Sign in to follow this  
Hunguri

Ninkii Dawladu dishay oo Somali noqday (Fadeexad)

Recommended Posts

Hunguri   

Wiilkii Seddexaad oo Somali-American ah oo lagu dilay Muqdisho

 

 

Jamal Bana oo Muqdisho lagu dilay

Axad, July 12, 2009(HOL): Wiil kale oo Somali-American ah, isla markaana ku biiray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu dilay Magaalada Muqdisho kaddib dagaal xooggan oo shalay dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo ka soo horjeeda.

 

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay Qoyska uu wiilkan ka geeriyooday oo lagu magacaabo C/risaaq Biixi ayaa sheegay in ay sawirrada Jamal Bana oo 20 sano jir ah ay ka heleen Bogagga Intertnetka, sidaasna ay ku garwaaqsadeen in wiilkoodii uu Muqdisho ku dhintay.

 

Saraakiil u hadlay Hay’adda Dembi-baarista Mareykanka ee FBI ayaa sheegay in ay baarayaan sida ay 20 Dhalinyaro-Somali-Am erican ah oo ku noolaa Magaalooyinka Twin Cities ay ugu biireen ugana dhinac dagaallamayaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

 

Sida ay horay u sheegeen oo kale qoysas ay Caruurtooda Soomaaliya aadeen kaddibna ku geeriyoodeen ama lagu la’ yahay waxay sheegtay Jamal Bana hooyadiis in ay raadineysay wiilkeeda ilaa ugu dambeyntii ay aragtay sawirka wiilkeeda oo meyd ah.

 

C/risaaq Biixi waxaa uu sheegay in hooyada dhashay Jamal ay aqoonsatay markii sawirkiisa la soo geliyay Baraha Internetka, iyadoo markaasina ay Dowladda Soomaaliya ku sheegeyso in uu yahay Ajnabi u dhashay dalalka Pakistan, Afghanistan iyo Bangaladesh midkood.

 

“Midab ahaan Soomaalida uma eka Jamal, wuxuuna lahaa maqaar iftiimaya, sidaas darteed ayay Dowladda ugu tilmaantay in uu yahay dagaalyahan ajnabi ah oo ka yimid Afghanistan ama Pakistan”ayuu yiri C/risaaq Biixi oo intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya ay sawirrada Jamal u qaaday in ay Caalamka tusto in ay dileen dagaalyahan Ajnabi ah.

 

Wargeyska Fox News oo soo daabacay Qoraalka, isla markaana helay sawirrada meydka Jamal Bana ee ay soo bandhigtay Dowladda Soomaaliya ayaa go’aansaday in uusan sawirrada qaarkood oo gaboodfal muujinaya soo bandhigin. Sawirrada qaarkood ayaa waxay muujinayaan meydka Jamal Bana oo waddooyinka Muqdisho lagu jiid-jiidayo.

 

Afhayeen u hadlay FBI-da Mareykankana wuxuu sheegay in ay sawirrada ka war qabaan laakin uusan xaqiijin karin ama dafari karin in sawirrada ay muujinayaan meydka Jamal Bana.

 

Jamal Bana intii uusan ka tegin Soomaaliya wuxuu darajada waxbarashada ka gaaray Injineer Korontada ah, wuxuuna noqday wiilkii seddexaad oo Somali-American ah oo lagu dilo Soomaaliya isagoo ka dhinac dagaallamaya Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

 

Horay waxaa Soomaaliya loogu dilay Burhan Xasan oo si weyn looga qadarin jiray Dugsiga Sare ee Roosevelt ee Minneapols ku yaalla. Burhan waxay Soomaaliya wada tageen Jamal bishii November ee sanadkii hore. Si dhab ah looma oga sida uu dhintay Burhan Xasan, waxaase la sheegaa in uu ku dhacay madfac hoobiye ah ama ay ku dhacday rasaas habow ah.

 

C/risaaq Biixi oo u hadlay Qoyska wiilkooda Muqdisho lagu dilay waxaa uu sheegay in dhimashada Jamal ay mas’uul ka tahay Xarakada Al-Shabaab, wuxuuna taasi ku sababeeyay sida uu u yiri in ay maskaxda ka dhaqeen, kaddibna ay ka dhaadhiciyeen in uu ku biro.

 

Bishii Oktoobar ee sanadkii hore ayay ahayd markii 27 jir dhiganayay College ku yaalla Minneapolis oo lagu magacaabo Shirwac Axmed uu noqday qofkii ugu horeeyay oo Mareykan ah oo la yaqaano oo qarax is-miidaamin ah isku dilay, isagoo galaaftay nolosha dad badan oo kale.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

 

Sawiradiisii hoos ka arag!

Wiilka Sawiradiisii halkan ka eeg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Big time fadeexad. Waxaan aad uga naxay maydkiisa sida dadku ugusoo xoomayaan. Waar aan wax kuu sheego, wacad Alla Muqdisho iyo Koonfur dad wax garad ah ma joogaan. Xaqiiqda iyo runta ayaan kuu sheegayaa. Kolayba haddaa kuwo badanoo SOL ku jiraa hadalkayga si kale u tarjumayaan. Laakiin, xaqiiqda jirta ayaa waxay tahay inuu Waxgaradka, Guurtida, Gadh casta, iyo Dadka Indheer garadka ahi ku yar yihiin!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

i knew he was too dark to be ajnabi. anyway sad reality. I'm against corpses being paraded anyway. it's un-islamic.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Jamal Bana/Somali-American - if he came all the way from MN to kill Somalis while his family lives in comfort then he is a bloody foreigner in my books. He should be killed. Point blank. I will shoot him between the eyes if it were up to me. Good riddance.

 

PS: I find the dragging/picturing of corpses a bit too trivial. What does a dead 'matter' feel? Does the dead even care? Not a chance.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

*********s are devoid of all logic.

 

 

( paragon, shoot the foreigners from the great lakes region who came to Muqdisho to kills Somalis too. actually don't, they're your brethren now. :D ps. I am joking with you abti-lakin those brothers that left from west all went to with the intention of ridding Somalia from an occupation, and not to kill innocent Somalis. don't let hatred of a group drive you to speak from emotion, akhi. )

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

^^ the same one you and SHariff ahmed used to lobby against; the one from Xabashis, Uganda, Burundi and TFG warlords. Read NYT article and you'll understand why those brothers left and it had nothing to do with killing Somalis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Paragon Jamal BAna was inspired by the fake Mujahidin led by Sharif hotel to fight againt the infidals. Ironic that Sharif Ahmed & indacade are now parading his dead corpse to get fund from the great infidals. Bana was a victim a young man who did not know anything about politics.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Originally posted by Paragon:

Where are the Xabashis? The rest are PEACEKEEPERS!

was that before or after mr Shariff got selected by the US to run Somalia? I mean, wasn't he the one who said there is no difference between Amnisom and Ethiopia and called upon Somali youths to fight them( and their somali allies)?Short memories.......

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

Paragon Jamal BAna was inspired by the fake Mujahidin led by Sharif hotel to fight againt the infidals.

Are you saying the boy joined Al-Shabaab when Shariif was the rebel leader and Al-Shabaab was fighting against the old TFG?

 

If that is true, then this is a double tragedy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this