Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

New somali news paper In the Uk. Pics

Recommended Posts

Sidee loo soo dhoweeyey Wargeyska Cusub ee The Enterprise Newspaper + Shakhsiyaad Caan ah +SAWIRRO

 

February 16, 2010 | Both comments and pings are currently closed. | RSS

 

Wargeyska The Enterprise Newspaper oo ka soo baxa magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska ayaa cadadkiisii labaad soo baxay horraantii bishan Labaad, kaas oo ka koobnaa 32 bog, lagana soo daabacay in ka badan labaatan kun (20,000) oo xabbo ayaa labadii toddobaad ee ugu horreeyey bishan durba aan waxba ka sii ool, waxaana si weyn loo soo dhoweeyey wargeyskan The Enterprise oo durba afhayeen u noqday bulshada Soomaalida ah ee ku nool dalkan Ingiriiska ah, kuwaas oo aan cod iyo cid u doodda toona hore u lahayn; wargeyskani wuxuu ku soo kordhiyey inuu dhiirigeliyo sawirka togan (positive) ee Soomaalida, waxaanu u noqday dariiq ay aqoonyahanku bulshadooda u soo maraan, waxna ugu soo gudbiyaan.

 

Wargeyskan “walqashiisii durba cunay waaxyaheedii” ayaa la saadaalinayaa inuu muddo kooban gudahood si weyn uga hanaqaado dalkan UK, bulshada Soomaalida ah – ee had iyo jeer xuquuqdooda la duudsiyana u hiilin doono, una noqon doono cod dheer oo ay ku gudbiyaan fariintooda, kuna difaacaan sharaftooda iyo dadnimadooda.

 

Wargeysku wuxu olole balaadhan ku qaaday inuu bahweynta Ingiriiska ah ka dhaadhiciyo sida ay bulshada Soomaalidu uga mid tahay bahweynta iskugu soo gashay dalkan Ingiriiska (Multicultural Sociaty), ayna hormuud ka yihiin dhanka ganacsiga, tacliinta iyo weliba dhaqanka iyo diintaba.

 

Haddaba, waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa shakhsiyaadkii caanka ah ee wargeysku gaadhay iyo sida ay ula dhaceen durba quruxdiisa, qoraallada ku jira qoto-dheeridooda, iyo qarada wargeyska oo ka kooban 32 bog “color full” ah, isla markaana si heersare ah loo soo daabacay, waxa ka mid ah dadka soo dhoweeyey siyaasiyiin, suxufiyiin, abwaanno, tafatirayaasha wargeysyada iyo magazine-nada ka soo baxa Qurbaha oo ay mid yihiin wargeyska KASMO, magazine ka SHEEKO iyo Somali Eye iyo TVga caalamiga ah ee Universal.

 

 

edwardmp.jpg

 

Edward Davey MP – Libdem – Shadow Secretary of Foreigners and Commonwealth Commission and his wife

 

Hereri.jpg

 

Weriye Cabdisalaan Hereri –Universal TV iyo Cabdiqaadir Shire – Tafatiraha guud ee KASMO

 

suldaan.jpg

 

Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen – oo ka mid ah madaxdhaqameedyada Soomaalida ee ku nool carrigan Ingiriiska.

 

hamish.jpg

 

Hamish Wilson – Sawirqaade Soomaalida dhexdeeda caan ka ah, wuxuuna leeyahay beerta DEGMO oo dad badan oo soomaali ahi u dalxiis tagaan xilliga xagaaga.

 

Xudaydi.jpg

 

Abwaan Axmed Ismaaciil Xudaydi – Boqorka Cuudka

 

wiil.jpg

 

Wiil Soomaaliyeed oo ka helay macluumaadka ku qoran, aadna ugu faraxsan.

 

sheeko.jpg

 

Mawro Aamina – Tafatiradda Guud ee magazine ka SHEEKO

 

kaluun.jpg

 

Cismaan Kaluun –Siyaasi weyn oo ruugcadaaya oo ka helay wargeyska The Enterprise

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

xaaji, kanna makii icitiraafka lagu raadinayyey baa

ictraakfa meel kaliya lugu ma so koobo Wala balaadhiya wa sida pizzada oo kalle soo daqiqda lama kala bixiyo. Ictraafka na wala kala bixiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^While your observation is valid. They could use proofreader. You sound like this kid I used to know whose the classmates wanted to beat up. Unfortunately, we never got the opportunity. His parents always use to pick him

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Che -Guevara:

^While your observation is valid. They could use proofreader. You sound like this kid I used to know whose the classmates wanted to beat up. Unfortunately, we never got the opportunity. His parents always use to pick him

Lol, that's a little harsh, glad I didn't go to your school che but should the situation have presented itself, I would have talked your classmates out of the silly idea.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Good news. It maybe argued that somalis don't turn to newspapers to get news.

 

Naxar you are right!

 

How much of this is PR for gaining some grants? Afkuu ku soo baxaa wargeyska?

 

By the way it seems that Xawaalaha business is the only business form somalis know! You see ads for these "usery" taking (with the tacit approval of culumas) business at every corner.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this