Sign in to follow this  
XOG-ogaal

Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweeye oo ku geeriyooday magaalada Nairobi

Recommended Posts

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 20/04/07

 

 

Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye) oo ahaa kuxigeenka Duqa magaalada Muqdisho ee arrimaha nabadgalyada ayaa dhaawac dartiis ugu geeriyooday dalka Kenya Magaalo madaxda Nairobi, isagoo shalay lugtiisa ku tagay Cisbitaal ku yaala dalkaasi.

 

Dhaawaca soo gaaray Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye) ayaa ahaa mid fudud oo jab ahaa isagoo kasoo baxay dhaqtarkii la geeyey, shalay ayaa la sheegay inuu dhaqtarkiisa ku laabtay si looga saaro biro ku jiray lugtiisa, balse waxay wararku sheegayaan in maanta xiligii salaada Jimcaha laga qabtay Caloosha oo uu ku sheegay inay calooshu fadhido dadkii la joogay ayuu u diray in Caano geel la siiyo si caloosha usocoto, markii loo keenay caanahii oo dadkii ay kala aadeen Salaada Jimcaha oo ay dib ugu soo laabteen ayaa la arkay isagoo aad u xanuunsanaya.

 

Dadkii la joogay ayaa ula cararay Cisbitaalka balse ma aysan usuura galin in ay geeyaan isagoo naf ku jirto Marxuum Shaaweeye wuxuuna ku qurbaxay Ilinka laga galo Cisbitaalka, waxaana wararka aynu ka helayno ilo xog ogaal ah ay ii xaqiijiyeen in maalinta beri ah loo soo duulin doono magaalada Muqdisho laguna aasi doono.

 

Marxuum Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye) ayaa geeridii ku timi waxa tacsi u diraya dhamaan Madaxda Dowlada federaalka kmg iyo Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cade Gaabow) waxayna u rajeeyeen inuu janadii fardoowso Allah ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna Samir iyo Iimaan ka siiyo Amiin Inaa Lillaahi wa inaa Ilaahi Raajicuun.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this