Sign in to follow this  
me

SSC iyo XUKUN DEGDEG AH

Recommended Posts

me   

{Buuhoodle} 05-06-10 - Isimada, Khusuusida, iyo Hoggaanka Badbaadada iyo Midnimada waxaa la gudboon inay SSC ku soo rogaan xukun degdeg ah maadaama uu dalku ku jiro xaalad adag oo dagaal ah. Xukunka degdegga ah waxaa lagu dhaqayaa cid kasta oo ka hortimaadda halganka xoraynta iyo midnimada.

 

Xukunka degdegga ah waxaa uu si toos ah u qabanayaa kuwa ka imanayaa Soomaalidiidka, dibindaabyada puntland, iyo cid kasta oo SSC gudaheeda laga adeegsado. Xaaladda noocani oo kale ahi waxay u baahan tahay maamul adag sababtoo ah shacabka SSC ma aqbali karo khiyaamo, carqaladayn, iyo af gembi lala daba taagnaado.

 

Ummaddu waxay u baahan tahay hoggaamin hal adag iyo ficil dawladnimo oo meel mar ah, iyo in aan loo hamran wax kasta oo ka soo horjeeda himilada, masiirka, iyo rabitaanka ummadda SSC ee duudsiga iyo dulmiga lagu hayey waqtiga dheer iyadoo laga faa'iidaystay samirkooda, Soomaali jacaylkooda, midnimo jacaylkooda, iyo horumar ay gaadhaan ka jeclaayeen Soomaali oo is-raacda.

 

Shacab weynaha SSC meel kasta ay joogaan gudo iyo dibedba waxay si weyn u taageerayaan una soo dhoweynayaan xukun degdeg ah Isimadooda xalaasha ah, Khusuusidooda, iyo Hoggaanoodu soo rogaan kuna maamulaan Dhulka SSC muddada xoraynta. Xoraynta kaddib guushana la gaadho waxaa la qaadi doonaa xukunka degdegga ah, xaaladdana waxaa lagu soo celin doonaa caadi.

 

Inta xukunka degdeg ah jiro, waxaa kale oo socon doonta in shakhsiyaadka habowsan ee SSC una adeegaya labada maamul beeleed dhinacyada inaga xiga si macquula loo wado dadaal lagu qancinayo inay dadkooda dhinac ka raacaan, lana fahmsiiyo in danta gaarka ah ay ka weyn tahay danta iyo mustaqbalka guud ahaan ummadda, ayna dhici karin koox yari oo kooban ku ciyaarto, khamaarto, ama ku danaysato waxa dadka oo dhan ka dhexeeya. Farriinta oo cad waxa weeye "Qadiyadda SSC oo xaraash ahi (Auction) dib dambe suuqa uma taal."

 

Waxaa dadka SSC dhawrayaan tallaabadan oo degdeg loo qaado.

 

SSC Guul, Midnimo, iyo Gobanimo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this