Sign in to follow this  
Twisted_Logic

Let the Eradication of Alshabaab Begin!

Recommended Posts

Juje   

Shabaabka Fal Is-Qarxin Ah Ka Fuliyay Muqdisho

 

Muqdisho,24-Jan-2009:-Shaqsi ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaabka oo waday Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa maanta barqadii kula beegsaday bar kontrool oo ay ku sugnaayeen Ciidamaada Boliiska Dowlada KMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM, kuwaasoo taagnaa Isgoyeska Shaqaalaha, fal is-qarxin ah, waxaana la sheegay in xiligaasi uu halkaasi uu taagnaa gaari bas (Caasi ah ) oo rakaab rayid ah saaran yihiin, waxaa la sheegay in khasaare xoogan uu u geystay gaarigaasi Baska ah, iyadoo ilaa hadda la sheegin khasaare soo gaaray AMISOM.

 

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in baskaasi qaraxa lagula beegsaday ay ku geeriyoodeen ilaa 14 qof oo rayid ah kuwaasoo aan waxba galabsan, waxaana la sheegay iney xiliygaasi taagnaayeen wadada bartamaheeda oo isbaaro u tiilay qeybo ka soo horeeya Ciidamada AMISOM oo Boliis Soomaali ah, kuwaasoo hakiyay gaarigii uu waday qofka naftii hurka ahaa, wararka ayaa sheegaya in gaarigiisii noociisu ahaa Rooned halkaasi oo qarax weyn uu ka geystay, kaasii burbur xoogan u geystay Gaarigii baska ahaa ee ay saarnaayeen Rakaabka kuwaasoo dhimasho iyo dhaawac xoogan ka soo gaaray qaraxaasi, Qaar kamid ah dadki ka ag dhawaa goobahaasi ayaa ku waramay inuu gubtay gaarigaasi, ilaa hadda lama sheegin khasaare ka soo gaaray Ciidamada AMISOM halkaasina ka dhowaa kaasoo loo waday falkaasi in lagula beegsado, inkastoo intii uusan gaarin uu qarxay gaarigaasi walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

 

Ciidamada AMISOM ayaa oodda ka qaaday rasaas xoogan oo aan loo meel dayin kadib marki qaraxu dhacay waxaana ay taasi keentay in ay dad badan oo rayid ah wax ku noqdaan kuwaasi oo goobtaasi ka ag dhawaa, iyadoo sidoo kale Madaafiic badan ay ku duqeeyeen aaga badan oo ay ka mid yihiin Suuqa Bakaaraha oo la sheegya iney 3 qof oo rayid ah ku geeriyoodeen iyo tiro kale oo dhaawac ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Israel was unable to eradicate Hamas though it wreaked unprecedented damage on its infrastructure at the cost a huge # of innocent lives. To think of the word "eradicate" is to assume the act of genocide. Al-shabaab can be absorbed but not with leaders like those stationed in D-jibouti.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xidigo   

Originally posted by Abu_Diaby- Al Falastini:

quote:Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Did they sort out their differences all those years before the Amisom ??

Sxb, I know you believe that a continuation of the violence in Somalia enhances Somalilands bid for recognition. So, don't hide behind fancy rhetoricquestions
;)
Afkaaga caano malable lagu qabay. I have been saying that for the longs time. I remember even Serenity, Ayaa hudug igu soo tidhi on another thread. These Clanlanders want Somalia to continue burning until they recieve "recognition" from the international community

:rolleyes:

 

I also believe inay dabka hurin tiisa ku jiraan ama qayb wayn ka qaadanayaan. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu hogaaminayay qof naftiisa soo huray ayaa maanta barqadii lagu beegsaday illaa 3 gaari oo ay lahaayeen Ciidamada AMISOM kuwaasi oo taagnaa wadada shaqaalaha,xilli ay ilaalinayaan Ciidamo kale.

 

Gawaarida qaraxa lagu beegsaday ayaa la sheegayaa in ay wadada dhinaceeda taagnaayeen isla markaana qofka naftii hurka ahaa uu ku dhuftay gaarigiisii Roonedka halkaasi oo qarax weyn uu ka dhacauy.

 

Qaar kamid ah dadki ka ag dhawaa goobahaasi ayaa ku waramay in ay gubteen gawaarida AMISOM halkaasina laga yaabo in ay ka dhasheen khasaare xoogan oo kasoo gaaray qaraxaasi.

 

Ciidamada AMISOM ayaa oodda ka qaaday rasaas xoogan oo aan loo meel dayin kadib marki qaraxu dhacay waxaana ay taasi keentay in ay dad badan oo rayid ah wax ku noqdaan kuwaasi oo goobtaasi ka ag dhawaa.

 

Sidoo kale ciidamada AMISOM waxay duqeyn hoobiyeyaal ah si ba'an ula dhaceen Suuqa weyn ee Bakaaraha halkaasi oo ay ku nafwaayeen dad badan oo rayid ah waxaana hadda wali kacsan xaaladda guud ee Suuqa weyn ee Bakaaraha.

 

 

--Markacadey.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Nobody wants bad for Somalia ,,,, they just do the bad to themselves.

 

 

are you trying to reason it ???

Qawdhanimada jooji, inaar. Waxa lagu leeyahay, gloating ka jooji. Like ina mooge said; hadii aad maanta wacantahay, ma ku waari doonta? Allahu yaclam. It's not nice dad walaalahaa oo liita inaad ku qososhid mar walba, isaga ducee. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duco way naga dhamaatay oo waa loo ducayn inta la nool yahay ,,, laakin waxaan ka hadlayaa marmarsiiyaha la samaysanayo.

 

Anagoo ducada naga dhacaysa aad yaabayso bay ku leeyihiin YOU WISH BAD FOR US ,, sidiiyoo ay qalbiga daalacanayaan.

 

 

marmar ma habaartaa baaba i qabata ,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

^Lol. Mayee habaarka inaga jooji. I know what you mean, it's frustrating because dadka qaarkood sheeko kale mayaqaanin, you can type two opposing opinion and they will still say, 'it's because you hate Xamar..blah, blah' but Abu Diaby is not one of those.

 

On the topic, the Southerners were never really given a chance to settle their differences on their own,you always had the UN, US Ethiopia, AMISOM interfering and trying to call the shots. That was never the case in SL and PL. For lasting peace in Somalia, it has to come from Somalis. They should go back to the qudhac tree and let the elders sort it out, that's the Somali way and it works. I know it's a long shot.

Share this post


Link to post
Share on other sites

yeah ,, that is the problem dee wax kele ma jiraane.

 

 

On a second note, they were given many chances but for them they were going from bad to worse ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this