay ku sheegtay in ay kufsadeen labo Askari oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo ay sheegtay in intii aysan kufsan ay jir-dileen, “Anigoo wata gaari Dameer aan Cows ugu waday Xamar ayay labadan Askari si kedis ah iiga soo hor-baxeen, kadibna intey i garaaceen ayay dhulka igu jiideen, weyna i kufsadeen”ayay tiri Suuban Maalin.

 

kufsi.jpg

 

Suuban Maalin oo marka ay shirka jaraa’d qabaneysay uu dhinac fadhiyay ninkeeda ayaa waxay sheegtay in markii ay askarta Itoobiyaanka ay kufsadeen kadib ay u soo gurmadeen dadka deegaanka, kadibna ay u qaadeen Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee SOS, hayeeshee ay Dhaqaatiirtii halkaasi ku sugneyd ay sheegeen in aysan waxba u qaban karin, markaas kadibna loo sii qaaday Isbitaalka Keysaney oo ah mid lagu daweeyo Dadka dhaawaca ah.

 

 

 

Suuban Maalin oo 37 sano jir, isla markaana dhashay 8 Caruur ah ayaa waxay intaas ku dartay in ay kula taliyeen dhaqaatiirtii joogtay Isbitaalka Keysaney in aysan muddo lix bilood ah nuujin canug yar oo nuujineysay, sidoo kale aysan kulan jinsi ah la yeelan Seygeeda, iyadoo ay dhaqaatiirtu sheegeen in mudadaas kadib laga baari doono Virus-ka HIV.

 

 

 

Axmed Cali Xasan oo ah seyga qaba Haweeneydan ayaa isna saxafiyiinta la hadlay, wuxuuna sheegay in xaaskiisa loogeystay xadgudub ka dhan ah bani’aadannimada, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay xiriir la sameeyeen Saldhigga Ciidamada Itoobiya ee Ceel Carfiid iyo dhinaca Dowladda Federaalka, balse aysan ilaa iyo haatan helin wax jawaab ah.

 

 

 

Waa markii ugu horeysay oo uu soo baxo kiis ku saabsan in ay Ciidamada Itoobiya kufsadeen Haweeney Soomaaliyeed tan iyo markii ay soo gaareen Magaalada Muqdisho iyo deegaanada u dhow dabayaaqada bishii December ee aynu ka soo gudubnay, ilaa iyo haatanna ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kaasi oo la xiriira tacadiga loo geystay Haweeneydan.

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Ethiopian tactics[rape] used to humiliate their subjects in Somali galbeed are now being tried in Mogadishu. God help Somalis.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Hooyo Soomaaliyeed oo 37-jir ah lehna 8-caruur ah oo ay kufsadeen ciidamada Itoobiya

Posted to the Web Mar 13, 03:58

 

Aayaha.com, Talaado, 13 Maarso 2007- Ciidamada Itoobiya ee fadhiisinka ku leh deegaanka Ceel-Carfiid ee duleedka Muqdisho ayaa falal isugu jira kufsi iyo jirdil kula kacay haweeney Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Suuban Maalin Cali oo ah hooyo Soomaaliyeed oo leh 8-caruur ah.

 

Haweeneyda ay falka kufsiga ah kula kaceen ciidamada cadowga Itoobiya ayaa sheegtay in goorta ay falka kufsiga ah u geysanayeen ciidamada Itoobiyaanka ah ay ku soo jeeday magaalada Muqdisho, iyadoo wadatay gaari dameer, kadibna ay leexsadeen labo nin oo hubeysan kana tirsan ciidamada cadowga Itoobiya, kuwaas oo ay sheegtay in ay kula keceen falal isugu jira kufsi iyo jir dil xooggan.

 

Haweeneyda oo maanta saxaafadda kula hadleysay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in markii ay dhacdadaa u geysteen ciidamada Itoobiya ay gurmad u fidiyeen dadkii ka dhawaa goobta ay ku kufsadeen ciidamada Itoobiya, iyadoo xustay in loo qaaday cusbitaalka Keysaney ee waqooyiga magaalada Muqdisho.

 

Dhaqaatiirta cusbitalka Keysaney oo baaritaan ku sameeyey ayey sheegtay in ay ku amreen in aaney muddo lix bilood ah naas nuujin caruurteeeda, iyadoo lix bilood ka dib ay sheegeen dhaqaatiirta in laga baaridoono cudurka HIV aids.

 

Haweeneyda Soomaaliyeed waxa ay sheegtay in xaaladeeda caafimaad ay liidato oo ay dareemeyso xanuun joogta ah oo kala soo gudboonaaday falkii isugu jiray kufsiga iyo jirdilka ee ay kula kaceen ciidamada Itoobiya, iyadoo ka codsatay walaaleheeda Soomaaliyeed in ay la soo gaaraan kaalmo bini'aadanimo.

Axmed Cali oo ah seyga haweeneyda la fara xumeeyey oo isna saxaafadda la hadlayey ayaa sheegay in xaaskiisa loo geystay dhibaatooyin badan oo isugu jira kufsi iyo jirdil, waxa uuna muujiyey sida uu uga xun yahay falka ay ciiidamada Itoobiyaanka ah kula kaceen xaaskiisa.

 

Falkaan ay ciidamada cadowga Itoobiya kula kaceen haweeneyda Soomaaliyeed ayaa muujinaya dhibaatooyinka ay cadowgu ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna qeyb ka yahay falal baahsan oo cadowgu ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Aayaha.com

Xafiiska Muqdsho

Share this post


Link to post
Share on other sites

And what else did you expect ???

 

 

let's be ready to hear more from Ugandans and other troops too ,,,,,,,,,,,

 

 

Allah masaakiinta ha u gargaaro

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Suuban Maalin oo 37 sano jir, isla markaana dhashay 8 Caruur ah ayaa waxay intaas ku dartay in ay kula taliyeen dhaqaatiirtii joogtay Isbitaalka Keysaney in aysan muddo lix bilood ah nuujin canug yar oo nuujineysay, sidoo kale aysan kulan jinsi ah la yeelan Seygeeda, iyadoo ay dhaqaatiirtu sheegeen in mudadaas kadib laga baari doono
Virus-ka HIV
.

:mad: :mad: :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

^^ OO ma dhiig baa nogu hadhay ..intiiba waa la shubtee.

 

There are large number of young women and mothers who are being mistreated, tortured and raped by Xabashis and their counter parts everyday. Due to Somali people being so judgmental, many victims don't come forward. This woman is brave enough to let the world know the TFG have provided nothing but destruction.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Where are the Amxaaro Supporters ? I am angry at the traitors who brought these animals in our country. Might Allah curse them...Amin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by Ana_Juwa2:

This is just collateral damage presumably

Or they will dismiss it as an ICU propaganda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

May Allah's neverending curse be upon the Etho forces, the TFG, those who support the occupying enemy, and those who will excuse this atrocity as collateral or propoganda. There will be a due reckoning in this world and the next inshallah.

 

May Allah make this tragedy easy on Sister Suuban and her family and give her Sabr and ajar.

 

Allahuma Aameen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The thing that makes me suspect that this is another, rather new, PR tactic from the anti-TFG side is that a somali woman with her MAN BESIDES her makes an OFFICIAL notification of having been raped. To tell the truth it would seem more authentic if they didnt make such a big show out of it.

 

I can't believe that a somali man would humiliate himself in front of his hole nation by telling them that his wife was raped - never.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this