Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland police arrest terrorist suspect

Recommended Posts

Bileyska Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Looga Shakiyey Argagixiso Oo Laga Qabtay Markaska Tabliiqiyiinta Ee Bariga Hargeysa

“Ninkan Oo U Dhashay Somaliya Wuxu Sitay Dhowr Moobil, Intii Aan Xabsiga Loo Taxaabin….” Sheekh Caydaruus Daa’uud

Hargeysa, July 25, 2010 (Haatuf) – Nin looga shakiyay inuu ka mid yahay ururada Argagixisada ayaa maalintii doraad lagu qabtay masaajidka weyn ee Markaska, kaas oo ku yaala bariga magaalada Hargeysa.

Ciidamada bileyska oo ku sugnaa Markaska ayaa gacanta ku dhigay ninkan oo ka soo jeeda dalka Somaliya, isla markaana sitay dhowr Mobil oo uu ku hadlayey.

Masaajidka Markaska ayaa waxa xiligaasi ka socday kulanka sanadlaha ah ee Ijtimaaca ee oo ay iskugu yimaadaan kumaan qof oo Muslimiin ah oo ka kala yimaada wadamada Islaamka.

Sida uu Haatuf u sheegay Sheekh Caydaruus Daa’uud oo goob joog ahaa markii bileysku qabanayey ninka laga shakiyey, kaas oo sheegay in ciidamada booliska ay qabteen xili uu ninkaasi galay luuq ka mid ah masaajidka kaddibna markii ay ciidankii booliska ee ku sugnaa masaajidku ay u yimaadeen ee ay baadheen ka heleen dhawr telefoon oo ah kuwa gacanta lagu qaato.

“Intii aan xabsiga loo taxaabin ninkaas ciidanka ayaa su,aalo waydiiyey, dabadeed waxa ay arkeen in ninku uu hadal adag yahay markii ay weydiiyeen xaga uu ka keenay Mobiladana waxa uu u sheegay dad dhawr ah oo uu magacyadooda sheegay, intaa kaddib dadkii ayey la doondooneen waxaanay aakhirkii So xaqijiyen ciidamada boolisku in dadkan uu sheegay ninkan la qabtey aanay jooginba masaajidka intaas kaddib waxa ay ciidanka amaanku xabsiga u taxaabeen ninkaas” ayuu yidhi Sheekh Caydaruus Daa’uud.

Mar aanu isku daynay in aanu la xidhiidho taliska bileyska ee Hargeysa ayaanay noo suurto galin in aanu ku helo khadka tilfioonka.

Qabashada ninkan looga shakiyay Argagixisada ayaa ku soo beegmaysa xili laba maalmood ka hadhsan yihiin wakhtigii loo cayimay xilwareejinta labada madaxweyne oo ku beegan maalinta Salaasada ee bishan July tahay 27.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Good work Somaliland Police ,,,,,,,,,,,

Share this post

Link to post
Share on other sites
Showqi   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

“Intii aan xabsiga loo taxaabin ninkaas ciidanka ayaa su,aalo waydiiyey, dabadeed waxa ay arkeen in ninku uu hadal adag yahay markii ay weydiiyeen xaga uu ka keenay Mobiladana waxa uu u sheegay dad dhawr ah oo uu magacyadooda sheegay, intaa kaddib dadkii ayey la doondooneen waxaanay aakhirkii So xaqijiyen ciidamada boolisku in dadkan uu sheegay ninkan la qabtey aanay jooginba masaajidka intaas kaddib waxa ay ciidanka amaanku xabsiga u taxaabeen ninkaas” ayuu yidhi Sheekh Caydaruus Daa’uud.

Ninkan hadii aan:

1) laga helin wax hub ah markii ay Boliisku baadheen.

2) Dad yaqaana (Markhaatiyo) in uu argagixiso yahayna aanay meesha joogin.

3) Wax waraaqo amaba cajalado ah oo cadaynaya in uu argagixiso yahayna aan laga helin.

Waa khalad in ay Boliisku ninkan xidhaan. Boliisku hadii ay tuhun ka qabaan ninkan, ta kaliya ee u furan waxeey ahayd in ay ilaalo d-abo dhigaan oo ay la socdaan far kasta oo uu dhaqaajiyo, meelkasta oo uu booqdo iyo qofkasta oo uu la xidhiidho.

Mar aanu isku daynay in aanu la xidhiidho taliska bileyska ee Hargeysa ayaanay noo suurto galin in aanu ku helo khadka tilfioonka.

Wax cadeeynaya ninkani in uu argagixiso yahay ma hayaan. Markaa su'aalaha weey ka meer meeraysanayaan.

Qabashada ninkan looga shakiyay Argagixisada ayaa ku soo beegmaysa xili laba maalmood ka hadhsan yihiin wakhtigii loo cayimay xilwareejinta labada madaxweyne oo ku beegan maalinta Salaasada ee bishan July tahay 27.

Amaanka in la sugaa waa wax muhiim ah. Laakiin dadka xoriyadooda in lagu xad gudbaa waa khalad.

Share this post

Link to post
Share on other sites
nuune   

“Intii aan xabsiga loo taxaabin ninkaas ciidanka ayaa su,aalo waydiiyey,
dabadeed waxa ay arkeen in ninku uu hadal adag yahay
markii ay weydiiyeen xaga uu ka keenay Mobiladana waxa uu u sheegay dad dhawr ah oo uu magacyadooda sheegay,
[/b]
intaa kaddib dadkii ayey la doondooneen waxaanay aakhirkii So xaqijiyen ciidamada boolisku
in dadkan uu sheegay ninkan la qabtey aanay jooginba masaajidka
intaas kaddib waxa ay ciidanka amaanku xabsiga u taxaabeen ninkaas” ayuu yidhi Sheekh Caydaruus Daa’uud.

- The police prisioned a man from South of Somalia

- He was attending the annual congregation service at the main mosque

- At the time, he had few mobiles with him, including his own one

- The police were there also at the mosque centre

- The police approached the man and asked him about the mobile phones

- The man said the mobile phones belong to some people

- The police searched, or tried to call or locate the mentioned people while at the mosque

- The police concluded the MEN were not in the mosque, or in Hargeisa

- The police prisoned the man for they could not locate the people who owned the mobile phones

- The police finalised that the man is a terrorist trying to bomb Hargeisa presidential ceremony.

PS: if that is how one becomes a terrorist and then prisoned, then I know many people who own more than 5 or 6 mobile phones in Hargeisa, I hope they won't get prisoned!

Share this post

Link to post
Share on other sites
Showqi   

So,,,,you will take away someone's freedom because he is carrying too many cell-phones!

And where does it say in the law you'r not allowed to carry more than one cell-phone?

Share this post

Link to post
Share on other sites

Waryaa JB, how many cellphones do you currently own? Take only one cell when you travel to Puntland next time. Haddii kale waxaa lagugu soo oogi inaad Sheekh Atom walaalo tihiin.

Maxaa la yiri? Wixii aan la garanayn waa "argagixiso". Muuqaalkooda ayaa ummadda ka argagixiya.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Goonle   

Libax, good to see you again. Its been a while. Atom is making quite a name for himself. Poor leadership in puntland has enhanced his overwhelming local support. Lets hope Faroole does not continue to empower Sheikh Atom with his poor decision making.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Originally posted by Libaax-Sankataabte:

Waryaa JB, how many cellphones do you currently own? Take only one cell when you travel to Puntland next time. Haddii kale waxaa lagugu soo oogi inaad Sheekh Atom walaalo tihiin.

:D:D ..... Maalmo dhawayd baan 2 sitay laakiin hada waan iska dhigay oo miduun baan isugu lugo duday ,,,

Garowe markaan tegayana ,,, xataa kan waan ka tagaa mid baa ii sii yaala xagaa ,, lol

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this