Sign in to follow this  
General Duke

MOGADISHU: Huge security operation underway..

Recommended Posts

askar4.jpg

 

DKMG ah oo sheegtay in uu socdo howl-galladii amaan sugidda Muqdisho

 

Mogadishu 07, Oct. 07 ( Sh.M.Network)- Saraakiisha ciidamada booliska dowladda KMG ah ee Somalia ayaa sheegay in uu bilowday howl-galladii lagu sugayay amaanka magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka ciidamada booliska dowladda KMG ah ee Somalia G/lle C/waaxid Max'ed Xuseen oo saakay u waramayay idaacadda Shabelle ayaa sheegay in gabi-ahaanba magaalada Muqdisho uu ka bilowday howl-gallo balaaran oo lagu sugayo amaanka, xilli xaaladda amaan ee caasimadda uu sii xumaanayay maalmihii la soo dhaafay.

 

Howl-galladaan ayuu sheegay in intooda badan ay ka soconayaan deegaanada Suuqa xoolaha, Ex Ctrl Balcad, Gubta iyo qeybo ka mid ah wadada warshadaha.

 

Sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada booliska, howl-galladaan oo socon doono muddo 17 maalmood ayaa lagula dagaalami doonaa kooxaha rabshadaha ka wada caasimadda iyo waliba lagu baarayo walxaha qarxa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho(AllPuntland)- Magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaalida ayaa waxa ka bilowday howlgalo maalmahaan ay shaaca ka qaadayeen Saraakiisha dowlada Soomaaliya waxa ayna ka bilowdeen deegaano fara badan.

 

Madaxa Isku xirka Saxaafada iyo Booliska G/lle Cabdi-Waaxid Maxamed Xuseen Ayaa ku dhaawaqey in ay bilowdeen howlahaasi saaka luguna bilaabey Ex-Conrtol ee magaalada Muqdisho ,ciidamo fara badan ayaa magaalada lugu arkayaa.

 

Magaaladu waxa ay noqontey meel lugu arko Milateri fara badan gaadiidka gaashaaman ee loo yaqaano Tiknikada iyo gaadiidka Maxaabiista lugu qaado oo fara badan doonaya in cidii la qabto xabsiyada ay geeyaan.

 

Wadadooyinka hareerahooda waxaa taagan Askar ku labisan Direyska Milateriga Soomaaliya ,hadii aad la hadashid ma'ey kula hadlayaan,waxa ayna eegayaan socodka dadka meeshaasi lugtooda ku maraya markii aad aragto Askartan waxaad moodeysaa in la joogo 1970-kii ,xiligaas oo dalku nabad ahaa oo aysan jirin cid laga baqayey.

 

Ayadoo hadaba ay maanta bilowdeen howluhu ayaa xalay mid ka mid ah sirdoonka dowlada Soomaaliya ee gobalka Banaadir waxaana dilkaasi geystay dad aan la aqoon inkastoo lugu xiriiranayo kooxaha inta badan dilalka qorsheysan ka fuliya Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada DFKMS oo ka bilaabay Muqdiso hawl galo balaaran oo amniga lagu sugayo

Last Updated::2007-10-07 10:27:59

 

Afhayeenka ciidamada boliska DFKMS G/sare Cabdul waaxid Maxamed Khaliif ayaa shaaca ka qaaday in ---

ciidamada bolisku ay si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabeen hawl galo balaaran oo lagu sugayo amniga iyo xasiloonida caasimada

 

Waxana uu intaa ku daray in ciidamada bolisku ay ku sugan yihiin barihi loo cayimay in ay ka bilaaban hawlgalada

 

Hawlgalkan oo lagu wado in ay ka qayb qaataan kumanaal ka tirsan ciidamada boliska iyo kuwa milateriga ee DFKS ayaa dhacay xilli ay kooxaha ka soo horjeeda dawlada ay kor dhiyeen weerarada ay ku qaadayaan fariisimada ciidamada dawlada iyo kuw Ethiopia isla markana sidoo kale ay korodhay dilalka qorshayn ee lagu fulinayo masuuliyinta dawlada

 

C/hi Caaqil

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

What are they securing? War booty? These militias and their warlords are the same people that were reeking havoc in Somalia the last 17 years.

 

Warlords turned presidents and ministers, blood socked militias turned policemen. You couldn't make it up!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Not at all. The TFG has exiled the warlords/clan courts they do not control a single street, neighbourhood, airstrip as they used to. Their infrustructure has been smashed, their weapons confiscated and their militias desbanded or integrated into the security apparatus.

 

They security crackdown is aimed at the bombers, criminal networks and foreign groups hiding amongts the people.

 

It will continue for 17-20 days and will leave permenet 52 checkpoints across the cities 16 districts. Which has been split into four districts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hawgaladii ugu cuslaa oo ay Ciidamada Dawlada iyo kuwa Ethopainka Saaka ka wadaan Qeyba fara badan oo Muqdisho ah

Axad - 07 Oct 2007

 

Muqdisho - Waxaa maalintii Afaraad galay hawlgallo xooggan oo ay Ciidamada Ethiopia iyo kuwa DKMG ay ka fulinayaan qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia.

 

Hawlgallada ayaa xoogoodu waxa uu ka socdaa qeybo ka mid ah Wadada dheer ee Warshadaha gaar ahaan Xaafadda Gubta iyo deegaanka ku xeeran oo ah halka ugu badan ee laga soo weeraro fariisimaha Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda ee ku yaala agagaarka Warshadaha.

 

Ciidamada is-kaashanaya ayaa gabi ahaanba jaray qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha gaar ahaan Isgoyska Ifka Xalan ilaa iyo Carafaat, iyagoo Gaadiidka iyo dadkaba u diidaya isticmaalka wadadaasi

 

Goobaha ay baaritaanadu ka wadaan ciidamada ayaa waxaa taageeraya gawaarda Dagaal Ethiopia iyo kuwa Dowladda, iyadoo dadka deegaanada sida daran loo baarayo maalintii Afaraadna ay xilli aroor hore ah ka kalahaan xaafadahooda si ay uga badbaadaan qabqabashada ay ciidamadu kula kacaan dadka deegaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by The Duke:

^^^Not at all. The TFG has exiled the warlords/clan courts they do not control a single street, neighbourhood, airstrip as they used to. Their infrustructure has been smashed, their weapons confiscated and their militias desbanded or integrated into the security apparatus.

What are you smoking? The warlords that made YOU a refugee are the same men you're ululating for today and want me, another refugee courtesy of the selfsame warlords, to accept as bonafide leaders. They have blood of thousands on their hands, while you are guilty of a mite less misdeed: having on your conscience the deaths and suffering of hundreds of thousands of people at the hands of these warlord that you fervently support. Men like M/Dheere, C/yuusuf, Qeybdiid, Madoobe, Hiraale, ali mahdi etc. These men and their militias are now undergoing an image remake to make them passable for statesmen, ministers and policemen. It so ridiculous to make you get stitches from laughing so hard if it wasn't so tragic. To make matters even worse is the fact they're all without exception puppets of Melez.

 

 

They security crackdown is aimed at the bombers, criminal networks and foreign groups hiding amongts the people.

 

 

How exactly is a man in his own native homeland a "criminal" against foreign army and their local foot soldiers? And was it slip of the tongue or something more revealing when you say "foreign groups hiding amongst the people"... what part of Somalia are the 10s of thousands of Ethiopians from?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^SOCOD: The warlords who kicked me out of my home were fighting in the name of clan and included many in the courts as well as the parliment. The TFG, which is the only real hope for somalia, has isolated the warlords and defeated the courts.

 

They are facing what A/qasin, Ali Mahdi and others faced, a hostile group led by criminals who do not wnat to see any governemnt.

 

Thus these bombers, criminal networks are part and parcel of the warlords/looters and fake wadaads who kept somalia without any governemnt and isolated.

 

Those days are the past.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by The Duke:

^^^SOCOD: The warlords who kicked me out of my home were fighting in the name of clan

What is your point?

 

The fact remains, you are eagerly defending the thugs who killed your own people and made you a refugee. So long as you do so, no one is will take you seriously when you rail against other warlords. Do you know the definition of a hypocrite?

 

 

The TFG, which is the only real hope for somalia, has isolated the warlords and defeated the courts.

The TFG is embodiment of Warlordism from the head honcho to the lowly foot soldiers. Almost all were either warlords, patrons of warlords or militias of warlords. And now they've added treachery to their repertoire. Quite the a group to be championing.

 

 

They are facing what A/qasin, Ali Mahdi and others faced, a hostile group led by criminals who
do not wnat to see any governemnt
.

Like who? Could they be men like Qeybdiid, M/dheere, M. Yalaxow, Qanyare, C/yuusuf et al? Tell us about these mysterious criminals.

 

 

Thus these bombers, criminal networks are part and parcel of the warlords/looters and fake wadaads who kept somalia without any governemnt and isolated.

There were no bombers, criminal networks or fake wadaads in Xamar before Ethiopia invaded. But now there are plenty, who's fault is that?

 

You still didn't answer my question: what part of Somalia are the 10s of Ethiopian army in Xamar from?

Share this post


Link to post
Share on other sites

raaxobadan.jpg

Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Banaadir oo maanta heegan ku noqday afarta qaybood ee loo kala Qaybiyey Magaalada Muqdisho

{ 07 Oct 2007}

 

 

waxaa la daabacay Sun 07 Oct 2007 15: 35: 20

Guddoomiye ku xigeennada dhinacyada kala duwan ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta mid kasta oo ka mid ah wuxuu heegan ku noqday qaybta loo xil saaray ee ka mid afarta qaybood ee loo kala qaybiyey Magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka ee dhinaca arrimaha Nabadgelyada Mudane Cabdifataax Ibraahim Cumar Shaaweey oo madax looga dhigay qayb ka mid ah afartaas qaybood, ayaa maanta hawshiisa ka billaabay halkaas, isagoo soo kormeeray isgoysyada la dhigay ciidamada Booliska ee degmooyinka ay qaybtaas ka kooban tahay, sidoo kale wuxuu kulamo halkaas kula yeeshay saraakiisha ciidamada iyo madaxda tabeelayaasha xaafadaha ee degmooyinkaas.

 

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka ee arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur ayaa socdaal uu ugu kuurgalayo sida ay u socdaan hawlaha sugidda amniga ku soo wada maray gebi ahaan inta isgoys ee qaybtiisa looga qorsheeyey in la dhigo ciidamo boolis ah, wuxuuna kulamo uu ugu kuur galayo sida ay xaaladaha deegaanadaas yihiin la yeeshay madaxda ciidamada, kuwa degmooyinkaas iyo waxgaradka deegaannadaas.

 

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca hawlaha guud Mudane Cumar Aweys Nuur oo isagana madax ka ah qayb kale oo Magaalada Muqdisho ah ayaa kormeer ku soo wada maray degmooyinka ay qaybtaas ka kooban tahay, wuxuuna soo booqday goobihii isgoysyada ahaa ee guddiga amniga Gobolka Banaadir ay islaamiyeen in ciidamo boolis ah la dhigo.

 

Mudane Cabdullaahi Xasan Ganay Firimbi oo ah ku xigeenka Guddoomiyaha Gobolka ee xagga arrimaha Siyaasadda ayaa isagana heegan ku soo noqday qaybta madaxda looga dhigay, wuxuuna subaxnimadii hore ee saakay soo wada kormeeray dhammaanba degmooyinka ay qaybtaas ka kooban tahay.

 

Qorshaha nabadgelyada ee askarta lagu geeyey isgoysyadaas ayaa ah mid si joogto ah u soconaya, iyadoo habeen iyo maalinba ay ciidamadaas ku sugnaan doonaan goobaha la geeyey.

 

Email: admin@gobolkabanaadir.com

GobolkaBanaadir.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

SOCOD:

 

1. The warlords were fighting for their own narrow interest and this includes the clan court warlords like IndaCade, Cirfo and Xasan Dahir.

 

2. The bombers did exist they were the militias of the defeated courts, who have lost their armour and hide outs. Thus they turn to the F1 bomb and this will be managed with time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgalo ammaanka lagu sugayo ka bilawday Magaalada Muqdisho

 

Maamulka Gobolka Banaadir ee uu Madaxda u yahay Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) ayaa waxaa uu dadaal xoogan ugu jiraa sidii wax uga qaban lahaa Nabadgalyo xumada ka jirta ama Maalmihii ugu dambeeyay faraha ka baxday ee ka taagan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Howlgal soconayo 17 Maalmood ama ku dhawaad 20 Maalmood si wada jir ahna u fulinayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo nabad ilaalyaasha Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah uga bilawday Magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka ciidamada booliska dowladda Soomaaliya G/lle C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa sheegay in gabi-ahaanba magaalada Muqdisho uu ka bilowday howl-gallo ballaaran oo lagu sugayo amaanka, xilli xaaladda amaan ee caasimadda uu sii xumaanayay maalmihii la soo dhaafay isla markaana magaalada gudaheeda lagu dilay Saraakiil hore ugu tirsanaan jirtay Ciidamadii Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Marxuum Axmed Jilacow Caddow.s

 

Howl-galladaan ayaa intooda badan waxaa ay ka soconayaan deegaanada Suuqa xoolaha, Ex Ctrl Balcad, Gubta iyo qeybo ka mid ah wadada warshadaha halkaas oo ay Dowladda Federaalka iyo Maamulka Muqdisho aaminsan yihiin in laga soo abaabulo qorshayaasha Dowladda looga soo horjeedo

 

Inta badan dadweynaha Magaalada Muqdisho ayaa waxay hadal haayan howlgalada saaka ka bilawday Magaalada Muqdisho waxayna dadka qaarkiis sheegayan inay ka war dhawrayaan natiijada uu ku dhamaan doono howlgalkan cusub.

 

 

 

Abaaqaroow.com (wiil waal)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Maalintii labaad oo Howlgal dadka, gaadiidka iyo guryaha lagu baarayo oo ka socda Muqdisho

 

8. Oktober 2007

Muqdisho(AllPuntland)- Maalintii labaad ayaa waxaa si weyn magaalada Muqdisho ugu socdo howlgal baaxad leh oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya, kaasoo bilowday maalintii shalay.

 

Ciidamada Booliska Dowladda oo isugu jira rag iyo haween ayaa isgoysyada magaalada Muqdisho iyo goobaha muhiimka ah ee haadiidka isticmaala la dhigay kuwaasi oo baaritaano qof qof iyo gaadiid gaadiid ah u sameynaya iyadoo dadka laga dejinayo gaadiidka dabadeedna la marsiinayo baaritaan adag.

 

Howlgalkan ayaa lagu qiyaasay kii ugu adkaa ee ciidamada dowladda ka fuliyaan magaalada Muqdisho inta la og yahay, iyadoo howlgalkan uu wax weyn ku kordhinayo xaalada amaan ee magaalada Muqdisho.

 

Dhinaca kale ciidamo ka tirsan dowladda KMG ayaa saakay howlgal baaritaan guri guri ah ka fuliyay wadada KPP iyo qeybo ka tirsan xaafadaha Hodan iyadoo ciidamada ay ka baarayaan guryaha hub sharci daro ah iyo walxaha qarxa.

 

Howlgaladan ayaa yimid kadib markii maamulka gobolka Banaadir iyo guddiga amniga ay isla garteen in qorshe cusub oo nabadgelyada lagu sugayo ay u gudbiyeen golaha wasiiradda oo ansixiyay kadibna Madaxweynaha ay u gudbiyeen wasiirada, Madaxweynuhuna uu aqbalay qorshahaasi cusub oo la aaminsan yahay in uu wax weyn ku soo kordhin doono jawiga iyo xaalada magaalada Muqdisho.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciiddamadda Dowladda Federalka oo maanta baaritaan xooggan ka wada qeybo kaa tirsan magaalladda Muqdishu

 

Boqolaal ka tirsan Ciiddamadda Dowladda Federalka oo ku hubeysan noocyadda hubka fudud iyo Gaadiidka Teknikadda, ayaa waxay saakayto hawlgallo ballaaran ka wadaan deegaaannadda ku teedsan inta u dhexeysa Via Maka Al-mukarama ilaa Isgoyska Lambar Afar ee magaalladda Muqdishu.

 

Ciiddamaddu waxay aad u adkeeyeen ammaanka, iyadoo gaadiidka laga mamnuucay inay adeegsadaan Isgoyska Lambarka Afar iyo jidadka soo gala

 

Ma cadda sababaha rasmiga ee ay Ciiddamadda hawlgalka uga wadaan Deegaannadaasi, inkastoo ay wararka qaarkood sheegayaan inay ku baarayaan kooxihii hubeysnaa ee Fiidnimaddii xalay bam-gacmeedyadda ku weeraray Ciiddamadda ka socda dalka Ugandha ee uu farriisinkoodu yahay Ex-shineemo Ekwatoor oo kaabiga ku haysa Isoyska Lambar Afar.

 

Goobjoogayaal, ayaa sheegay inay kooxo hubeysan fiidnimaddii xalay qarax la beegsadeen Ciiddamadda dalka Ugandha, ka hor intaysan baxsanin, wuxuuna qaraxaasi walaaac xooggan ku beeray dadka ku nool Xaafadaha Tree Biyano iyo Taleex.

 

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddamadda Ugandha ee ku sugan magaalladda Muqdishu, Captain Paddy Ankunda, ayaa sheegay inaysan wax khasaaro ah dhalanin bambooyinka lagu weeraray Ciiddamadda Ugandhese ee farriisimadda ku leh agagaarka Isgoyska Lambar Afar.

 

 

 

Abaaqaroow.com (wiil wal)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this