Sign in to follow this  
General Duke

Latest government moves...Libya, Puntland, Kismayu , Jowhar

Recommended Posts

DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYEED OO TODOBAADKAN QALINKA KU DUUGEYSA HESHIIS AY KULA WAREEGEYSO LACAG MALAAYIIN DOOLLAR AH

Yaa saxiixaya Heshiiskaas, waa kuweese Dalalka bixinaya lacagtaas?

 

Sabti, July 02, 2005(HOL): Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dabayaaqada todobaadkan ay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliyeed qalinka ku jiidi doonaan heshiis ay kula wareegayaan lacag dhan ilaa 8 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

 

Wararku waxay sheegayaan in heshiiskaas uu dowladda Federaalka u saxiixi doono Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamka Md. C/risaaq Cusmaan Juriille, isla markaana ay lacagtaas bixinteeda si wada jir ah u wada maamuli doonaan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo Qaramada Midoobay.

 

Lacagtan ayaa waxay ka kala imaaneysaa Midowga Yurub oo bixinaya 3.5 Milyan, Talyaaniga oo bixinaya 2 Milyan, Ingiriiska oo isagana bixinaya 1 Milyan, halka ay dowladda Sweden ka bixineyso 1.5 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah, iyadoo lacagtaasina lagu bixin doono xaflad lagu qabanayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, inkastoo aan la ogeyn in Ra’iisal Wasaare Geedi uu goob joog ka noqon doono xafladdaas iyo in kale.

 

Dowladaha Dhaqaalaha soo siinaya Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, garabka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa si weyn u cambaareynaya xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo dalalkaasi deeqaha bixiya ku tilmaamaya in ay yihiin kuwo aan dhexdhexaad ahayn oo la safan dhinac ka mid ah garabyada ay u qeybsantay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jowhar: Golaha wasiirada oo kulan ku yeeshay Jowhar; Ra’iisul Wasaare Geeddi oo Liibiya aadey; Macaawinadii Muqdisho kasoo dagtay oo la geeyay Jowhar iyo Taliyaha Bilayska Soomaaliya oo Kismaayo Jooga

- Sunday, July 03, 2005 at 00:42

 

Jowhar (AllPuntland)- Kulan ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka KMG ah ee ku sugan magaalada Jowhar ayaa ka dhacay xarunta uu ka degan yahay Ra’iisul Wasaaraha magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Kulankan oo looga hadlayey dardargelinta howlaha Dowladda Federaalka isla markaana sidii dowladda ugu baahi karto gobolada kale ee dalka iyo maamul u sameynta gobolada dalka Soomaaliya, Shirka golaha Wasiirada uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sida saxaafada loo sheegay qodobadii looga hadlay la isla meel dhigay.

 

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxay kadib markii uu soo xeray shirka golaha wasiirada iyagoo wafdigiisu ku sii jeeda magaalada Sirta ee dalka Liibiya, halkaasoo uu ka furmi doona shirweynaha Midowga Afrika taariikhda marka ay tahay 5-ta bishan.

 

Wafga Ra’iisul Wasaaraha safarka ayaa waxaa ku wehliya xubno ay ka mid yihiin Baarlamaanka Maxamed Cumar Dalxa, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda ahna Wasiirka Iskaashiga Gobolka Ismaaciil Hure Buubaa, Wasiirka Qorsheynta Caalamiga C/raxmaan Jurile, Guddoomiye Kuxigeenka iyo xubno kale.

 

Shirweynaha Madaxda Midowga Afrika oo 5-t bishan ka furmaya magaalada Sirta ee dalka Liibiya ayaa waxaa lagu wadaa in qodobada ugu muhiimsan ee looga hadlaya ay ka mid noqonayaan xalinta khilaafaadka ka jira Qaarada Afrika, isla markaana wadahadal loogu dhameyn lahaa iyo sidii dalalka Afrika u yeelan lahaayeen hal Baasaboor oo la wada oqoonsan yahay iyo arimo kale.

 

Dhinaca kale waxaa isla maanta magaalada Jowhar gaaray 10 Gaari oo nooca N3 ah oo siday mucaawinadii shalay uu Ra’iisul Wasaaraha ka guddoomay Safiirka Dowladda Talyaaniga taasoo kasoo dagtay garoonka Cisaley ee Muqdisho, macaawinadaas ayaa lagu dejiyay bakhaaradda waaweyn ee hayadii cuntada iyo beeraha ee Soomaaliya ee magaalada Jowhar, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda deeq kale oo ka imaaneysa dowladda Talyaaniga ay soo gaarto magaalada Jowhar.

 

 

 

Cali Muxiyaddiin Cali

 

Muqdisho, AllPuntnland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo: Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Kismaayo Ka Degay

 

Kismaayo (AllPuntland)- Wafdi ballaaran ka kooban Labo iyo Toban xubnood oo uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe) ayaa maanta ka degay garoonka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

 

Wafdigan oo isugu jira Xildhibaano ka tirsan xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo xubno kale ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka magaalada Kismaayo halkaasoo ku diyaarsanaa xubno ka tirsan dowladda Soomaaliyeed iyo maamulka Isbaheysiga Dooxada Jubba.

 

 

 

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe) oo Saxaafadda ugu waramayey ujeedada socdaalkiisa ayaa sheegay in ay la xiriirto nabadeynta laga wado gobolada dalka isla markaana saraakiisha ciidamada Booliska ee ku sugan gobolada Jubbooyinka inuu kala hadlo howlaha ballaaran ee xiligan horyaala Booliska Soomaaliyeed.

 

 

 

Cali Muxiyaddiin Cali

 

Muqdisho, AllPuntnland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso: Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kulan La Yeeshay Madaxda Puntland iyo Wafdi kale oo dawlada Soomaaliya oo Yimid Puntland

- Saturday, July 02, 2005 at 12:03

 

Boosaaso (AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay duhurnimadii soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa garoonka magaaladdaas.

 

Madaxweynaha ayaa wararku sheegayaan in uu kulamo la yeeshay qaar ka tirsan madaxda dowlad goboleedka Puntland gaar ahaan Cadde Muuse Xersi Madaxweynaha Puntland kulankaasi oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Puntland ayaa ahaa mid aan loo ogoleyn saxaafadda inkastoo wararku sheegayaan in labada mas’uul ay ka wada hadleen arimaha haatan dalku marayo iyo kaalinta looga baahan yahay Puntland ee ku aadan dowladda cusub ee Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa wararku sheegayaan in safarkiisa ay ku wehlyaan xubno ka socda dowladda Yamen waxaana la filayaa in madaxweynaha socdaal ku soo bixiyo deegaanno ka mid ah Puntland kadibna u soo gudbi doono xarunta KMG ah ee Dowladda oo ah Jowhar.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Garoowe: Wasiirka Gaashaandhiga Iyo Xubno Ka Tirsan Dowladda Oo Soo Gaaray Puntland

 

Garoowe (AllPuntland)- Wafdi ka kooban 12 xubnood oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Jen. C/raxmaan Maxamuud Cali ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha Garowe ee maamul Goboleedka Puntland.

 

Wafdiga oo ka koobnaa Xildhibaano iyo xubno kale ayaa 10 xubnood oo wafdiga ka mid ah ay u sii gudbeen magaalada Gaalkacyo halkaasoo ay howlahooda kasii wadan doonaan, halka labo xubnood oo kale ay ku hareen magaalada Garowe oo xarun u ah dowladda Puntland.

 

Xubnaha dowladda ayaa maalmahan ku sii qulqulayey goblada dalka Soomaaliya iyadoo horay deegaanada Puntland u sii joogeen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan xukuumada federaalka Soomaaliya.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

**********PLease respect others.Using vulgarity on the forum doesn't get nomads win the debate.

 

Next time we catch you breaking our rules, we would have no choice but to suspend your username

 

Admin

Somalia Online

**********************************************

 

[ July 04, 2005, 12:09 PM: Message edited by: Admin ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ :D:D

It is getting there sxb. Yeah almost there.

 

 

3 things why Col. Yey's government will be short lived (or maybe it already has, waiting for the official report from the doctor) :D

 

1. His personal background (warlord mentality, totaliterian attitude, his pass history etc etc)

2. His No-Mogadishu policy + Habashi Dabadhilifnimo etc

3. Without Mogadishu - he is gonner. And even if he comes to Mogadishu he will always be a Guest to the warlords there.

 

 

Opportunities are once in lifetime shot, and it seems the Colnel has lost quiet a number of them.

 

Now the only options left for him is either quit (before he is quited) or to the "Maquunin" option. If he chooses the later, he will end up like Morgan. :D

 

It is better for him to retire now before he looses that chance too.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

after going around the world in begging bowl all he manages to do is end up back in the town of bossaso :D:D lool i think afbijo doesnt share your optimism looool.

 

 

dhuuso yaad cadar uga dhigaysaa, :D

 

funny you sound like that Iraq propaganda minister the only difference is he might have spoke from the wrong end but he made the world laugh, wish i could say the same about you my friend. :(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Things look bleak for A/Y & Geedi for eight months but it seems their oponents have no vision nor the desire to change the status quo. If they are able to establish themselves somewhere closed to Mogasdishu peacefully time will be on their side. But without pacifying Mog and making the seat of gov,t there, this govt will be disappear like Qasim,s and Mahd,s before.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Things don't look bleak for A/Y and Geedi's government but in actual fact it is. By the end of this month there will be no more 'government'.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ FirsT of all to the Somalilanders I am happy its getting there but we have heard it before. As for bleak or the end, its the beginning of the restoration of statehood. Somaliland has no power beyound Burco.

:D Oh Edna Aden and Bob Geldof will get recognition.... On a serious note.

 

Warlords in Xamar have no power to remove roadblocks, open port let alone withstand ina Yey. Lets look closer at whats happening, the Sharif group have failed, to even hold a normal session of parlimetn in Xamar. They have failed to remove the roadblocks. they have failed to bring on board powerful business groups in the city.. They have failed to capture Jowhar. Their influance in Kismayu is wanning, even the most ardent supports of government were surprised at this development

 

The government has the support of the people, the Puntland state, regions such as Hiiraan, Gedo, Middle Shabbele, and even large parts of Mogadishu.. For Somalilanders, names like Aydeed Jr, Koogare, Abukar Cadane, Engineer Enow, Bashir Raage, Mohamed Dheere can be researched to know how important these individuals are.

 

The AU, Arab league, EC hence the attacks on Ethiopia, Yemen and Italy. Soon Libya.. The UN is funding the governmet while ignoring the Mogadishu warlords.

 

Indeed much is changing but its bleak for the naysayrs and not the TFG... ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Are Somalilanders still doubting C/laahi Yusuf’s capacity to deal with his enemies ? After all what happened as C/laahi Yusuf was the president of puntland. Just a little reminder. at that time Somaliland was his enemy and after all the talks and blabla Somaliland got humiliated on Politic Front, Economic Front and Military Front, an first class humiliation from Ina Yeey and you are still doubting Ina Yeey’s capacity

 

 

Or are guys you hoping that he fails ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

maybe it was bleak for the president few months back for his inaction but know him and his gov are taking the initiative. They outmonuvoring the warlord thugs in mogadishu while they building thier support in many regions. I can understand why some people want him to fail because him putting right policis, strategies and work plans unlike his adversaries in Mog.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

^^Well said. This government is finally starting to establish itself at home, things are looking brighter.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

True say, instead of people screaming about "inactions", "war will happen!" and "this government is dead!", give this new infant government time to do it right and be careful. After all this is our last chance even if new peace talks are to occur. Let C/Y and Geedi do what they were chosen for in the first place. Let them take the time to secure funds, build up local support, establish itself as thé Somali government, plan strategies and policies and implement them.

 

PS: Its funny that the people that were screaming "huuhaa C/Y is going to attack, wage war, take revenge etc." are also complaining about his socalled "inactions". Why? You want this government to fail so badly? Nobody cares if you have a sick hate for C/Y (For goodness sake go to therapy before it consumes your life. Oops too late!), but don't be so xaasid to deny Somalia to regain it's normalcy, let alone it's lost glory.

 

Guul iyo Jano!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this