Sign in to follow this  
SOO MAAL

Xadraawi Somaliland-na waxa la gudboon inay dagaalka ka qayb gasho

Recommended Posts

SOO MAAL   

Axsaabta Siyaasiga Ahi Waxay Ka Soo Dhex baxeen Xaaladihii Somaliland Ka Dhacay, Mana Garanayo Aragti iyo Barnaamij Ay ku Kala Duwanyihiin" Abwaan Hadraawi

Friday, 01 April 2005

 

Hargeysa (Haatuf) Abwaanka caanka ah Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa ka hadlay xaaladda Somaliland ee waqtigan xaadirka ah iyo aragtidiisa ku wajahan hanaanka asxaabta badan ee dalka laga abuuray, isaga oo ka sheegeeyey marxaladihii iyo sooyaalkii taariikheed ee ay Somaliland soo martay iyo dagaalkii hubaysnaa ee ururkii SNM, sidoo kale waxa uu ka hadlay xaaladda Somaliya iyo sida uu u arko ciidamada shisheeye ee la qorshaynayo in la geeyo.

 

Hadraawi waxa kale oo uu iftiimin ka bixiyey aragtidiisa cusub ee waqtigan, xaadirka ah iyo halka uu ku dambeeyey hal-abuurkiisi suugaaneed, wuxuuna Hadraawi arrimahaa kaga hadlay waraysi gaar ah oo ay la yeesheen weriyayaal Haatuf ka tirsani, waraysigaasina waxa uu u dhacay siddan:-

 

S. In muddo ah waad ka aamustay suugaanta maxaa kuugu wacan?

 

J. Way jirtay inuu is dhimay xawligii aan maansada ku tiring jiray, hadiisa aan jawaab ka bixiyo su'aasha nolosha ayaa leh meel ay ka bilaabato iyo meel ay ku dhamaato, qofkuna weligiiba ha ordo iyo xilkasta oo noloshu leedahay waxa khasab noqonaysa meel uu ku soo afgo inuu gaadho, markaa ta aynu hadal haynaa laba mid uun bay noqonaysaa, waayo gabayga aad wax ka bilowday gabayga ku xiga ee ka dambeeya waa inuu fiican yahay, kan xeel dheer yahay, ka saddexadana waa inuu ka sii fiican yahay, markaa waxaad waddoba waxaad imanaysaa meeshii lama dhaafaanka ahayd ee ahayd figta u dambaysa, waxaana kaa hor imanaya meel aanad dhaafi karin, dabadeedna waa inaad meel kale uga wareegtaa ama mar hadii aanad meesha kuuga dambaysa ee ugu xeesha dheerayd aan la dhaafi karayn waa inaad markaa ku celcelisaa wixii hore, taasina dadka macno uma samayso.

 

Markaa waxa fiican intaanu xiisuhu kaa dhamaan ama faraskaagu dheeraynayo inaad inyar inyar tirada u dhinto, marka u dambaysana aad dhinaca kale uga wareegto, kama dhex baxaysid ee halkii aad adigu ummadda soo hortaagnayd, dadkuna aragti cusub bay u baahan yihiine inaad cidda soo koraysa barbaariso oo ku hogaamiso, oo aad wax hogatusaalayso, oo macalin u noqoto.

 

Sidaa darteed kulamo badan baan ku qabtay dalal debedaha ah iyo gudahaba, aniga oo martiqaaday dhalinyaro badan oo suugaanyahanno ah, kulamadaas oo ka dhacay London, Hargeysa iyo Djibouti, intaas oo goobood waxaan soo fadhiisiyey dhalinyaro badan oo hibo u leh suuganata, balse ay tahay inay magacyo waaweyn oo ku gudbanaan baneeyaan. Anigu markii aanu suugaanta bilownay waxaanu ka bilownay duni nabdoon, laakiin ragga maanta joogaa waxay ka bilaabayaan duni rogmatay, ma aha niman jacaly ka hadlaya, waayo mushkiladda ina haysataa jacayl ma aha.

 

Markaa waxay ku qurux badan tahay qof walowba markaad xilkaaga gudato jidka bannee, markaa inuu qofku soo tagnaado waa mushkilad ina haysata oo dhinac kasta leh, waa ayaandaro in siyaasigii hore uun la sugo muddo ilaa 40 sannadood ah.

 

S. Waqtigan xadirka ah sidee baad u aragtaa xaaladda Somaliland?

 

J. Horta aan inyar ka waramo halka uu ka soo jeedo magaca Somaliland, taasna waxaan dib ugu yara noqonayaaa dagaalkii SNM iyo kuwii la midka ahaa, waayo waxa maanta jira waxa saldhig u ah wixii shalayto dhacay ama jiray way adagtahay xaaladda sawir fiican ka bixiso.

 

Dagaalka SNM waxa uu ahaa dagaal hubaysan oo shacbi ah, waxaana la odhan karaa muddo gaaban ayuu socday markaa loo eego dhererka dagaalada ka dhaca, dagaalkaa SNM waxaan cadaynayaa inaanay dadku naf iyo maal midna la hadhin, waxaase jirtay waayo aragnimo la'aan oo dagaalkaasi waxa uu ahaa kii u horeeyey ee noociisa ah ee la galo, waxa jirtay cadho iyo ummal biiray, dabadeedna dagaalkaasi waxa uu dadkii geliyey cadho iyo qiiro badan, waxaan timi in la cadho dhaqaaqo, oo wixii la samaysanayba cadho lagu sameeyo ama degdeg lagu samaayo, taasina waxay noqotay in nabarka uun la xoojiyo, ka dibna lama haleelin in la sameeyo barnaamij iyo itijaah siyaasiya oo ummmadda aayaheeda ah meel dhiga.

 

Laakiin aakhirkii waxa dhacday in nidaamkii jiray la ridday, laguna ridday qiimo culus, boqolaal kun baa dhintay, boqolaal kun baa dhaawacmay, boqolaal kun baa cadhoobey, boqolaal kun baa waalatay, khasaare iyo rogmasho ayaa dhacday, markaa Somaliland xaaladdaa aan ka waramayo ayey ka soo dhex baxday. Ka dibna waa tii ay hadana dagaalo sokeeye dhaceen, waxaas oo dhanna xaaladda maanta jirta ee quusta ah, ee tiihu jiro ee camal la'aantu jirto ayaa ka dhalatay.

 

Asxaabta siyaasiga ah ee maanta jirtaana xaaladaas ayuun bay ka soo jeedaan, markaa u malayn maayo asxaabta siyaasiga ah ee maanta Somaliland ka jirtaa inay leeyihiin istaraatijiyad qaran oo xeel dheer, oo koleyba anigu ma garanayo ama iima cadda barnaamij iyo aragtida ay ku kala duwan yihiin, sidaa ayaana u malaynayaa inanay dadka kalena ugu caddayn, waxaana fiicnaan lahayd inay asxaabtu cadeeyaan oo uu mid waliba ku baaqo halka uu sahanka u yahay.

 

Dee kolay loollan baa saxaabta u dhexeeya, oo waxa niman kuraas ku loolamaya, laakiin waa inuu jiraa loollankooda wax ka sii xeeldheer oo aragti ama barnaamij ah oo ay ku kala duwan yihiin oo aayaha ummadda ku saabsan, laakiin waxaan anigu intaa raacin lahaa oo aad u fiicnaan lahayd in la helo wax bulshada dhexdeeda ka soo baxa oo aan siyaasi ahayn, waa in la helo ururo bulsho, oo ka shaqeeya adeegga dadka, oo wixii dadka ka yimaadda dib ugu celiya, oo wax laga qabto adeegga bulshada, taas ayaa malaa waxa u tari lahayd.

 

S. Sidee bada u aragtaa Ciidamada la sheegay in Somaliya la keenayo iyo Samaynta ay Somaliland ku yeellan karaan?

 

J. Horta hadii halka (Somalia) ciidamo shisheeye la keeno ama dagaal ka oogmo waa arin aan ku ekaanayn halkaa ay ka bilaabatay, markaa dadka waxaan ku baraarujin lahaa in dhibaatooyinka iyo waxyaalaha hareereheenna ka dhacaa ay ina saamaynayaan, oo hadii uu waxaasi shar yahayna inta uu halkiisa jooga aynu ka qayb galno dagaalkaasi, wixii khayr ahna laga qayb qaato, waayo hadii aanay wax kaleba dhicin, waxa culays inoogu filan Somalia oo dagaal ka dhaco oo dadkii soo qaxay halkan inoogu yimaadana, taas ayaan culays iyo dhibaato inoogu fillan.

 

Ciidamada la leeyahay waxa la keenayaa Somaliya waxaan qabaa inay ka digtoon yihiin intii wax garanaysay, waxayse micnaynaysaa qas iyo fara gelin shisheeye, ciidamada la keenayaana ma aha ciidamo iska imanaya ee cidda soo diraysaa danno ayey ka leedahay, waana arin istaraatijiyad leh, falsafad leh, danno laga leeyahay. Qofkii caqli liihi wuu iska garanayaa inay tahay gumaysi cusub, faro gelin shisheeye.

 

Dawladda halkaa lagu sameeyey hadii ay tahay dawlad ay ummaddu leedahay oo ay ummadda wakiil ka tahay ha aaminto dalka iyo dadka, hanala timaado aragti iyo barnaamij ummadda dan u ah oo lagu taageero, dadka dhaqaale ha waydiisato, oo arin iyo talo ha waydiiso, waa la yaqaan sida ay xasiloonida dalkaasi ku timaaddo, waxay taasi ku timaaddaa ama ku xidhan tahay sida ay dadku dawladdaa ugu qancaan, kalsoonida iyo cadaaladda iyo wax qabadka ay dawladdaasi samayso ayey ku xidhan tahay, laakiin kuma xidhna ciidamo shisheeye iyo awood shisheeye midna.

 

S. Hadii ay ciidami shisheeye yimaadaan Somalia oo uu dagaal ka dhaco maxaad odhan lahayd baa la gud boon Somaliland?

 

J. Waxaan u arkaa hadii uu dagaal halkaa ka dhaco, halka fadhi ma yaalo, markaa Somaliland-na waxa la gudboon inay dagaalka ka qayb gasho oo ay ka hortagto intay aanay ciidmadaasi inoo iman oo ina qabsan, oo aynu xoojinno baaqyada lagu diidan yahay inay ciidamadaasi yimaadaan.

 

S. Sidee baad u aragtaa dalka Djibouti ee aynu jaarka nahay iyo arimhiisa?

 

J. Horta Djibouti waa dal aynu deris nahay, waa ummad aynu geerida iyo noloshaba wadaagno, oo aynu isku dan nahay, siyaasaddu waxay doonto ha noqotee, waxaan leeyahay labada dad ma kala maarmi karaa. Markaa waxaan ku talinayaa in la iska ilaaliyo colaad iyo xumaan labada ummadood dhex timaadda.

 

S. Djibouti waxay had iyo jeer dedaal u gashaa ururinta suugaanta iyo hidaha Somalida, taas sidee baad u aragtaa?

 

J. Taa waxaan u arkaa fursad ay Djibouti ka faa'iidaysay markii uu burburay dalkii Soomaaliya la odhan jiray, shirar badan oo dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida ku saabsan ayaa lagu qabtay Djibouti, qaarkoodna shirarkaa waan ka qayb galay.

 

Waxa kale oo jirta urur la yidhaahdo ururka qorayaasha iyo hal abuurka Soomaalida oo ay markii hore xarun u ahayd London, haatanse xaruntiisu loo soo raray Djibouti. Ururkaas oo jiray tobbaneeyo sannadood, balse aan markii hore waxtarkiisa la balaadhin, markaa waa in iminka kaalintiisa iyo waxtarkiisa la arko, taas ayaa qurux badan, magaca ururkuna laba qoddob oo muhiim ah ayuu ka kooban yahay, tasana in laga faa'iideeyo ayaa muhiim ah, ururkaa anigu gudoomiyayaal sharafeedka ayaan ka mid ahay aniga iyo Nuuradiin Faarax iyo rag kaleba, laakiin aniga arintaydu waa odaytinimo iyo xubin sharafeed guud, raggase hawshaa wadaa waa rag aanu saaxiib nahay oo la wada garanayo, markaa reer Hargeysa waxaan ugu baaqayaa in ururka laga hawl galo oo waxtarkiisa laga faa'iideeyo oo halkan la keeno. Maadama uu ka mid yahay ururada bulshada ee aan soo sheegay.

 

Abdifatah Hassan, Hargeisa Somaliland

 

reporter@halganews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Xadraawi nabada ka shaqee

 

ma warlord baa noqotay!!!!!!!!

 

I heard Xadraawi was the top poet of SNM, and composed thousands of poems to boost up SNM war efforts!!!!!!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

odaygaas waxaa laga dhigay saint, ppl forget that hes just a somali who could have destorted views. he showed us his true colours=

 

Waxaa laga yaabaa in uu Hadraawi Warsame jeclaan lahaa in aysan shirkii Keenya waxba ka soo baxin, oo uu dareenkiisu qaadan la’ yahay in ay dawlad federaal ahi dalka imaan doonto mar aan sidaas u sii fogayn. Run ma aha in uusan shirkii Keenya natiijadii looga baahnaa dhalin, waayo shirweynaha soomaaliyeed oo ay IGAD qabteen waxaa looga jeedey in ay soomaalidu heshiiyaan, oo ay wada dhistaan dawlad ay u midaysan yihiin, intiina waa la sameeyey oo barlammaan iyo wasiirro ayaa maanta ummadda u dhisan, waxaana mar dhow bilaaban doona waxqabadkii dawladda loo dhisay.

 

Waxaa uu Hadraawi yiri “Shirkii Keenya kuma uu salaysnayn danaha ummadda, waxaana laga anbabaxay meel xun!â€. Waa wax lala yaabo in uu qofku nacayb wadnihiisa ka buuxa kula soo dhexdhaco dood loo baahan yahay in si xalaal ah la isu weydaarsado, oo aan xaqiiqada laga durkin ee shacabka loo sheego waxa jira oo Rabbi oggol yahay.

 

Dadkii Soomaaliya ku dirirayey madaxdoodii iyo siyaasiyiintoodii oo dhan baa la isugu yeeray ee xaggee kale oo laga anbabaxi lahaa? Dalalka IGAD gogol wadajir ah bay ummadda soomaaliyeed u fidiyeen, waxaa ayna go’aamada u daayeen soomaalida. Axdi ku meelgaar ah bay soomaalidu qorteen, waxaana maanta u dhisan dawlad sharci ah, welina wax kasta oo ay dawladdu u baahan tahay bay diyaar ula yihiin. Sidaas awgeed in uu qof qaangaar ah oo soomaaliyeed u gafo ummaddii shirtay iyo dalalka deriska ahi waa caadifad ee dood loo baahan yahay ma aha.

 

Dadkii shirka tegey in ay ahaayeed dad aan soomaalida meteli karin, oo aysan ummaddu dooran baa ka mid ahayd doodda Hadraawi, waxaase isweydiin mudan xaggee bay joogaan dadka ay ummaddu doorteen ama metela oo aan ahayn intii Keenya ku shirtay? Dadkii in la heshiisiiyo u baahnaa cid aan ahayn miyaa Keenya tagtay? Waxaa habboonayd in uu Hadraawi magacaabo shakhsiyaadka uu islahaa ummadda ayey metelaan oo aan loo yeerin.

 

“Dawlado aan soomaalida dhaqankeeda aqoon baa soomaalida shiriyey†ayuu Hadraawi ku dooday, waxaana yaab leh haddii aysan Jibbuuti, Keenya iyo Itoobiya dhaqanka iyo arrimaha soomaalida aqoon waa kuma dalka kale oo yaqaannaa? Dalalka IGAD waa dalalka soomaalida ugu sokeeya xagga dhaqanka, degaanka iyo dhalashadaba. Sidaas awgeed waxaa soomaalida shirka u qabtay dadkii ugu dhaqan iyo dhiig dhawaa dhammaan dadyowga caalamka ku dhaqan.

 

“Wax habaysan shirka lalama tegin†marka uu Hadraawi leeyahay muxuu uga jeedaa? Adduunka ma uu jiro shir lagu heshiinayo oo ay dadka heshiinayaa inta aysan shirin wax isku soo raacaan, waayo dad in la heshiisiiyo u baahani waxba ma ay soo qorshaysan karaan. Waxaa keli ah oo shirka ay keeni karaan aragtiyaha iyo khilaafaadkooda, waana sababta awalba shirka loo qabtay in dad nadaamkii iyo qorshihii ay ka lumeen la isu keeno si loo xalliyo is-afgaranwaaga dhexdooda ku jira. Haddaba in aysan soomaalidu waxba ku midaysnayn markii ay shirka tageen ma aha dood macne leh ee waa iska xagxagasho iyo mindimindi ku taag, sababtuna waa in uu ninka sidaas u doodayaa wax iska diiddan yahay ee uusan hayn dhalliilo muuqda oo la wada garan karo.

 

“Aqoon darro, daacad la’aan iyo waayo’aragnimo xumo ayaa haysey dhammaan dadkii shirka ka qaybgalay!†ayuu odayga Maxamed Warsame (Hadraawi) ahi yiri! Dadka soomaaliyeed oo intaas tira la eg oo aqoon heer kasta leh, oo wax kasta oo Soomaaliya ka dhacay u soo joogey in sidaas fudaydka ah loo caayo annagu raalli kama aannu ahin haddii aannu nahay dadka gabya ee soomaaliyeed. Haddii uu nin naga mid ahi qadaf sidaas u weyn u bareerayna waa in loo arkaa in uu aadamigu gafi karo oo aan lala yaabin. Hadal cay ah oo uu qof iska yiraahdo in loo sii fiirsado waxaa ka habboon in la iscafiyo oo laga wada shaqeeyo sidii ummadda hubka looga dhigi lahaa. Waxaa aynu ka soo qaadaynaa in uu Hadraawi kaftamayey markii uu lahaa dadka shirka joogey jaahiliin aan wacyi lahayn bay ahaayeen.

 

Waxaa noola yaab badnayd markii uu yiri “Shir kale waa in la qabto!â€. Run ahaantii soomaalidu shir waa ay ka soo daaleen, loomana baahna in maanta shir kale la qabto, waayo ra’iisul wasaaruhu waxaa uu dhisay dawlad, waxaana ansixiyey barlammaanka, isla markaas midowga Afrika oo uu Qadaafi ugu dhaqaalo roon yahay waxaa ay soo wadaan ciidan dawladda caawinaya iyo qalabkii iyo dhaqaalihii dib loogu dhisi lahaa waddanka. Dawladaha IGAD waxaa ay diyaar u yihiin in ay walaalohooda soomaaliyeed dhulka ka toosiyaan. Caalamka oo dhan baa maanta u heellan in sida loo dhaamo Soomaaliya. Ummadda soomaaliyeedna dad yar oo si kale isaga caaddifaysan ma aha ee waxaa ay ku faraxsan yihiin dawladda federaalka ah.

 

Shirka kale oo uu Hadraawi sheegay mar la weydiiyey waxaa uu yiri “Waxaa la soo qaybgelaya wadaaddada, odayaasha dhaqanka, xeerbeeg iyo guurtiâ€! Baahida jirtaa waa in la helo hay’ado dawli ah iyo in ammaanka la sugo, labadaasna odayaasha dhaqanku ma ay soo baran. Markii loo baahan yahay in dawlad la dhidbo waa in loo xilsaara in uu dhiso nin sida Cali Maxamed Geeddi aqoon u leh waxa uu qabanayo ee oday dhaqan looma baahna, isla markaas haddii ammaanka Soomaaliya la soo celinayo waa in dad ciidanka iyo degaannada soomaalida ku xeeldheer la weydiiyaa, laakiin haddii ereyo af soomaali ah sida “xeerbeeg†iyo “guurti†la iska sheegsheego oo afka lagu cusho ayada oo aan baahida jirta waxba lagala socon dooddu waxaa ay noqonaysaa dhicis oo waxaa ka lumayaa dhadhanka.

 

“Dadka ciidamo shisheeye dalbayaa waxgarad ma aha!†ayaa ugu adkaa hadalladii Hadraawi, taas oo muujinaysaa in uusan waxba xeerin ee uu ciil kula dhacay dawladda federaalka ah. Haddii uu qof kastaa dadka kale “Waxgarad ma aha†isaga yiraahdo waxaa laga tegayaa asluubkii iyo anshaxii looga baahnaa dadka soomaaliyeed ee ay dhibaatooyinka badani soo daashadeen. Maanta dadkayaga maansooda waxaa looga baahan yahay in aannu ummadda isu soo jiidno, oo aflagaadhada iyo hadallada liita aannu afkayaga ka dhawrno, isla markaas aannu dadaallada qarannimadii lagu soo celinayo garab istaagno, ee nooma habboona in ay caydu naga soo horrayso.

 

“Hub iyo dhaqaale haddii ay dawladdu debedaha ka hesho shacabku dawladda waa ay iska difaacayaan?†ayuu Hadraawi yiri! Haddii uu caalamku ummadda soomaaliyeed caawinayo maxaa sababaya in dawladda lala diriro? Waxaa la moodaa in uusan hadalka caynkaan ahi ka soo maaxan madax caafimaad qaba, ee ay carrabka iyo bushumaha keli ahi iska yiraahdeen, maxaa yeelay in uu dalka Soomaaliya dhaqaale helo waa wax loo baahan yahay, shacabkuna waa in uu ku farxaa haddii uu adduunku caawiyo dawladda cusub ee in ay dawladda iska difaacaan sabab keeni kartaa ma ay jirto. Waxaa la moodaa in uu Hadraawi meel kale ka gubanayo ama uu si kale wax u tabanayo, maxaa yeelay hadal kasta oo afkiisa ka soo baxaa macquul ma uu aha, waxaana ku dheehan kulayl aan loo baahnayn.

 

In ay dawladda federaalka ahi marka ay dalka u guurayso ugu horrayn ku degto Jawhar iyo Baydhabo ayey dad uu Hadraawi ka mid yahay waxaa ay ka dhigteen marmarsiinyo ay dawladda ku tilmaami karaan dad kala daadsan. Horta Soomaaliya oo dhan baa dawladda leh ee meel gaar ah looma dhisin. Jabhaddii SNM oo uu Hadraawi gabyaaga u ahaa waxyaalihii ugu waaweynaa oo ay ku doodeen waxaa ka mid ahaa in dawladdii hal meel keli ah lagu koobay oo aan Hargeysa iyo Burco hal wasaarad xataa la dejin.

 

Dooddaasi macquul bay ahayd, waayo sida caadiga ah markii uu dalku nabad yahay safaaradaha iyo barlammaanku caasimadda ayey degaan, laakiin hay’adaha qaranku dalka waa ay u siman yihiin oo meel gaar ahi ma laha. Midda kale waxa muhiimka ahi waa in ay dawladdu ummadda u adeegto ee in meelaha ay hay’adeheedu kala deggan yihiin laga hadlaa waa muran aan macne lahayn. Meeshii ay hawlaha qaranka ku gudan karaan oo dalkeeda ka mid ahi waxaa ay la mid tahay meesha kale, oo qofkii dalkiisa meelo gaar ah ka calaamadsadaa waa qof aan waddani ahayn ee caaddifad qabiil la meehannaabaya.

 

source= http://www.mudugonline.com/2005/March/300305aragti2.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
LANDER   

Originally posted by SOO MAAL:

 

 

I heard Xadraawi was the top poet of SNM, and composed thousands of poems to boost up SNM war efforts!!!!!!!!!! [/QB]

ya don't say? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Lander

 

Xadraawi's played a pivotel role to help SNM's aims particularly turning people of northwest Somalia against the Somali government, is well known fact and no one can deny!!!!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jalaato   

Allow Adaa Wayn...

 

Odigii la lahaa waa Caaqilida fara ku tiriska ah ee ka haray Somalida waakaas figradiisa dhiibay. Yaa ka shaqaynaya Soomali wayn danteede, hadii nin walba Caaqil, Sheek, Waxyaqaan, Oday, dhalinyaro,gabar, Islaan, ******** , ay qabiil iyo tuulada ay ka yimaadeen uun danaynayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Prince

 

yes blame all your woes on somalilanders, i mean who else could be resbonsible for your mess.

 

i must say i have disagreed with Hidraawi for alot of things he has done recently but i for one cannot deny the man gave all he has to promote peace and harmony in somalia(south), to the point of even disagreeing with alot of somalilanders about his veiws but he still gave it his best shot for that course but did anyone listen to him NOOO, so i dont blame the guy for coming to that conclusion i mean how many peace marches and and peace peoms can old man keep doing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ an old man's desperate clan pleas can do nothing to us bro. Thats why we dont rage, Sangub must be a heavyweight or our brothers up North must be tempremental. Makes you think though :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Though Hadraawi’s daring has always caused the fickle to vent and utter the nonsense. The gibberish title of the thread caught my attention! And his indictment is quite indicative of the level of intolerance and typifies the pattern of bigotry against any one who voices different opinion. It shows how some people prefer to dwell the lower levels of any discussion in Somali politics. And above all it shows that this lynching crowd spares no saint! They tend to scoff the hard-earned reputation of their opponent (perceived opponent, I may say) simply because he disagrees. They try to bury his records and defame his name. Alas, they conveniently impeach the integrity and the character of this icon of Somali literature. But tried they did.

 

Hadraawi graciously stood above the filthy politics of his time and refused to heed the clannish emotions of his region. Never did he loose the nationalistic tone of his theme. Consistency has been the quality of his poetry. Only an ignorant can accuse him of a warlord poet! And in the eyes of the reasonable people, Hadraawi’s images stands unscathed. He was there when Mudug was under assault not from an invading army of infidels, but from the sword of its own. He was there when Hargiasa was bombed from the air and destroyed. He was there…..and there with his poetry and its penetrating verses.

 

Is he not entitled to his opinion? What’s wrong with being cynical about Ethiopia and its intentions? And if the war comes (I happen to believe that not be the case) would it be unreasonable for him to draw the battle lines?

 

Though I happen to disagree with him this time around, I can’t but attest that the man still remains to be the bright star in the darkness. He embodies the intellectual sovereignty that’s so badly missing. And he represents and fights wars for many who are unable to join.

 

 

Bulshooy adigay boqrday

Adaa bili igu shakalay

Baruudka adaygu xidhay

Haddaan ahay wiil bir kulul

Burjiga adigaa iska leh

Badheedhka adaa i faray

Dagaalka adaa i baday

Belaayo haddaanay dhicin

Dantaada haddaan la bi'in

Haddaan baradaadu guban

Miyaynu is baran lahayn!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Nin rag ah waaye. A true patriot who understands that No amount of troops will make Somalis comply to any thing unless they wanted to and it is a war you got if you ignore their stance. Inta kale riyey ku jiraan and calculating wrongly. They think you can go to war with some somali tribes and then have peace in the aftermath. Allow yaa yiraahdo dadkan waashey you need to sleep on a dog's skin for the good of the country and people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

xoogsade, whose talking about war? these FTs are coming to secure the government, infrastructure, HELP disarm maleeshiyo and train new somali security forces.

who says anything about war? invasion? attack? do you have something to share with us, i mean now is the time!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this