mangalool

AMAAN DUMAR..........gabay

Recommended Posts

asalaamu caleykum,dhamaantiinba.... hadii ragu wada doono ,nin walbaaba inuu guursado hablaha ta kujirta , sida gabayaaga soo socdaa uu gabaygiisa ku sheegayo yaa guursanay inta kale?.????????..1. Xasanow dhawaaq gabay haddaad iga dhaguugayso

2. hadduu guur qalbiga kaaga dhaco dheelin baad tahaye

3. dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye

 

4. dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise

5. hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane

6. meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay

 

7. dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay

8. dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda

9. dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo

 

10. dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso

11. cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda

12. dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile'e

 

13. saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda

14. sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay

15. waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay

 

16. dammideedba maantay deerays dheeg iskaga yeesho

17. ee ay dhabeelnimiyo qurux dhuuxa ka iftiinto

18. dhugta lugha iyo faayahay dhebel u sii dayso

 

19. kolkay socodka dhiif uma waddee dhebi sidii liicdo

20. dhega inan rag kay dhinac martaa dheelmatiin galabe

21. dhaqan iyo adduun lama hadheen dhogorta xoolaade

 

22. inta dahabka lacag dheertahay dumarka dhaantaaye

23. dhadhab igula looshiyo hurdada dhool anoo ladaye

24. dhuuxaga iyo feedhay dhudi ku laaqnayde

 

25. sidii malagga ruuxayga dhigay laygu kaa dherere

26. inkastay dhallaan yeelatiyo ubad dhawaaqaaya

27. dhimashada ha joogtee si kale waw dhur sugayaa

28. dhufsataye qalbiga maanigaa dhudi ka reebaaya

 

....ahahaha waa cajiib caatada hada lagu faano waaba iska ilaaliya..qolyihii tuurta lahaa ..iyo yar yarkiiba daaqaduu ka saaray.........guuur waa nasiiib laakiin....

inkastoo qof walbaab wanaag kutaaamo hadana wixii loo katimay waa lakulan siin.... :D

ajajajajilka weyne adna ma qosol uunbaad haysaa :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xafsa   

Originally posted by mangalool:

asalaamu caleykum,dhamaantiinba.... hadii ragu wada doono ,nin walbaaba inuu guursado hablaha ta kujirta , sida gabayaaga soo socdaa uu gabaygiisa ku sheegayo yaa guursanay inta kale?.????????.

Walaahi waa runtaa. Inteena kale yaa noo muslin ah? ;)

 

 

I like this one:

Cumar Xuseen (Austerelie), (HA)

 

Qureeshkeeda Faadumo haddaan qaar ka mid ah sheego

Tallaabada qallooc uma dhigtee way qotomisaaye

Qalbigaa ku faaraxa markay qaaddo laafyaha'e

Allaw hayga soo qaban intaan Qalanjo gaadhaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Gabar gariye baan soo arkoo dumarba gaadhayne

Alaylehe gob weeyee hadaan galay minkeedii

Sida baarqal geel lagu daray oo garowo loo saantay

 

Ama goray haldhaagoo ku jira goraya cawshiisa

Haween lama gudboonoo ayadu gooni bay tahay

Goraamada markay socota eey gacanta sii dayso

 

Ee ay golxooy labada guluc galac ka siinayso

gala jooga quruxdaan inaan galo ka yaabaa

 

Allow yaa galbeed kuma wacnee gaadhi kula dhoofa

Allow yaa gayiga aan dagniyo bariba gaarsiiya

Allow gob lama caasiyee aniga ii guursho.

 

By Ismaciil Mire

Share this post


Link to post
Share on other sites
maajo   

waaaaaaaaaaaaaaaaaaw..thnks..u can't realize how much i like (gabayadeena somaliyeed)

c---on nomads ...hadii aad hessin gabayo badan..let us see ..ama i sheega meel aan ka heli kara xaga internetka.

mangalool

thnx..gabaygan foo-wankeygi ayaa qaatay ayaan u maleena shcool holwadaag-sare

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   
On 7/26/2018 at 5:02 AM, Dahireeto said:

Love this poem. But is it Amaan Dumar  or Ammaan dumar?

Ammaan dumar ayaa sax ah. Gabaygu waa mid wacan laakiin higaad xumo ayay raaxada kaga qaadeen. 
M N L G R D B dhamaantood waa xarfaha labanlaabma. 
amaan = nabadgalyo (War amaan i sii) 
Ammaan = in qof wanaag lagu xuso 
 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.