Sign in to follow this  
Emperor

President Yusuf's Live speech at the crowning of the New King of Beesha D

Recommended Posts

Emperor   

Madaxweyne Cabdullahi Yusuf oo khudbad ka jeediyey Xaflada Caleemo Saarka Boqorka ******* (Live)

Horseed Media

Live Streaming

 

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Yusuf oo hada ka hadlay goobta Munaasabada ee Caleemo Saarka Boqorka *******, Madaxweynaha ayaa u hambalyeey Boqorka ******* asagoo ku tilmaamay Boqorka nin mutacalim ah wax badana kala socda Siyaasada Soomaaliya.

 

“…Waxaan ahay nin aaminsan in Issimada iyo Odayaasha dhaqanka xataa siyaasada hogaamiyaan, ma lehi Boqorka siyaasada hada ha dhexgalo, balse waxaan aaminsan nahay talada Boqorka iyo issimada inay muhiim tahay aad baana usoo dhaweenayaa…”

 

Madaxweyne Cabdullahi Yusuf ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu yimaado magaalada Qardho oo uu ka qeyb qaato caleemo saarka Boqorka *******.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashooyinka soo socda ee Puntland asagoo sheegay inuu hada kahor Madaxweynaha Puntland soo ahaa la socdana horey wixii Puntland usoo martay asagoo sheegay in Doorashooyinka ka dhici doono Puntland in qofkii ku guuleysta si weyn loo soo dhaweeyo oo lala shaqeeyo.

 

Madaxweynaha oo arrintaasi ka hadlayey ayaa yiri “…Hada kahor reer Qardho waad la socotaan wixii na kala dhexmaray,,,, waxaas waa laga soo gudbay,,,, waxaan maqlayaa warar sheegaya in qofkii Doorashada kusoo baxo khal khal la gelin doono oo lagu kici doono…waxaan oron lahaa yaan sidaa la sameyn hala soo dhaweeyo qof walba oo ku guuleysta….” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullahi Yusuf Axmed asagoo sheegay in uu u yimid Puntland inuu shacabka iyo Dowlada Puntland la taliyo.

 

Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo sheegay in munaasabada aysan u baahneyn khudbad dheer balse uu hadalkiisa intaasi ku koobayo ayaa aad ugu hambalyeey Boqorka 33aad ee Beesha ******* oo maanta lagu caleemo saaray deegaanka Ceel Mur ee Degmada Qardho.

 

Intaa kadib waxaa loo gudbay Sugaanta iyo gabayada ay halkaasi kasoo jeedinayaan Abwaanada tirada badan ee madasha ku sugan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

You can listen Live audio streaming from Horseedmedia, SBC radio and other Puntland website based radio stations... daljir is airing too I blieve...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Wax D- la yidhaa majiro, in the real sense of the matter. It is a grave mistake to assume whatever that Boqor decides will have a bearing on my little self as A&T. This bullshit must stop. I will heed Mukhtar Roobow's call.

 

Abdullahi Yusuf is trying to do anything to survive. Nin daad qaaday xunbo cuskay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Boqorka ******* oo la caleemo saaray (Live)

Horseed Media

Live Streaming

 

boqorka33aad_daarood1-290x263.jpg

 

Waxaa qadar yar kahor lagu caleemo saaray Deegaanka Ceel Mur Boqorka 33aad ee Beesha ******* Boqor Cabdullahi Boqor Muuse, waxaana daqiiqado kahor si rasmi ah u dhacday qeybta caleemo saarka ee munaasabada.

 

Waxaa khudbado halkaasi kasoo jeediyey nabadoono iyo waxgarad ka shaqeenayey munaasabada, ayadoo Boqor Cabdullahi caleemo saarkiisa u dhacay hab si weyn loo soo agaasimay.

 

Mid kamid Aqal soomaaliyada laga dhisay meesha ay ka dhaceyso caleemo saarka, ayadoo Boqorka madaxiisa la saaray caleemo taasi oo astaan u ahayd caleemo saarka.

 

Waxaa madasha ku sugan Issimada Beelaha ******* iyo kuwa kale ee martida ah, ayadoo ay ku sugan yihiin meesha Issimada gobalada Bari, Sanaag, Karkaar, Sool, Cayn, Nugaal, Muddug ayadoo sidoo kale ay goobta ku sugan yihiin issimada ka yimid dhinaca Gedo iyo Jubooyinka, iyo beelaha kale ee koonfureed oo ay nabadoono ka socda ku sugan yihiin goobta.

 

Waxaa goobta uu caleemo saarka ka dhacay jooga Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Yusuf Axmed, Madaxweynaha Puntland Gen.Cadde Musse oo ayagu labada dhinac ka fadhiyey Boqorka markii la caleemo saarayey, waxaana sidoo kale goobta ku sugan mas’uuliyiinta Puntland intooda badan iyo waliba musharaxiin badan oo kamid ah kuwa u taagan doorashooyinka Puntland.

 

Munaasabada ayaa hada loo gudbay Tukashada salaada Duhur ayadoo lagu wado kadib salaada duhur in ay halkaasi ka bilowdaan sugaano iyo waliba Khudbadaha mas’uuliyiinta goobtaasi ku sugan.

 

Goobta uu caleemo saarka ka dhacayo ayaa ah mid aad loo soo buux dhaafiyey isla markaana ay ku sugan yihiin kumanaan kun oo dad ah ayadoo la waayey meel ay dadku kala maraan, waxaa kamid ah xiliyadii aadka halkaasi looga dareemay xamaasada markii uu halkaasi yimid saaka Boqorka oo gaarigii uu saarnaa ay galbinayeen Fardo lasoo gaashaamay, ayadoo hada si rasmi ah u dhacday caleemo saarka.

 

Kala soco Horseed Media qeybteeda dhageysiga sida tooska ah munsaabada sida ay udhaceyso ayadoo la sugayo khudbadii iyo sugaantii kale ee qeybta ka ah munaasabada.

 

Amniga ayaa si weyn loo sugay goobta ay ka dhaceyso munaasabada ayadoo Cutubyo ciidamo ah ay ku sugan yihiin goob walba ayadoo amniga si weyn u xoojinayaa ciidamada Booliiska iyo Daraawiishta.

 

Kala soco Barnaamijka Qeybta Dhageysiga Tooska ah (Horseed Media Live Ceel Mur, Qardho)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

AT stop your inferiority complex, no one cares if you say wax sidaa layiraa majiraan for you have no weight at all.

 

As for whether his decision will affect you, adeer don't be simple minded, this is traditional and nothing to do with politics that will affect you, me or anyone else for that matter. Somalia is not a Kingdom but republic nation. Politicians do make decision that may affect others, stop your prejudice and pay you duely expected congrats to your King.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

You are inviting people to tune into the event live as if it is a world cup final between gaints Brazil and Argentina. Why would we have to care so much about the cronation of just another Tribal Chief???

 

What is with this inferiority blah blah?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waar ka xishood the new king of the Beesha D ,, Ilaahay sidiisa kaa dhigye ,, :D

 

 

Isn't KingKong that elder accused of drug dealing and killing of the Italian journalist ??

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

AT you have nothing to offer but hot air as usual, when you are busted with your unfound and balseless argument of the new Kings's decision affecting you, you come up with this silly line of Brazil & Argentine.... Who cares them, Saaxib our Somali traditions and cultural heritage matters more than foreign soccer players...

 

Anything to sound cynical huh? What is your next line of argument, sure will be more funnier...

 

Adeer embrace it, and Live with it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

JacaylBaro,

 

Maanigaad igu leedahay BOQOR? Is la hel!! baan ku idhi.

 

Emperor,

 

Clearly, our bad traditions are not better than the beautiful game. Anyway, maal mahan waad cadhaysan tahay uun, aniga laftigaygana waxbaa si iga ahe, bal hawsha aan dajino go'e! :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Abtigiis &Tolka:

Wax D- la yidhaa majiro, in the real sense of the matter. It is a grave mistake to assume whatever that Boqor decides will have a bearing on my little self as A&T. This bullshit must stop. I will heed Mukhtar Roobow's call.

 

Abdullahi Yusuf is trying to do anything to survive. Nin daad qaaday xunbo cuskay.

^^^^^

Isma oga arbaha weerka iyo, adhiga goosmaaye

Isma oga waraabaha amliyo, awr la laayacaye

Isma oga atoor qadow bartiyo, uubta loo qodaye

Isma oga nin urugaysaniyo, iilka kii dhigaye

Isma oga dhillida uunsatiyo, awga taa'ibiye

Isma oga aqoon xume dhergiyo, Meleg Arsaa'iile

Isma oga agoon iyo ninkii, aabaheed dilaye

Isma oga askari qooqaniyo, nimaan afbuux siine

Isma oga abeer qalabliyo, inanka doonaaye

Isma oga ugaadh iyo libaax, adamiyaystaaye

Waxba gabaygu yuu ila ordine, waxaan ku soo ooday

La illow nin Aakhiro tegoo, iilka hoos maraye

 

Having said that, today is celebration. sit down and enjoy the old histroy and the new one too.

 

 

Emperor boqorka cusub waxaan leeyahay ilaaheey ha kuu fududeeyo hooshaan culus ee laguu doortay.

 

It’s a kingdom celebration!

Let the high praises ring

We will sing with all creation

The praises of our King

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Garyaqaan,

 

Must be suffering from the same disease that afflicted the poor Sanyare.

 

Sanyarow dharkayn lama cuno iyo midho dhunkaaleede

Dhandhamooyin badan baa jiroo aad ku dhimataaye

Dhereg ma laha dhuuniga xuneen cunaha dhaafeyne

Hal libaax dharqaday uu jidhiyo dhiigba ka idleeyey

Haw dhuran dhurwaagii laftuu dhuuxay eersadaye

Dhagar aanad gelin Aw Basbaas* yuu ku dhaxalsiinne

Dhexda yaanu maro kuugu xidhin dhiig tif leeyahay

Dhulka niman samaantiisa wadin yaan lagaa dhigine

Dhiinraac ha noqon adigoo dhawr gu’ soo jiraye

Dhalanteed xareed waw egyahay dheehashada guude

Dhegley lagama soo daro oowaa dhamac Kaliileede

Adiguna dhabada weecsinta ah dhaanka haw rarine!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^AT gabayga Alif meersiguu kusocdaa, meeshuu kula galaad saariyee kawaran :D

 

As for dagaalka, go'e adigaa Xabada hoos un ufirdhinaya barigga maaha? :D

 

Garyaqaan, Boowe even though Boqor Abdullahi uu iska ahaa Politician at some point in his life and doubt will be to that status of his predecessor Boqor Maxamud, we greatly congratule and wish him well.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

loooooooooooooooooooooool@saari. Gabaygu waa soo gaadha guf e la soco, ileen midkaayana ma alifayee!

 

War hedde wxaan rabay inaan PM kuu soo diree, baryahan Xayraan baan noqday oo hawla si ah bal dhinacaaga ka dabci. :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this