Sign in to follow this  
B_A_L_L_E_R_Z

PEOPLE OF BURCO DENY ANY CELEBTARIONS TOOK PLACE

Recommended Posts

Dareenka Dadweynaha Reer Burco Ee Doorashada C/Laahi Yuusuf Iyo Jawaabaha ay Bixiyeen. Warbixin... Weriye Yuusuf Ilkacase. [News Category - Posted by Libaaxyare on Saturday, 16 October 2004, 11:32:36 GMT]

 

Burco, Somaliland (Togdheer Online) - Habeenimadii Isniinta ee 9kii October 2004 waxa lagaga dhawaaqay magaalada Nairobi ee wadanka Kiinya doorasho loogu dhawaaqay in kornayl C/laahi Yuusuf Axmed loo aqoonsaday inuu yahay Madaxwayne Jamhuriyada Fadaraaliga ah ee Somalia ka dib markii muddo laba sano gaadhaysa uu caalamku ku mashquul sanaa gaar ahaan dowladaha IGAD sidii Soomaliya loogu samayn lahaa dawlad dhexe. Ka dib markii lagu dhawaaqay doorashada Cabdillaahi Yuusuf wadanaka Somalia gudihiisa, Somaliland iyo Somalida kale ee qurba jooga ahba waxay ka bixiyeen jaawabo iyo dareemo kala gedisan, hadba su’aasha qormadan dhextaalka u ah waxay tahay sidoo looga arkay Gobolka Togdheer, jawaabo noocee ah ayey ka bixiyeen dadweynahu?

 

Qaar ka mid ah hadaladii dadka Reer Burco:

• Isku wadan iyo isku dowlad toona ma nihin oo kaar naguma hayo “ Badhisaabka Gobolka Togdheerâ€

 

• Ninkani maaha nin nabad gelyo, mana dhalin karo nabad gelyo “caaqil Maxamed Kaarshe Oodo-koreâ€

 

• Doorashadani maaha mid soconaysa. Waana mid Soomaali Koonfureed “ Suuldaan Nadiif saydh Jibriilâ€

 

• Xukuumada Somaliland ha u diyaar garawdo difaaca dalka, anaguna…………..“Baaq 110 mujaahidiinta SNM ah ee Burco"

 

• Ninkaasi waa Dhagar-qabe dana uma aha Soomali koonfureed, anagana nama Quseeyo “Cibaado Ismaacil Yoonis hooyo Suuqa fadhiisataâ€

 

• Caalamka maanta 10 sano oo dagaal ah ayuu u sexeexay Soomalia “ Eng: Faarah Xuseen Axmed

 

Tan iyo markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada oo si wayn isha loogu hayey ayaa dareen ka dadweynaha Burco wuxuu ahaa mid si siman ugu wada jawaabaya iyadoo doorashada lafteedu ay u muuqatay mid jaahwareertay oo filan waa iyo maskax faluuq ku noqday midhihii ka soo baxay, marka si guud loo eegayo xalka Somalia, balse waxaan shaki dareen lahi ka gelin qofkasta oo ku nool magaalada Burco sida aanu doorashadan ugu turjuban mid isaga khusaysa. Waxaa kale oo qofkasta oo reer Burco ah markii uu maqlay midhahan doorashada werwer hore leh oo uu ka muujiyey sida uu kornayl kani ugu hamiyayey xaaladii cakirnayd ee gobolada Sool iyo Sanaag Bari, taasi oo raayicaanka dadweynuhu u badnaayeen in ay habooneed in Soomaliland hore talaabo uga qaado arintan.

 

sidoo kalena in ka badan 50 qof oo isugu jira dumar rag aqoon yahano ah culimo iyo madax oo aanu arintan ku eegnay inay rayigooda ku cabiraan waxa 100%, laysku waafaq san yahay in arinta madaxtinimada C/laahi Yuusuf ay tahay mid dadweynaha Somaliland aan soo didin karayn, oo aan shaki ka geli karin qarinimadeeda, amaba xataa ay kala han wayn yihiin in xalka mushkilada Somalia aanu khayr u ahayn ee uu noqon doono xaabadii lagu soo shidi lahaa baaqiga hadhay. Taas dhigeedana waxa dadweynaha Burco muujinayaan dareen ay wadnaha farta kaga hayaan inuu kornaylka loo cumaamaday madaxtinimada uu damac ka galo inuu nabad gelyada Somaliland ugu dhiirado inuu caalamka kalsooni kaga helo ama ay ugu hiiliyaan inuu faro geliyo, taasi oo werwer ka arintaasi ka danbeeyaa ay tahay Burco oo ah gobolka soohdinta ganacsi iyo deegaan ahaanba isugu dhow yihin gobolada Somalia.

 

Laakiin tasi maaha hada mid si xoog leh u ruxaysa dareenkooda waxaanay isku qancinayaan feker kale oo odhanaya hadiiba uu isku dayo arintaasi inaanay ka duwanayn “ Hawkartii iyo calooshooda u shaqystayaashii Dowlada Somalia ka soo kiraysan jirtay Wadanka Koonfur Africa iyo kuwa la midka ah, ee awoodii caalamku ku taageeri jirtay Burburinta SNM. Somalia oo aanu caalamku hada kornaylka mid taas ka badan ku siin Karin Burburinta Somaliland, iyadoo ay weliba maanta SNM u dheertahay shacbi ku bahoobay qaranimada Jamhuuriyada Somaliland.

 

Cabdi Xuseen dheere oo ah Gudoomiyaha Gobolka Togdheer kana mid ahaa dadweynihii rayigooda ku cabirayey doodan ayaa waxa uu yidhi “C/laahi meeshii loo doortay ha u taliyo anga kaar naguma hayo."

 

Sidoo kale Eng: Faarax Xuseen Axmed ayaa isaguna waxa uu yidhi caalamku manta dagaal 10 sano ah ayuu u saxeexay Somalia dano kale ayaanu ka leeyahay, balse anaga wax na quseeya maaha. Laakin Dr. Ciise Liiban ayaa isaguna arintan mid ka duwan qaba waxaana uu yidhi “ninkaasi wax buu qaban karaa hadii aay ka baxdo nacaybtinimadu, balse shacbigan Iraado uma dhibane ha ogaado."

 

Jiif caaqil Maxamed Daahir oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka Burco ayaa isaguna waxa uu ka yidhi “ C/laahi Boosaaso ayuu xukumi kari waayey weligiina nin xukun doona ayuu ahaa balse isaga, SNM iyo Somaliland way is yaqaaniin. Waa nin mushkiladeed nabad gelyo daro ayuu ku caano maalay nabad gelyona ma keeni karo laakin arintani inaga inooma taalo sidaasna waxaa yidhi Caaqil “ Maxamed Kaarshe Oodo-kore .

 

Suuldaan Nadiif saydh Jibriil oo ah Suuldaanka beesha Gabooyaha ayaa isaguna waxa uu qabaa sababta ay reer Somaliland u wadwadaan guusha uu kornaylku ka gaadhay Imbageti oo aan ahayn mid Soomaliland saamaynaysa.

 

110 Muhaahidiinta SNM ee Burco ayaa iyaguna baaq ka soo saaray arintaasi ay xukuumada Somaliland ku toosinayaan inay u diyaar garoowdo Difaaca qarinimadooda, SNM na ay isku wargashanayaan inay gashadaan Qableygoodii (Dirayskii SNM)

 

“waxaanu u agragnaa dhagar qabe aan Soomali naf u hayn anagna nooma iman karo shuqulna naguma laha, hadladan waxaa tidhi iyadoo aad uga cadhaysan su’aalihii uu weriyuhu waydiinayey Cimaado Ismaacil Yoonis oo ka mid ah haweenka ka ganacsada suuqa Burco.

 

Hadaba marka laysku soo xooriyo dareenkii dadweynaha Burco iyo jawaabihii mikirfoonka laga dhexqaaday ayaa waxay isugu soo biyo shubanayaan kuwo cadho ku dheehan tahay, isla markaana nuxurka keli ah ee ka dhexmuuqdaa uu ahaa kelmeda odhanaysa “anaga nama Khuseeyo oo dhextaal u ahayd rayi’caanka dadweynaha, balse muujinayey inuu khalkhal gelin karo maslaxadooda kanacsi ee ay la wadagaan Gobolkada ay ood-wadaagta leeyihiin, gaar ahaana Gobolka uu ka soo jeedo ee ******teeniya iyo inta taageersan ee Sool iyo Sanaag Bari.

 

Yuusuf Ibraahim Warsame

Weriyaha Togdheer online,

Burco, Somaliland

 

www.togdheer.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this