Sign in to follow this  
Member-sol-

Maxamed Cabdi Kaliil oo lagu xiray doolow

Recommended Posts

Maxamed Cabdi Kaliil oo Isagoo Gacmaha ka xiran la dhigay Xabsi ay Ciidanka Itoobiya ku leeyihiin degmada Doolow ee Ismaamulka Somalida.

Print here| By: allgedo.com: Sunday, September 12, 2010 // u Jawaab

 

Related Articles

Baarlamanka Dowladda KMG ah oo kulamadiisi caadiga ahaa dib u bilaabay.

Dagaaladii Muqdisho oo Shangaani soo gaaray iyo Bandaw Caawa lagusoo rogay degmada X/weyne.

Madaxweyne Shariif iyo R/wasaaraha Itoobiya oo Caawa kulan Muhiim ah ku leh magaalada Addis Ababa.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Xarig ay Ciidanka Itoobiya kula keceen Mas’uul katirsanaa Maamulkii Dowladda KMG ah ugu magacaawnaa Gobalka Gedo balse markii dambe laga saaray gobalka intiisa badan.

 

Weriye ku sugan Gedo ayaa Allgedo Online u xaqiijiyay in Ciidanka Itoobiya ee Xoogga ku jooga Doolow ay Xabsiga dhigeen Maxamed Cabdi Kaliil oo ahaa gudoomiyihii gobalka Gedo ee DKMG ah.

 

Saraakiisha Ciidanka Itoobiya ayaa bartamaha Doolow ka qafaashay Kaliil iyo Ciidan uu watay waxaana la sheegay in Ciidankii gudoomiyaha Hub ka dhigis lagu sameeyay halka gudoomiyaha loola dhaqaaqay dhanka Doolow Itoobiya.

 

Warar kala gedisan ayaa kasoo baxaya sababta ay ciidanka Itoobiya u xireen Maxamed Cabdi Kaliil, wararka qaar ayaa sheegay in xariga Kaliil uu salka ku hayo loolan dhanka maamulka ah oo u dhexeeya saraakiisha dowladda halka warar kale ay sheegayaan in uu ku salaysanyahay Amar ka yimid dowladda Itoobiya.

 

Goob joogayaal ayaa sheegay in Maxamed Cabdi Kaliil oo gacmaha ka jeebaysan la dhigay Saldhig ay Ciidanka Itoobiya ku leeyihiin degmada Doolow Itoobiya oo ay xukuumadda Itoobiya ka haysato Somaliya.

 

Ilaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin Xildhibaanada iyo saraakiisha Dowladda KMG ah oo ku aadan xariga lagula kacay Maxamed Cabdi Kaliil, Itoobiya ayaa sida ay rabta ka yeesha magaalooyinka dhaca Xadka iyadoona Xarig iyo Jirdil kula kacda saraakiisha Soomaalida ah ee iyada lajira.

 

Daahir Guuleed

Muqdisho, Somalia

 

 

Allgedo News Media Network

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this