Sign in to follow this  
Jacpher

Gun battle in Boosaaso?

Recommended Posts

Jacpher   

WAR DEG DEG AH : Ciidamada Boliiska Puntland Oo Weerar Culus Ku Qaaday Hoy Ku Yaala Boosaaso oo ay Dagaalyahano Hubaysan Ku Dhuumaalaysanayaan, Dagaal Xooggan Oo Halkaa Ka Socda Xilligan

 

Laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland, ayaa inta la ogyahay ku geeriyootay Dagaal qaraar oo duhurnimadii maanta ka qarxay Magaalada Boosaaso ee Maamul-Gobaleedka Puntland.

 

Dagaalkan oo la isku adeegsanayo hubka daran-dooriga u dhaca ayaa waxa uu ka bilowday Guri ku yaala Xaafadda Biyo-kulule, oo la sheegay in ay ku sugan yihiin Dagaalyahano si aad ah u hubaysan oo la rumaysan yahay in ay taabacsan yihiin Dagaalyahanadii Bishii June dagaalka xooggan kula galay Ciidamada Puntland Deegaan-xeebeedka Baar-gaal

 

Ciidamada Amaanka Puntland ayaa la sheegay in ay weerar xooggan ku qaadeen Hoyga ay ku jiraan Kooxaha hubaysan oo sida ay wararku sheegayaan halkaasi ku haya Nin ajinabi ah.

 

Daryanka hubka ay labada dhinac isweydaarsanayaan ayaa waxaa si weyn looga maqlayaa guud ahaan Magaalada Boosaaso, iyadoo Dagaalyahanadaasina la sheegay in ay haatan dalbadeen gurmad kale.

 

Kooxahani hubaysan ayaa maalmihii ugu dambeeyey isku urursanayey gudaha Magaalada Boosaaso ee Maamul Gobaleedka Puntland, tan iyo markii ay 1-June xilligaa oo Dayaaradaha Ciidamada Maraykanku ay duqeyn ugu geysteen Deegaanka Baar-gaal.

 

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu ilaa iyo iminka soconayo oo uu waliba sii xoogaysanayo, balse wixii kusoo kordha dib ayaanu idinkugu soo gudbin doonaa INSHAA ALLAAH

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

oo la sheegay in ay ku sugan yihiin Dagaalyahano si aad ah u hubaysan oo la rumaysan yahay
in ay taabacsan yihiin Dagaalyahanadii Bishii June
dagaalka xooggan kula galay Ciidamada Puntland
Deegaan-xeebeedka Baar-gaal

Our brothers still stand strong. Ilaahow uu gargaar nimanka magacaaga uu heelinaayo oo deentaatha oo halgamaayo. Allahuma Ameen.

 

Laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland
, ayaa inta la ogyahay ku geeriyootay Dagaal qaraar oo duhurnimadii maanta ka qarxay Magaalada Boosaaso ee Maamul-Gobaleedka Puntland.

Two more dhabo-dhilifs bite the dust, may scores more follow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by -:

^^^^^^^^^^LooooooooooooL..War Kashafa, does your struggle contain actual dead Ethiopians or you are content Somalis continue killing each other?

aren't you presuming their innocence? We wouldn't be in this morass if S. Barre had hanged C/yuusuf and Ceydiid, would we?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Well, Ethiopians are dying by the scoreload, no doubt about that. Recently 3 truckloads of bakhti corpses and wounded soldiers were trucked to Bali-Doogle airport. So that's that.

 

Soomalida aa kuu soo hartay: When a Somali stands shoulder to shoulder with the accursed Xabashi Occupation physically or morally, he ceases to become a Somali and sheds his snake-skin. It doesn't matter what flag he waves(Somalinimo, Qaranimo, Law & order'nimo) he is a low-born low-bred traitor that must be dealt with. His life has about the same value(or meaning, for that matter) as that of a cockroach.

 

This isn't a case of Somalis-killing-each-other as you are wont to protray it. In this particular battle, you've got Somali Muslims facing off against Dhabo-dhilif militia of Cade 'Etho Protectorate' Muse. Who u wit ? Where does your alleigance lie ? Mase, ayaantaan waxaa popular ah, passive political-correct'ness ?

 

Xaq stay Xaq. Baatil stay Baatil. Bullshyt stay Bullshyt. It's not too complicated. As my old high school teacher used to say: Shugul the Mukh(work your brain)

 

Dare you speak the Xaq, yaa Che ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Xogta dhabta ah eed Dagaalka Boosaso ka dhacay maanta

 

Dagaalka maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarutna goboka Bari ayaa waxa uu salka ku hayaa ka dib markii dhawaan ciidamada booliska Puntlanad
ay qafaasheen dhalinyaro ganacsato ah oo uu dhashay degmada Dhahareed oo ay ku eedeeyen in ay teegeero dhaqaalo ku bixiyeen dagaakii Majiyahan
. Sida ay noo sheegeen odoyaal iyo waxgarad reer Boosaasood ah waxaa maalmahan socday dedaal la isku dayayaye in dhacdadan lagu dhameeye si nabadgelyo ah iyo wadahal ah , haseyeeshee arintaa ayaa waxaa ka dhega adeygay maamulka Puntland oo iyagu ku adkaystey in dhalinyaradini yihiin argigixiso isla markaana loo gudbind doona dowlada Ethopia.

Ciidamada sheeganay boolisk Puntland ayaa maanta gelinki danbe soo weeraray guri nin dhalinyaro oo magaciisa naloogu sheegey Yusuf.

Sida dad goob joogayaal noo sheegeen waxaa guriga soo weeray ciidamo ay Cade Muuse isku hayb yihiin oo markaa ku qaraabanay magaca ciidanka booliska Puntland, warka waxa uu intaa ku daryaaa in milashiyada Cade ay Jiib iyo madaafiic culus la dhaceen guriga ka dib markii ay iska caabin weyn iyo khasaaro badan kala kulmiin dhalanyaro markaa ku sugnaa guriga ay maleeshiyda Cade soo weerartay.

 

Dagaalkii oo weli socda awgeed, ilaa hada ma cade khasaaraha dhabta ah ee uu sababay dagaalkani.

 

Dhanaca kalene Kornayl Mohamed Cali oo tirsan ciidamda daraawiishta ee Maakhir land oo la soo xiriiray warbaahinta dhahar ayaa noo sheegey in ciidamo ay diyaariyeen iin ay u diraan gobolka Sool oo ku sugnaa magaalada Dhahar ay hada u soo weeciyeen xagga Boosaaso si ay uga qayb qaataan dagaalka ka bilowday magaalada Boosaaso. Sarkaalka waxa kale oo uu waxba kama jiran ku ku tilmaamay warar saxaafada qaarkood ay faafiyeen kaas oo sheegayey in ruux ajnabi ah lagu haysto guriga la soo weeraray.

 

Si kastaba ha ahaate dagaaka maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa hadii uu sii socdo dhabarjab weyn ku noqonaya maamulka Puntland oo maalmihii loo soo dhaagay looga roonaaday magaalada laascaanood.

Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Arrintani waa sheeko aad u xun oo u baahan in si dhakhso leh wax looga qabto, dagaalada noocan ahi kaba daran ka socda Laas Caanood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

War Deg Deg ah:

 

Ciidanka booliiska Puntland oo madfac ilaa iyo hada ku garaacaya guri ka mid guryaha xaafada Boosaaso ee Laanta Hawada…..

 

Ciidamada Puntland ayaa waxay maanta weerar ku qaadeen dhalinyaro joogtey guri ka mid ah guryaha Xaafada Laanta hawada iyagoo markii laga adkaaday booliiskii ay doonteen madaafiicda waaweyn kuwaasoo ku garaacay guryihii halkaas ku yaalay.

 

Dhalinyarada lagu garaacay madfaca ayaa waxay kasoo jeedaa deegaanka Dhahar ee gobolka Sanaag iyo magaalada Boosaaso asal ahaan, taasoo dhalisey in gurmad fara badan ilaa iyo haatan ay kusoo qul qulayaan magaalada gudeheeda oo ka yimid daafaha magaalada Boosaaso.
Waxaa kaloo jira ciidamada gurmad ahaa oo kusocday magaalada Laascaano ee ka ambabaxay Sanaag in ay hada usoo weecdeen dhanka magaalada Boosaaso ayna soo gali doonaan magaalada gudaheeda mudada dhow...

 

Arintaa ayaa ka dambeysay todobaad ka hor mar laba nin oo ka mid ah ragii Majiyahan difaacay lagu soo xirey xabsiga Boosaaso, taasoo uu hada wada hadal socday. Dhalinyarada ayaa waxay go’aansatey in aysan wax dagaal ah qaadin ay wada hadal kusoo dhameeyaan, maadaama hada uu dagaalo wadanka ka jiro kale. Hase yeeshee ciidanka Puntland ee haatan aan la garaneyn sababta ay dagaalka ugu qaadeen xaafadaaas ayaa dagaalka ilaa iyo hada wuxuu ka socdaa magaalada gudaheeda.

 

Lasoco wixii ka soo kordho...kala socod DHahar

Doesn't look good I tell you.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^There's a qabiil twist to this. I was thinking stooge Cadde was putting the foundation for the newly Ethiopian Office opening in the port city and eliminate any conflict with Wadaado.

 

Soomaali meeley joogtaba ha is cuntaa ka dhacday. Amxaarkuna ha ku raaxeysto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

The house, that Cade's malitia destroyed was the house of a close friend of mine. I just rang Boosaaso a while ago, and was told he left the house just minutes before the mortars landed. He is a nice,tallented, young business man and stays here in Dubai too. Apart from that, we still dont know how many of innocent civilians were killed in that house. Cadde will pay the price. It all started from the "Ashahaada la dirir Group". The most astonishing thing is, that the war started about 11:30 AM and lasted till after Maqrib prayer. No traditional leaders, no mediators, no white peace flag wivers no nothing. Aad ayaan uga xumahay wixii rag dhistay oo ku tabcay, oo ilaa heer qaran ama dawladeed la gaadhsiiyey. Inay maanta halkaas ku danbaysay. Waa wax aad looga xumaado. Waxaan hadalkayga kusoo koobayaa tixdan Gabayga ah..

 

Talo xumo todoba jeer nin falay

haatanna u taagan

Oo aan naftiisa u turayn looma taag helo e

Nin tashiga tolkii aan ka maqal

tabarna keenaynin

Oo aan wax taaryoonkarayn looma taag helo e

 

Taag malaha aadmiga ninkii tawstu qabataaye

Taah gaban ah baa loo dhintaa taabashada mawde

Inkastoo qardhaas lagu toxoo culimo loo tuunsho

Haddii mawdku kugu taagan yahay looma taag helo e

 

Tuun tuunka xoolaha ninkii taabka loo geliyo

Tallaabaduu dhaqaaqaba hadduu tiro macaashaayo

Isagoon tartiib dhaqanin buu taajiraa subaxe

Haduu khayrku kugu soo tacjilo looma taag helo e

 

Taw tawle aan edeb lahayn lagu tilmaan ceebe

Tuunkii la joogaba hadduu faan ka tirinaayo

Ninka hadalku tuumaajka yahay looma taag helo e

 

Hadduu wiil tallaabada xarago temeshle tiicaayo

Oo toosan inan doono oo tiriyo maalkiisa

Haddaan meherka lagu soo tixgelin looma taag helo'e

 

Tuko lagama karo wiil ibleys turub u qaadaayo

Inkastoo tikaab iyo quraan lagu tiraabaayo

Haddaan toobad lagu soo alhumin looma taag helo e

 

Haddii naagi tiirkay fadhidey loogu tegi waayo

Inkastoo tib weyn lala dhacoo tumaha loo qaado

Waa tacallin ay baratay oo looma taag helo e

 

Ninkii tiisa kaa buuxsadoo taadana aan yeelin(Cadde Muuse )

Oo maalintuu toogo rabo kuu tol noqonaaya

(Cadde Muuse )

Oo maalintaad taag xun tahay kaaga taga hawsha(Cade Muuse)

Cadowgaan turriinshaha aqoon looma taag helo e (Cadde Muuse)

 

Tiiraanyo iyo ciil ninkii tahan madoobaaday.

Mar haddaanu tumaatiga wadnaha tahar wax dhaafsiinin

Oo aanu xumaanta iska tirin looma taag helo e

 

Waxba gabaygu yuu ila tegine waxan kusoo teeday

Tabaalada aduunyadu ka fudud taayir neefsaday e

Ilaahay ninkuu toosiyaa taawilaad hela e

 

Tii eebbeheen waxan ahayn toogo lagu waaye

Waxba hay tetebin Yuusufow taranku meesheede

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Oo waa sidee sowtan reer maakhirland Puntland iyaguna weeray.

 

Walee goor baas buu Cabdullahi Yusuf wiilashii iyo dhuuxii Puntland kasaaray oo baabiyey kursi jacayl awgeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Red Sea, abti adigu waxa laga yaabaa inaad si kale wax u aragtid. Abdillaahi anniga iyo inta ila mid ah wuxuu u yahay Geesi,Halyeey,nin rag ah oo mar la arag ah. Haddaan awoodana anigu waxaanba u dhisi lahaa taalooyin dahab ah. Markaa Cabdillaahi halkaasuu ku ammaananyahay. Waxaa iisoo hadhay jaafaa jiriqa ay ka mid yihiin.

 

(1) Cadde Muuse

(2)Af Qudhac

(3)Dabayla Qor

(4)Xaabsade

 

Kuwaasi waakuwa maxkammad lasoo taagi doono. Abdillaahi wuxuu doono ha sameeyee waa nin goáan iyo raganimo leh. Waxna wuu dilaa waxna wuu nooleeyaa. Taasina waa rag iyo caadadiis !

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaan u malaynayaa in difaaca Laascaano ayay Cade heybtiisa dhabarjab ku yihiin. Waa kan iyaga shacabka madaafiicda u qaatey.... Waanu eegi doonaa cida wax ka dheefta... Ragii Majiyahan ayaa la rabaa in been been lagu soo xiro.

 

Ala yaa u sheega inaan la joogin waqti aarsi la sameeyo. oo ay iyagu guul kasoo daadihin doonin.

 

"Allahayow eexna hanooga tagin aqoondarina hanagu cadaabin”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this