Sign in to follow this  
Cowke

Garowe: Puntland Vice President Opens New Ethiopia Consulate. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

GAROOWE: M/kuxigeenka Puntland oo Maanta Xariga ka Jaray Safaarad ay ku Yeelaneyso Dowlada Ethopia Puntland.(SAWIRO)

 

Posted to the Web May 29, 08:33

 

Garoowe: (pp)- waa markii ugu horaysay ee dowlada Ethopia ay safaarad ka furato deegaanada puntland waxaa maanta xarunta wasaaradda haweenka iyo arimaha qoyska dowlada puntland lagu qabtay xaflada balaaran oo xariga looga jarayo safaarada cusub ee Ephopia ay ku yeelaneyso deegaada puntland gaar ahaan caasimada puntland ee Garoowe.

 

Musaasamadaan xariga looga jarayo safaarada ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowlada puntland gaar ahaan madaxwayne kuxgeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire xubno ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka,Odayaal dhaqmeedyo, wasiiro ,xunbo ka socday dowlada Ethopia iyo qaybaha kala gadisan ee bulshada rayidka.

 

Mr Asmalaash oo ah madax qusiliyada u fadhiya Ethopia dalka somaliya, ayaa halkaas ka oo jeediyey warbixin iyo hambalyo uu uga wado Dowlada Ethopia puntland madaxdeeda sare, waxaana uu sheegay in safaaradaani ay tahay tii ugu horaysay ee laga furo deegaada puntland oo ay leedahay Ethopia taas oo wax wayn ka qaban doonta xiriirka labada dal ka dhexeeya gaar ahaan xiriirka dibada iyo ganacsigaba.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay mr asmalaash in munaasamadaan lagu xusayo doorashadii afraad ee ay ku guulaystaan xibiga talada haya ee RDPF taas oo si dimuquraadiyada uga dhacday dalka Ethopia, isagoo sheegay in ay u hambalynayaan guulaha laga gaaray doorashada dalka itoobia ka dhacday.

 

Wasiirka qorshaynta iyo iskaasha Caalamiga Daa'uud Maxamed Cumar ayaa makarafoonka ku soo dhaweeyey Madaxwayne kuxgeenka ahna sii hayaa xilka madaxwaynaha puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa si rasmiya xariga uga jaray munaabamadaan lagu furayo safaarada Ethopia ay ku yeelaneyso deegaanada Puntland gaar ahaan Caasimada Garoowe waxaana uu M/kuxigeenka intaas ku daray in madaxda dalka Ethopia ay uga yimaadeen fariimo isugu jira hambalyo iyo salaamo ayna taas mid leeg ay u dirayaan.

 

dhanka kale waxaa uu M/kuxigeenku sheegay in safaaradaani ay wax wayn ka qaban doonto xiriikii isku socodka safarada dalka Ethopia iyo puntland oo ah laba dal oo xiriir wanaagsan ka dhexeeyo taas oo ahmiyad u leh shacabka reer puntland oo horay ugu dhibtoon jiray iney si fudud u galaan dalka Ethopia.

 

M/kuxieenka Puntland ayaa sidoo kale hambalyo u diray shacabka reer Ethiopia gaar ahaan xisbiga talada ku guuleystay oo si dumuqraadiyada uga hir galiyey Ethiopia doorasho xora ah, taas hogaamin doono Melan Sanawi oo ah nin wax wayn kala socda xaalada soomaliya.

 

Ugu dambayntii M/kuxigeenka ayaa kormeer ku tagay xarunta safaarada cusub ee maanta xariga laga jaray isaga oo ay si wayn ugu soo dhaweeyeen xubno ka tirsan masuuliyiinta Dowlada Ethopia u fadhiya Safaarada gaar ahaan Mr Asmalaash oo ah madax qusiliyada u fadhiya Ethopia dalka somaliya.

 

Siciid Cabdisalaan Siciid

Wakiilka Puntlandpost-Garoowe

E-mail loole15@hotmail.com

 

5.jpg

 

1.jpgDARWISHMAN With Ethiopia Flag :eek:

 

2.jpg

 

3.jpg

 

4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Garoowe:(Allpuntland)-Dawlada wadanka Ethiopia ayaa maanta si toos ah waxay magaalada Garoowe ee Caasimada dawlada Puntland ka furatay Qunsuliyuad rasmi ah oo ka shaqeyn doonta xiriirka labada dhinac & sahlida howla Ganacsi,Safar & wadashaqeyneed ee labada xukuumadood,waxaana ay Ethiopia ku dhawaaqday inay safaaradani waxbadan oo shaqo ah ka qaban doonto caasimada Puntland.

 

furitaankii Safaaradan oo ay kasoo qeybgaleen wasiiro badan oo kasocda dawlada Puntland & Madaxweyne xigeenka Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed,ayaa waxaa sidoo kale joogay safiirka cusub ee Ethiopia u joogi doona Puntland & saraakiil sar sare oo katirsan wasaarad Arimaha Dibada ee dawlada Ethiopia oo safaradan sida toos ka ah u furtay.

 

Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah ee dawlada Puntland ayaa kamid ahaa wasiiradii maanta Xafladii furitaankii safaradan hadal kooban kasoo jeediyey,wuxuuna sheegey in Shacabka reer Puntland ay aad u anfici doonto safaarada Cusub ee ay Ethiopia ka furatay magaalada garoowe ee Caasimada Puntland,wuxuuna sheegey in uu rajeynayo inay waxbada ka badai doonto xiriirkii labada dhinac ayna fududayndoonto dalkugalka Ethiopia oo imika ay aad u adagtahay in lahelo.

 

Safiirka uqaabilsan Ethiopia deegaanada Puntland ayaa isna halkaas ka hadlay,wuxuuna sheegey inuu salaan khaas ah uu shacab weynaha & dawlada reer Puntland uga wado Wasiirka Arimaha dibada ee wadanka Ethiopia Atto,Siyoum Musfin & madaxda wadankaas,waxaana uu sheegey inay madaxdaasi ay ku faraxsan yihiin furitaanka safaaradan,wuxuuna sidoo kale safiirku sheegey in ay Ethiopia markasta wanaajinayso xiriirka reer Puntland & iyaga ka dhaxeeya.

 

Madaxweyne Xigeenka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed isla markaasna ah kusimaha madaxweynaha Puntland Gen,Cabdisamed Cali Shire ayaa isna maanta xafladaas ka hadlay,waxaana uu sheegey in Puntland ay ku faraxsantahay in safaarada oo si rasmi ah xariga looga jaray,madaxweynuhu wuxuu sheegey in ay Salaanta ay soo direen madaxda Ethiopia mid lamid ah u dirayaan,wuxuuna u hambalyeeyey xisbiga E.P.R.D.F oo dhawaan markale ku guulaystey doorashadii Ethiopia isla markaasna u dabaaldagaya sanadkii 20-aad ee kasoo wareegey waqtigii ay xilkan ka qabsadeen maamulkii ka horeeyey oo ay si awoodi ku jirto uga qaadeen talada wadanka Ethiopia.

 

Xaflada oo bilowgeedii hore ay ka dhacday Aqalka wasaarada Qorsheynta ee Puntland,ayaa dhamaan madaxdii kasoo qeybgashay xaflada & shacab weyne aad u badan waxay lug ku tageen Aqalka safaarada ay Ethiopia ka dhigatay halkaas oo uu madaxweyne xigeenka Puntland xariga ka jaray,waxaana ay Ethiopia labadiisano ee u danbaysay saraakiil dhanka amaanka ahi u joogeen magaalada garoowe ee caasimada Puntland,balse maanta ayey si rasmi ah ugu dhawaaqday inay safaarad ka furatay caasimada Puntland ee Garoowe.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland sold its pride and dignity to ethiopia for cheap. the funny thing is your "Ceeb" should be hidden not praded out there in the streets like its independance day :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Che, worry about the ugandans and burundis in mogadishu sxb instead of somaliland iyo puntland which is far far away from your imaginations.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Che, there is many dh.abo!!!!!f in mogadishu why do you think there is always foreign troops there?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che Puntland is a regional state and has Diplomatic ties with The federal republic of Ethiopia,i dont see any problem with that , how ever you confuse Ethiopias political influence in the puntland state with Dhab11ifnimo , and there is also mutual interest like security and commerce

Good for puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaji, indeed ethiopia offers puntland something che and his folks can't so i don't even know why his crying.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Che, and how is mogadishu any different? atleast puntland is smart enough not to invite troops to destroy their own cities, you see it's all about politics puntland gets more working with ethiopia rather than the useless TFG don't blame puntland blame somalia and sheikh shariff for being a weakling and falling their people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this