Sign in to follow this  
Jumatatu

President's Speech...!

Recommended Posts

Jumatatu   

MADAXWEYNE C/LLAAHI YUUSUF:" Ma jiro nin iga hub badan, igana dagaal yaqaana, waxaan ka mid ahay dadkii bilaabay xabadda Soomaaliya cuntay ee ina baday waxa na qabsaday, hayeeshee haatan wixii ka dambeeya waa in hubka la dhigaa"

 

RA'IISUL WASAARE GEEDI:" Waa laga gudbay waqtigii xaalku ahaa riibi geedo ma daaqo lagamana daaqo, waana in la helaa ciidamo hub ka dhigis sameeya, ciidamadeena noo tababara" KHUDBOOYIN AY XALAY KA JEEDIYEEN JOWHAR

 

Jimco, February 25, 2005 (HOL) @15:00GMT: Xalay waxaa magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe lagu qabtay xaflad soo dhaweyn ahayd oo loo sameeyay wafdigii ay hoggaaminayeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Geedi, taasoo uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Xafladdan oo lagu soo bandhigay Ruwaayad ka tarjumeysay rabitaanka dowladda ee dadka gobolkaas iyo waxa dowladda la gudboon ayaa gunaanadkeedii waxaa qudbado ka jeediayay Col. C/llaahi Yuusuf iyo Prof. Geedi.

 

Prof. Geedi oo cod baahiyaha uga horeeyay madaxweynaha ayaa ugu horeyn waxaa uu ka hadlay dhibaatadii ay mudada dheer ku soo dhex jirtay Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in ay madax u yihiin Umad dooneysa cid dhibaatadaas ka saarta.

 

"Waa lama huraan in ciidamo shisheeye oo hub ka dhigis sameeya, ciidamadeenana noo tababara aan helno, dowladihii naga horeeyay waxay u shaqeyn waayeen hubka baahsan ee shacabka gacanta ugu jira" ayuu yiri Prof. Geedi oo intaas ku sii daray in qofkii ku fekeraya in aan ciidamo hub ka dhigis sameeya loo baahneyn uu yahay qof doonaya in dhibaatada lagu sii jiro.

 

Prof. Geedi waxaa uu u mahadceliyay mas'uuliyiinta gobolka iyo weliba dadka gobolka guud, isagoo tilmaamay in ay Jowhar ku arkeen wax indhahooda iyo maskaxdooda buuxiya, isla markaana ay yaqaanaan wax ay u sheegaan dadka ay ku booqan doonaan deegaanada kale ee ay tegi doonaan.

 

"Sidii horayba loo yiri Gobolka Shabeelaha dhexe waxaa uu Imaam u noqon doonaan gobollada kale ee dalka, waayo wuxuu leeyahay wax uu ku muteystay in sidaas la yiraahdo, nabadgelyada iyo nolosha ka jirta gobolkaan, dadkiisa sharaf ayay u tahay, Soomaaliyana guul ayay u tahay" ayuu mar kale yiri Prof. Geedi oo ku cel celiyay haddii aanan la helin ciidamo hub ka dhigis sameeya in ay adkaan doonto in ay shaqeyso dowladda.

Waxaan ahay ma quuste, ma jiro nin iga dagaalyahansan waayo dagaallo badan ayaan ka qeybgalay, dad badan waa la iga dilay, dhibaato badanna waan geystay, walaalayaal qof iga og ma jiro dagaal natiijadiisa, waayo da' baan ahay, xog ogaalna waan ahay, marka looma baahna in aan dagaalka sii wadno ee waa in aan gacmaha is-qabsannaa oo isa saamaxnaa" ayuu yiri Col. C/llaahi Yuusuf Axmed

Col. C/llaahi Yuusuf waa uu sii hadlay waxaana uu yiri "Walaalayaal dowladda waa soo guureysaa, haddii ay soo guurtana dalka ayay imaaneysaa, waxaana naga go'aan ah in aan Soomaaliya ka dhigno sidii ay ahaan jirtay, ciidamo waa la keenayaa, ciidamadeenana waan aas aaseynaa, hubkana waa la dhigayaa".

 

Col. C/llaahi Yuusuf isagoo ka jawaabayay dalab ay u jeediyeen dadka Gobolka Shabeelaha dhexe oo ahaa in inta laga hagaajinayo ammaanka magaalada Muqdisho caasimad KMG ah ay dowladda ka sii dhigato magaalada Jowhar ayaa waxaa uu ku yiri dadkii dalabkaas u soo jeediyay "Caasimaddu waa Muqdisho, meesha loo socdana waa Muqdisho, shacabka Muqdisho ku nool ee tirada badan sidiina kale dowladnimuu rabaa, laakin waa dhiban yahay shacabka Muqdisho, waana in dhibkaas laga saaro".

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu sheegay in aan marnaba la weyn doonin cid dhibaato sameysa balse waxaa uu xusay in hadana 98% ay dadka Soomaaliyeed samaan doonayaan, inta kale ee yarna waxaa uu tilmaamay in aysan noqon doonin kuwo dadka ay u af-duubnaadaan.

 

"Muqdisho waan tegeynaa annaga oo Xaq, Lillaahinimo iyo Qarannimo ku soconna, xaq darro nin wataana nagama celin karo Muqdisho" ayuuna mar kale yiri Col. C/llaahi Yuusuf oo dadkii uu kula hadlayay Magaalada Jowhar u sheegay in haddii ay u sharaxan yihiin caasimadnimada Soomaaliya in ay ogaadaan in ay jiraan magaalooyin kale oo tartan kula jira, wuxuuna gunaanadkii qudbaddiisii kula ballamay dadkaas in ay ku dadaali doonaan dalkii oo xasila oo nabad ah.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Khudbad uu xaley ka jeediyey Col. Cabdulaahi Yuusuf Jowhar oo abuurtey caro aad u fara badan.

 

February 25, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Xasan Kaafi Qoyste. Muqdisho, Soomaaliya.

 

Xilibaanada iyo siyaasiyiinta ku sugan Nairobi ayaa dareen caro leh ka muujiyey khudbad uu Col. Cabdulaahi Yuusuf xaley ka jeediyey magaalada Jowhar.

 

Xilibaanada iyo siyaasiyiinta ku dhaqan Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ay dareen caro leh ka muujiyeen khudbadii uu xaley madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ka jeediyey magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe, iyadoo hadaladaasina ay ka mid ahaayeen hadalo uu madaxweynuhu ku sheegayey inuu magaalada Xamar wax ka qabanayo, isla markaana uu talaabo ka qaadayo, iyadoo ayna jirin xiligani cid iska hor istaagtey imaanshaha magaalada Muqdisho.

 

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ayaa xaley khudbadihii uu ka jeediyey magaalada Jowhar waxaa ka mid ahaa inuu yahay nin geesi ah, isla markaana muddo afartan “40†sano ah uu soo dagaalamayey, iyo inuu yahay ninka uggu tiknikada badan, waxaana khudbada madaxweynaha ka maqnaa wax sharci ah oo ku saabsan arrimaha baarlamaanka iyo sida laga yeeli doono qodoboa badan oo ay isku hayaan xilibaanada iyo golaha wasiirada ee dowlada federaalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ayaa xaley khudbadihii uu ka jeediyey magaalada Jowhar waxaa ka mid ahaa inuu yahay nin geesi ah, isla markaana muddo afartan “40†sano ah uu soo dagaalamayey, iyo inuu yahay ninka uggu tiknikada badan, waxaana khudbada madaxweynaha ka maqnaa wax sharci ah oo ku saabsan arrimaha baarlamaanka iyo sida laga yeeli doono qodoboa badan oo ay isku hayaan xilibaanada iyo golaha wasiirada ee dowlada federaalka Soomaaliya.

 

:D:D

I like the way the media translets the speech of the president.

 

 

C/laahi Yuusuf Wuxuu sheegay in gobolka Shabeelada Dhexe uu kamaqnaa muddo 40 sano ah intaasna uu ku jiray halganno kala duwan , waxaana uu sheegay asagoo inuu yahay Maquuste oo uu xataa 12 xabsi u galay, waxaana uu u mahadceliyay abwaanadii jilayay riwaayad madaxwaynaha lagu soo dhaweeyay oo uu sheegay inay asaga taabanaysay iyo ragga lamidka ah.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

 

 

Col. C/llaahi Yuusuf waxaa uu sheegay in ay magaalada Jowhar ugu dambeysay muddo 40 sano ka hor ah, xiligaasoo uu caddeeyay in uu Soomaaliya inteeda badanba ma maqnaa, mudadaasi waxaa uu sheegay Korneelku in 12 sano oo ka mid ah xarig lala dhigay oo markaasina uu 6 sano ku qaatay dalka Soomaaliya, 6 sano oo kalena uu ku soo liqay sida uu u yiri dalka Itoobiya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Khudbo ruux hogaamiye ahi jeedinayo in la soo qoro waxay ku dhaanto maleh, haddii kale wax la sheego ayaa kuu goynaya markaas baa tanoo kale dhacaysaa. Waxaa iga yaabiyey nimankan tirada badan ee la socda Madaxweynaha oo qaarkood la taliyeyaal iyo afhayeenno lagu sheego tolow maxay kala taliyaan? Mise isagaan taloba ogolayn oo jecel inuu sheeko carruureed ka sheekeeyo markii uu is yiraa meel ka hadal? Aniga haddii aanan sheekadaan ka maqli lahayn idaacadaha iyadoo markaas khudbadu dhacayso (live), waxaan moodi lahaa inuu ilmo u sheekaynayo, Waayo khudbadaani waxay aad ugu egtahay sheeko-xariirooyinkii Soomaalida.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

waxaan ka mid ahay dadkii bilaabay xabadda Soomaaliya cuntay

Wax lagu faano miyaa waxaas? redface.gif Walaahi dadka dabeecada wee u kala dasheen. Waa run wuu bilaabay, waxuuna ku bilaabay dhiiga adeeray oo dagaan Balanbale.. :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

uma malaynaayo inuu ka waday faan, hadaad hadalkiisa oo dhamaystiran akhrisid wuxuu raaciyey "oo ina baday waxa na qabsaday hada laakiin" so seef la bood ha noqon bro. waxaan u muuqataa dad badan inay sugi la'yihiin fashalkiisa laakiin su'aashu waxa weeye badal ka fiican ma hayaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

War seef la boodkaa sheegaysid ma aqiin ee halkaa iga mar. I see him repeat something along those lines everytime he makes a speech as if to get respect from being the first to pick up the gun that started all this bloodshed :eek:

 

Runta hadaad raadinaysid, dadna wee ku qoslaan, dadna wee la yaabaan. Ilaahay baa un meeshaan na keenay, ilaahay baa naga qaadi doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

what if the dude boasts, aint interested in that. can he do something for the country, dont get all worked up over shit he says that you think is showin off. i think he says that to make a point, not to boast like bilan said.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

xattaa markii madaxweeninimada loo dhaarinayey wuxuu yiri:

 

"anigu nin dagaal-yahan ayaan ahey, waxaad igu tabeysaana waxaa weeye inaan ahey nin dagaal ku xeel-dheeraadey ama mushkiladii soomaaliya ka dhacdey billaabey",

 

^^^^^ ma hadalkan baan faan aheyn?, I was watching LIVE when he actually made that speech, the thing is, he is not afraid to repeat those un-witty comments.

 

A/laahi yusuf is old, very old, I blame the AGE not the comments he makes everytime on the mic.

 

 

I feel sorry for OUR president

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

The President's speech in Garowee:

 

“Markii dabacsanaan ay joogto oo xaaladu u baahan tahay dabacsanaan waan dabacsanaaneynaa, markey gacan adag & dhiiraan u baahan tahayna sidaasaan ku howlgaleynaa, waxaan idinkugu imid anigu goboladan goboladaan ka tegay ee aan shirka ka aaday weeye oo waxaana idinkugu nimid Tacsi, waayo odaygii inagu weynaa ee inagu wax tar badnaa ee aanu dhammaanteen wada jecleyn Islaan Max’ed Islaan Muuse (ALLAH u Naxariisto) geerida ku timid inaga oo ka xanuunsan ayaan idinku nimid, waxaanu kaloo idinkugu nimid in aanu nahay hordhac ka soo hormaray dowladda maadaama ay dowladu soo guureyso oo ay dalka ka howlgaleyso†ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo sheegay in qorsha ay dowladdu ku howlgaleyso in ay tahay in dadka Soomaaliyeed ay isa saamaxaan oo ay heshiiyaan, gacmahana leysku saaro.

“Dowlad goboleedkiina in aad adkeystaan oo aad gacan adag ku qabataan oo aad jiritaankiina xaqiijisaan ciddii idinka hor timaadana aad gacan adag ku qabataan, diyaar ma u tihiin.? Ayuu weydiiyey C/llaahi Yuusuf shacabkii uu la hadlayey, oo mar kale uu hor dhigay su’aalo badan oo ku saabsan in ay taageerayaan qorshaha ciidamada shisheeye dalka lagu keenayo & dhammaan howlgala dowladdu ay ku talaabsaneyso mustaqbalka dhow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra´´iisal wasare Cali Maxamed Geeddi oo sheegay afrta xabo oo diidan dowlada in daadku qaadi doona

 

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra´´iisal wasare Cali Maxamed Geeddi oo sheegay afrta xabo oo diidan dowlada in daadku qadi doonaa hadalkaas oo ah mid aan ku cusbeen dhagaha dadka ayadoona lagadaremay hanjabadyashaan noocaan oo kale ay ka soo yeeraysay baryahaan qolooyinka ku dhow dhow madaxweynaha ama isku jufada hoose yihiin .

 

Madaxweyne Cabdulaahi yuusuf ayaa mar walba ku hanjabo in uu isagu yahay ninkii ugu horeyay oo qori riday hadase cidii isku daydo handad waxaan u shegeynaa in aan ku qaban doona gacan bir ah ay san ka soo wiqsan waligeyd, ma jirta cid ii diidi karta Muqdisho waxeyna hadda ii jirtaa 90 KLM marka cidii iidiideyso hadda hatimaado, hadalkaaso oo u eg mid dagaal looga abuuri raba magaalada Muqdisho qasatan uu rabo in uu iska horkeena Mudulood iyo Madarkicis oo aad mooday in ay is fiican isugu soo dhawanayeen madaama ay yihiin dad walaala ah sinaba aan ku kala hari karin.

 

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf soo dhaweynti loo sameyey maanta ayaan u qalmin tii loogu sameyey magaalada Muqdisho gudoomiyaha Barlamaanka oo ayadu ah meel aad u camir dadkuna ay ku badan yihiin, soo dhaweyntii mantana ay aheyd mid hal jofa hoose ay ugu sameysay madaxweyne Cabdulaahi yuusuf magalada Jowhar

 

 

Ra´´iisal wasare Cali Maxamed Geeddi riibi geedaha madaaqo lagama daaqo laga yeeli maya wana ka hor imaneynaa cid alo cidii isbaaro u dhigata dowlada asagoona sheegay in uu soo dhaweynaya in wadanka la keeno ciidamo ka socda dalka Itoobiya kuwa diidan oo ku jirana dowladeyda waa ka saari doonaa madaama ay dowlada looga bahnyahay in ay wada shaqeyso

 

webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khudbadihii ay jeediyeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisl wasaare Cali Maxamed Geeddi

 

Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisulwasaare Geedi ayaa maanta kala hadlay reer Puntland meel fagaaro ah oo ay isugu soo baxeen maagalada garowe.

 

C/llaahi Yuusuf ayaa waxa uu sheegay in ujeedada socdaalkooda ay ku kala bixnayaan qeybo ka mid ah wadanka Soomaaliya in ay tahay gaarsiinta gobolada dalka Soomaaliya barnaamijka xukuuumadda ee 5 sano ee soo socota.

 

Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha oo la hadlayay dadka reer Puntland oo maanta isugu soo baxay meel fagaaro ah ayaa waxa ay weydiinayeen in ay doonayaan in dalka lagu soo celiyo nabad, in la keeno dalka ciidamo shisheeye oo hubka dhigis sameeya iyo in ay taageersan yihiin DFKMG ayaa dadweynihii waxa ay taagereen fikirkii ay u soo jeediyeen madaxweynha iyo Cali Geeddi iyagoo balan qaaday in ay la shaqeyn doonaan Dowladda Soomaaliya.

 

Ra’iisul wasaaraha Federaalka Soomaaliyeed, Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in dadweynaha reer Muqdisho ay 98% doonayaan nabadda iyo dawladimada, hase yeeshee ay jiraan tiro yar oo dooneysa in ay wax xagal daaciso kuwaas oo leh dano siyaasadeed, waxaan ilaahay uga rajeyneynaa in uu ilaahay soo hanuuniyo

 

“14 sano ee la soo dhaafay, waxba way ka socon waayeen dawladihii la doortay iyo shirarkiiba, shirkii Kenyase wuxuu kaga duwanaa in ay qaybaha siyaasadda iyo bulshadu ay u dhammaayeen†ayuu yiri Prof. Cali Maxamed Geeddi.

 

“Ciidamada shisheeye waxay inoo ilaalinayaan waajibaad ay u cayintay dawladda Soomaaliyeed ee ma aha kuwa wax walba samayn doona, dalkana qabsan doona, waxaana hoggamin dona saraakiil Soomaaliyeed, waxay ilaalin doonaan goobaha dawladdu deggan tahay, gacan bay ka geysanaan hubka dhigista iyo dib u heshiisiinta†ayuu yiri prof. Cali Maxamed Geeddi.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

I wonder why people beilve what they read online.

 

war madax weeynah hadalkuu dhahay dadbadan baa waxeey u fasirteen si kale adiga qof ahaan hadaa jaceshahay in aad badalato waxa uu madax weeynaha iyo raysul wasaaraha dhaheen markaas adigee ku quseesaa. haday raga wadankood u soo hal gameen waa wax lagu faano nin xirnaa 12 sano oo maanta joogo soomaliya ma ay jirto :D taasna waa wax lagu faano.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this