Sign in to follow this  
garyare

QABUURO DAGAAL-OOGE MISE QABUURO MADAXWEYNE

Recommended Posts

garyare   

Qabuuro Dagaal-Ooge?

mise

Qabuuro madaxweyne?

 

 

Dulucda Mowduucani waxay tahay:

Qaabkii loo aasi lahaa iyo halkii lagu aasi lahaa Dagaal-Ooge geeriyoode isagoo sheeganaya “madaxweynennimoâ€. Waxaynnu tusaalena u soo qaadanaynaa kornayl Cabdullaahi Yuusuf Axmed

 

H o dh a c

 

Dadka qaarkiis ayaa ka sii dardaarma halka lagu aasi doono maydkooda walow ay mar-marka qaarkood adagtahay in la fuliyo dardaarankaas caqabado awgood sida qofkii oo ku geeriyoodey meel ka fog halkii uu sheegtay, sababo dhaqaale, meeshii oo loo diidey, dadkii aasi lahaa oo isku khilaafay, geerida oo ku timid xaalado khaas ah sida inuu ku dhinto shil diyaaradeed, badda amaba la waayo meel uu ku dhintay iwm .

 

Dad kale waxaa lagu duugaa qabuuro gaar ah maadaama ay ka tirsanaayeen qayb khaas ah ee bulshada sida: geesiyiin naftooda u huray difaaca dalkooda (kuwaas kuma jiraan kuwa dadkooda u laaya micne la’aanta ama bililiqaysa, burburiya, guba magaalooyin iyo tuulooyin dalkooda kaddibna yiraahda: “waan xoreeyey ama xoraystayâ€), reer boqor, ciidan, koox diineed, qabuuro qoys iwm, halka kuwo kale lagu duugo qabuuro takooran oo lagu duugo dadka la necebyahay sida Dagaal-Ooge, khaa’inul waddan ama dad u le’day cudurrada halista ah oo sida sahlan laysugu gudbiyo sida daacuun-caloolaha.

 

Bal haddana aynnu saadaalinno sidii wax noqon lahaayeen haddii markaan uu marxuumku ahaan lahaa kornayl Cabdullaahi Yuusuf.

 

Waxaynnu tusaale ahaan ka soo qaadaynaa ama jilaynaa isagoo kornaylku ku geeriyoodey markii ay dhowaan Nairobi ku soo weerareen niman dabley ah oo an la garanayn gurigii uu martida ku ahaa.

 

Geerida Cabdullaahi Yuusuf waxaa durbadiiba ka dhalan lahaa su’aalaha soo socda iyadoo muranka ugu xooggani uu ku saabsanaan lahaa darajadii la siin lahaa kornaylka, micnaha in uu ahaa madaxweyne iyo inuu ahaa dagaal-ooge.

 

1. Su’aasha kowaad waxay noqon lahayd: horta yaa dhintay?.

Jawaabta su’aashaan ayay dadku u qaybsami lahaa 2 nooc.

 

Nooca hore waa dadka aysan u kala soocnayn erayada qabqable dagaal iyo madaxweyne kuwaasoo qaba: qabqable waa madaxweyne/madaxweynana waa qabqable. Kuwani waxay la mid yihiin dadkii oran jirey: Cali Mahdi waa Caydiid/Caydiidna waa Cali Mahdi (2dan qabqable isku mid ayay ahaayeen xagga sharka iyo wax burburinta waxaase halqabsigaan loola jeeday way heshiiyeen taasoo loogu qalbi qaboojinayey dadweynihii Soomaaliyeed oo ku noolaa Muqdisho ee ay labadaas dagaal-ooge madaafiicda ku duqaynayeen si naxariis darro ah†waqtigii ugu xumaa dagaalkii USC dhexdeeda 1991kii. Halqabsigaasi wuu soo noqnoqday hase yeeshee nasiib darro waligiis ma rumoobin, Caydiidna wuu la dhintay sharkiisii iyagoo aysan heshiin labadii qabqable ee Cali iyo Caydiid.

 

Dadka ay isku midka u yihiin dagaal-ooge iyo madaxweyne waa badi Soomaalidii ku xaraysnayd Embagathy iyo dableyda qabqableyaasha dagaalka u jooga Somalia kuwaasoo xiriirka u dhexeeya qabqablahoodu uu yahay waxa ay murtida Soomaalidu ku tilmaanto “dameer iyo labadiis dhegoodâ€, “nin iyo kabihiis†iwm.

 

Nooca 2aad waa dhammaan dadyowga miyirka qaba hadday ahaan lahaayeen Soomaali, Ajnabi iyo Dawladaha intaba kuwaasoo kulligood aqoon u leh inuu kornayl Cabdullahi Yusuf yahay dagaal-ooge aan ehel u ahayn madaxweynennimo xilkaasina uu u jiro masaafada u dhaxaysa Cirka iyo Dhulka, haddiiba erayga “madaxweyne†loola jeedo jagada adduunku u yaqaan qof ay qowmiyadi u dooratay inuu madax u noqdo (fadlan akhri maqaalka cinwaankiisu yahay Intaanan dhiman dheere iigu yeera) oo bil ka hor ku soo baxay shabakadaha internetka oo ay ka mid yihiin Somalitalk, Allgedo, Horsedned, Somaliweyn si ad uga bogatid harraadka uu kornayl Cabdullaahi Yuusuf u qabey in maalin uun loogu yeero “madaxweyneâ€, walow ay tany maanta ku noqotay “shimbiri maalin bay dab qaadday maalintiina gurigii hooyadeed ayay ku gubteyâ€

 

2. Su’aasha labaad waxay tahay, sidee ayaa la yeelayaa meydka marxuumka?

Iyadana waxaa dabcan ka soo bixi lahaa afkaaro aad u kala fog oo ay ka mid yihiin kuwa soo socda:

o Reer Embagathy qaarkood iyo dabcan Dawladaha IGAD waxay oran lahaayeen waxaa geeriyoodey madaxweynihii Soomaaliya sababtoo ah isma burin karaan oo kalmaddii shalay laga maqlay ayaa afkooda ka qoyan.

 

Qolada kaliya oo la hubo in ay aad uga nixi lahayd geeridaasi waa Xabashida maadaama ay waayeen wiil baarri ah.

 

o Soomaaliya ma filayo in ay dad badani indhahooda ka tiri lahaayeen illin ka soo daadata hase yeeshee ay u badan tahay in ay dhici lahayd taas caksigeed (doollo caddayn), micnah, dad badani uma ooyeen geerida kornayl Cabdullaahi marka laga reebo kooxaha soo socda: qawlaysatadii la bililiqaysatay Puntland; calooshood u shaqaystayaashii u ahaa ilaalada gaarka ah; 2da kooxood ee “Timo weyn iyo Heemo†oo sheegta in ay yihiin wadaaddo hase yeeshee ah khuraafaadleyaal la sheegay in ay u faaliyaan kornaylka; iyo ugu dambayn “reer cabdullaahi†oo ah magac cusub oo hadda la jaanqaaday kornaylka.

 

3. Su’aasha saddexaad waxay ahaan lahayd, xaggee ayaa lagu asturi lahaa meydka marxuumka?

 

Jawaabta su’aashaani ma aha mid sahlan waxaana carrabka lagu dhufan lahaa meelaha soo socda:

 

o Xamar: Dad ayaa markiiba la soo boodi lahaa: “kornaylku wuxuu ahaa madaxweynihii Soomaaliya saas darted waa in lagu aasaa magaalo madaxda Xamar†hase yeeshee qaar kale ayaa ugu jawaabi lahaa: “oo reer Xamar noloshaba kuma rabin umana oggolayn inuu Xamar cag soo dhigee maxay ku falayaan meydkiisa?†Reer Muqdisho qaarkiis waxay oran lahaayeen: “ninku dhibkiisii inakala teg meydna cidna wax ma yeeli karee aynu sharafta ka xigno oo iska dayno ha la keenee ka dibna aynnu isu diyaarinno in aysan gadaashiis cidina ku fakarin in ay gashato “kabo/kobo†ka weyn.

 

Qaar kale waxay oran lahaayeen: “waa yahaye qabuurehee ayaa lagu duugayaa?†Kuwo ayaa ugu jawaabi lahaa: “Koofurta Xamar, Qabuuraha 21 Okoobar ama Tribunka darisna ha looga dhigo Cabdirashiid Cali Sharmaarke ama Janan Caydiid (saaxiibkiis)†(akhristow iga raalli noqo waayo ma hubo in Caydiid uu ku aasan yahay qabuurahaas iyo in ay qabuurahaasi wali jiraan, in la degey ama la biliqaystay) hase yeeshee waxay qiyaastaydu i siinaysaa inuu halkaas ugu duugan yahay 3 sababood: b) in ay qabaa’ilka ****** qaarkood Caydiid ugu yeeri jireen “madaxweyneâ€; inuu isla dadkaas u lahaa darajo “halyeynimo maadaama dableydii uu hoggaaminayey ay Xamar ka saaray Maxamed Siyaad Barre iyo j) in qaybtii USCda oo uu xukumey ay ka talinaysey goobta uu ku yaal qabuurahaasi). Dadkaan waxaa loogu jawaabi lahaa: “Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo Soomaaliya madaxweyne u ahaa waqti nabadeed isla markaana ahaa nin ehelu diin ah oo badi Soomaalidu ay jeclayd ayaa loo diidey in lagu aaso meesha uu hadda ku xabaalan yahay waxaana u diidey dad reer Xamar ah oo sheegtay in ay meeshaasi ahayd “goof†(cad dhul ah) oo ay gaar u leeyihiin taasoo khasabtay in laga iibiyo dhulkaas†(Dad badani waxay aamminsanaayeen in diidmadaasi ay ka wayneyd lahaansho gaar ahaaneed ee goof hase yeeshee ay salka ku haysey inuusan marxuum Cabdirashiid u dhalan Xamar, saas darteed, Cabdullaahi taas waa kala mid Cabdirashiid waxaana u dheer in laga necebyahay Xamar saas awgeedna ay adagtahay in la oggolaado in meydkiisa lagu ag duugo Cabdirashiid). Dad kale waxayba qabaan in aysan habboonayn in qabqable dagaal lagu ag duugo oo daris looga dhigo madaxweyne Soomaaliyeed oo sharci ahaa, waxayna ka cabsi qabaan in dariskaas haddana lagu biiriyo Aden Cabdille Cismaan marka ay u timaaddo tii Alle. Dad kale ayaa ayagu qaba aragti sii xag jirta oo meydka marxuumka ka sii fogeyn lahayd Xamar ayagoo leh : “Walow uu Cabdullaahi Yuusuf saaxiib la ahaa Caydiid, sharka iyo dagaal-oogennimadana ay wadaagaan, haddana uu Caydiid ahaa “halyeyga†qabaa’ilka ****** ama ugu yaraan qaybo ka mid ah, sidaas darteedna aysan marna yeelayn in deris looga dhigo Cabdullaahi Yuusuf oo ka dhashay qabiilka ay tartamaan ee ******* haddana uu kornaylku u soo dhigtay inuu ****** u buuxiyo jagadii ay isla iyagu ka disheen ama awgeed u dileen Caydiidâ€.

 

Qaar kale waxay oran lahaayeen: “Janan Maxamed Siyaad Barre oo Soomaaliya xoog ku haystey 21 sano, dunidu u aqoonsanayd madaxweynihii Soomaaliya isla markaana ahaa kii ugu xukun qallafsanaa oo soo mara Soomaaliya ilaa ay qaadatay xornimadeedii 1960kii, waxaa lagu aasay Garba-Haarrey oo ah halka ay deggan yihiin reerka Marreexaan oo uu ka dhashay Xamarna looma haweysan oo marnaba ma suurto gasheen in la keeno oo lagu aaso meydkiisa.

 

Sidee ayay markaas suurto gal u tahay in ay dad ku fakaraan ama ay haweystaan in kornaylka oo dagaal-ooge ahaa hase yeeshee ay Xabashidu ugu wanqashay inuu yahay madaxweynihii Soomaaliya si sahal ah loo keeno meydkiisa looguna duuga Xamar?†(runtii waxay Soomaali badani jeclaan lahaayeen in kornayl Cabdullaahi Yuusuf lagu ag duugo Janan Caydiid halkaasna laga dhigo qabuuro takooran oo lagu duugo dhammaan dagaal-oogeyaasha ka dibna la tusiyo jiilasha soo socda ee Soomaalida taariikh ahaan).

 

Prof Maxamed Cali Geedi oo isaga shaki uga jiro inuu sii haysanayo jagada lagu sheegay “ra’iisul wasaare†mar haddii uu xijaabtey ninkii u magacawday ayaa reer waqooyi Xamar u soo jeedin lahaa in marxuumka lagu aaso waqooyiga Xamar asagoo ****** ku beer-dulucsanaya: “ogaada marxuumku waa ninkii madax inooga dhigay dawlad Soomaaliyeed markii u horrayseyâ€. Hase yeeshee Muuse Suudi ayaa markaas oran lahaa: “war ninka kobahaygii gashaday ma arki karo meydkiisa; laakiin Maxamed dheere oo ka urinaya Xabashida iyo Diin nacaybka ayaa oran lahaa: Jawhar ii keena meydka si ay u dallacdo taariikhna u yeelato maadaama lagu duugay madaxweyne (Maxamed dheere wuxuu dabcan ka mid yahay dadka qaba inuu geeriyoodey madaxweyne maadaama ay isku jaal ahaayeen marxuumka.

 

o Baydhabo: Shariif Xasan oo ah ninka baarlamaanka beenta ah ka ah guddoomiye iyo Xasan hebel Nuur (shaati-guduud) waxay oran lahaayeen: meydka “madaxweynaha†ha lagu aaso Baydhabo waayo iyada ayuu rabey inuu geeyo dawladda oo taariikh noo sameeyo oo ay Baydhabo dhabbe halaq maray ama saadaal u noqoto in ay mustaqbalka noqoto caasimaddii Soomaaliya isla markaasna Xabashida ayaa nagu abaalmarinaysa ayadoo ay intaas dheertahay in ammaanka ay ilaalin doonaan ciidammo isku dhaf ah ee Xabashida iyo Puntland oo uu hoggaaminayo Moorgan.

 

o Garoowe: Garoowe waa bugcad uu hore ugu habsadey kornaylku (ka dib markuu taageero buuxda oo hub, lacag iyo ciidanba ka helay Xabashida) walina u carbuunan oo ay u sii hayeen taageerayaashiisii (dabley iyo dab-laaweba) haddii uu ku soo hungoobi lahaa Nairobi sidaas darteed waxaa la hubaa in ay inaga iibin lahaayeen in uu ka geeriyooday halyey ay jeclaayeen inkastoo an shaki ku jirin in ay qaarkood muujin lahaayeen oohin iyo shucuur been ah iyo qalbi faraxsan iyagoo malaha ku fakaraya in ay dhaxlaan booskiisii.

 

o Qardho: Qardho in lagu aaso waxaa durbadiiba la soo boodi lahaa Janan Cadde Muuse. Jananku wuxuu reer Qardho ka iibinlahaa afkaaro riqiis ama khiyaali ah oo ay ka mid yihiin: b) Puntland waxaa waligeed haysanaya taageerayaashii Cabdullaahi Yuusuf sidaas darteed dhibaato uma gaysan doonaan meesha qabrigiisu ku yaal; t) Qardho waxay noqon lahayd caasimadda Puntland iyo xarunta ganacsiga, bankiga dhexe iwm, waayo dad badan ayaa soo booqan lahaa qabriga “madaxweynaha†oo Soomaali iyo ajnabiga leh oo ay ka mid yihiin madaxweynayaal, safiirro iwm; anigu waxaan noqon lahaa madaxweynaha Puntland; kornaylka waxaa lagu duugi lahaa meeshii uu inooga laayey dad badan oo taasi waxay tusaale u noqon lahayd qofka qaatilka ah; ugu dambayn, waxaa halkaas iiga hari lahayd dembigii aad ii haysateen oo ahayd in aan ciidankii Golaha Badbaadinta Puntland (GBP) u hibeeyey Cabdullaahi Yuusuf hase yeeshee ay ahayd siyaasad qoto dheer oo aan damacsanaa.

 

o Boosaaso: halkaas waxaa ka bilaaban lahaa dagaal sokeeye Alle oo uga miciina mooyee. Sabab?(why?) Burburkii Soomaaliya waxaa xoojiyey markii Xamar laysugu geeyey wax kasta oo uu lahaa Qarankii Soomaaliya: awood siyaasadeed, dhaqaalihii (beero, bunuug, ganacsi dibed iyo gudo, amaankii, adeeggii guud iwm) kadibna uu soo jiitey kumaankun dad ah oo magaalooyinki, tuulooyinkii iyo miyigaba uga soo qaxay shaqo la’aan, ammaan la’aan adeeg guud la’aan. Taasi waxay dhashay inuu Xamar noqon waayey meel hanan karta Soomaali oo dhan sidaas darteedna uu hal mar qarxay. Boosaaso sidaasoo kale, markii la soo dumiyey dhammaan gobolladii iyo magaalooyinkii kale ayay noqotay meel laysugu geeyey wax kasta, saas ayayna khatar u tahay khatar qarxasho waayo albaab kasta waxaa ka soo jeeda “malluug†uu meesha suray kornayl Yeey.

 

o Gaalkacyo: Timo weyn iyo Heemo (kor ayaynu ku soo sheegnay waxa ay yihiin 2dani) waxay oran lahaayeen Mudug way rogmanaysaa haddii aan lagu duugin walow ay labadoodu isku qabsan lahaayeen inuu mid waliba ka tirsanaa “xertooda†oo uu haystey “jaazadooda†saas darteena uu xaq u leeyahay in lagu duugo qabuurahooda. Odayaal uu ku hilay darajooyin been ah iyo qolyo kale waxay iyaguna oran lahaayeen Mudug ayuu ku dhashay, Caydiid iyo USC ayuu ka difaacay, SSDF ayay nooga le’deen rag badan isaga daraaddiis, saas darteed waa in lagu duugaa Gaalkacyo ama tuuladii uu ku dhashay

 

o Lascaano: Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu oran lahaa, aniga ayaa hadda ah madaxweynihii Puntland, weli kalama wareegin xilkii marxuumka, hadda aniga ayaa iska leh go’aanka meesha lagu duugayo saaxiibkay (haddee diktatoornimada iyo uur iyo af is khilaafsani waa wixii ay ku shirkoobeene), sidaas darteed waxaa lagu duugayaa Laascaanood. Reer Laascaanood waxaa laga iibin lahaa oo uu sabab ka dhigi lahaa:

1. in ay taasi muujinayso in uu laascaano ku duugan yahay madaxweynihii Puntland isla markaana ah madaxweynaha Soomaaliya saas darteedna ay Somaliland ka quusato in ay dib u sheegato Sol iyo Sanaag & Buuhoodle oo tan qiil laga dhigto haddii laysla tago maxkamad

2. in daraawiishtii puntland ee kornaylku ay yihiin kuwa mar kasta ka caabbiya Laascaano weerarrada Somaliland

3. in ay Laascaano ka soo bogsooto fadeexadii dilkii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke mar haddii ay soo dhowaysey duugteyna meydkii madaxweyne kale oo Soomaaliyeed

 

o Nairobi: ugu horrayn, in kornayl Cabdullaahi Yuusuf lagu ag duugo Jomo Kenyatta sinaba ha ugu riyoon waayo taariikhda Kenya ayaad meel uga dhacaysaa maadaama uu J K ahaa nin u soo halgamay xornimada Kenya. Sidoo kale, Kenya waxayba hore ugu wargeliyeen kornaylka iyo kooxdiisa inay dalka dhaqso uga baxaan sidaas darteedna sinaba uma oggolaan lahayn in meydkiisa lagu aaso Nairobi ama meel kale oo ka mid ah Kenya. Si kastaba ha ahaatee, haddiiba ay u oggolaadaan sabab bani’aadamnimo awgeed in lagu duugo dalkooda, waxaa la gayn lahaa Qabuuraha masaakiinta oo ku yaal Kariokor ama Eastlight (Islii). Sida la ogyahay, marka uu geeriyoodo qofka keenyaanka ahi waxaa lagu aasaa qabuuraha halka uu ku dhashay ama degaanka qabiilkiisa ayadoo meydkiisa la soo safriyo haddii uu ku dhinto meel kale: metel, haddii uu yahay qof Kuukuuyo u dhashay waxaa lagu duugaa degaanka Kuukuuyada gaar ahaan tuuladii reerkooda; haddii uu yahay Mukambo tuuladiisii iwm.

 

o Addis Ababa: Ilaa iyo inta uu Ethiopia xukumo taliska Melez Zanawi ee Tikrega waxaan shaki inooga jirin in meydka kornayl Cabdullaahi Yusuf si loo ekaysiiyey “xushmayn†loogu duugi lahaa Addis Ababa. Taasi maaha jacayl ama xurmo qalbiga jirta ee waa mid la xiriirta danta Xabashida iyo soo jiidasho tusaale u ah waxa ay Ethiopia ka filan karaan nimanka kale ee Soomaaliyeed oo daacadda u ah sida kornayl Cabdullaahi. Haddii aynnu si kale u niraahno, Xabashidu ma jecla Cabdullaahi Yuusuf iyo mid kale oo Soomaaliyeed ee waxay jecel yihiin shaqada ay u qabanayaan. Zanawi wuxuu cudurdaar ka dhigi lahaa: Maadaama Xamar oo ah caasimaddii Somalia aysan ahayn ammaan, meydka madaxweynaha (waa jagadii uu isagu u magacaabaye) waxaa si ku meelgaar ah loogu haynayaa Ethiopia waxaana Somalia lagu celinayaa markii ay nabad noqoto. Waxaaba laga yaabaa inuu Zanawi qabrigaas khaaska ah ka dhisi lahaa xarun (base) ama qolka shirarka Soomaalida (Hall) si uu ugu soo jiito dagaal-oogeyaasha kale Soomaalida iyo taageerayaashii kornaylka hase yeeshee dantiisu ay tahay inuu ku bah dilo (humiliation) Soomaalida. U malee in hoolkaas loo bixin lahaa “Abdullahi Yusuf Conference Hallâ€!. Maxaad haddaba u malaynaysaa haddii la afgambiyo Zanawi? Waxaan filayaa in aadan igu diiddanayn in xabashiga la wareega xukunka Ethiopia aysan waqti ku qaadateen inuu burburiyo ama gubo qabrigaas iyo xaruntaas maadaama uu ka urinayo saaxiibtinnimadii Zanawi iyo kornaylka, hase yeeshee isaguna wuxuu isla markiiba kasban lahaa adeegayaal kale ee Soomaali sheegato ah waayo danka ay Xabashidu ka leedahay Soomaaliya mar walba waa joogto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this