Sign in to follow this  
Duufaan

NEW BOAT SCAPED HIJACK

Recommended Posts

Duufaan   

SAVAGE OR EVERYONE WANT TO BE RICH FASTER,THE NEXT DAYLAF?.

 

IN FACT A DAYLAF BOAT WITH SUGAR AND RAISE IS RIGH NOW IN THE PUTLAND COAST TO MODISHO AND MARKA. IT LEFT THREE DAYS AGO ABUDABEY ACCORDING TO A RELATIVE BROKER IN ABUDABEY.

 

 

Markab Bariis ku dajiyey Dekadda Ceel Macaan oo ka badbaaday afduub

 

July 10, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Markab Bariis ku dajiyey Dekadda Ceel Macaan ayaa ka badbaaday afduub ay la damacsanaayeen kooxa ka tirsan burcada badda oo ku weerartay xeebaha Soomaaliya.

 

Markabkan oo Bariis dhawaan ku dajiyey dekadda dabeeciga Ceel Macaan ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ka badbaaday afduub ay la damacsanaayeen kooxaha loo yaqaan burcadda Badda oo ku weerartay inta u dhaxeysa xeebta deegaanka Xarardheere iyo Hobyo.

 

Burcadaas ayaa Markabkaas waxaa ka badbaadiyey ciidamada Badda ee Mareykanka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya oo adeegsanayey diyaaradaha Helkopter-ka ah islamarkaana ay rasaas is weydaarsadeen kooxihii burcada ahaa iyo ciidmada Mareykanka sida uu HornAfrik u sheegay Guddoomiyaha Dalladda bahda Badda ee Banaadir C/raxmaan Xuseen Cabdi “Kooliâ€.

 

Khubaradan ku xeel dheer arrimaha badda ee dalladaas ku bahoobay ayaa sidoo kale sheegaya in khtarta afduubka Maraakiibta ee xeebaha Soomaaliya isticmaalaya ay sii kordheysa gaar ahaan gobolada dhaxe ee dalka.

 

Khubaradaas oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa uga digaya Maraakiibta ganacsiga ee isticmaalaya xeebaha Soomaaliya burcada badda ee afduubka u geysaneysa Maraakiibtaas. Waxayna u soo jeediyeen in ay ka fogaadaan xeebaha Soomaaliya.

 

Burcadan badda oo Laba Toddobaad ka hor afduub ku heysta Markab u rarnaa hey’adda WFP oo raashin macaawino ah u siday magaalada Boosaaso ayaa weli waxaa soconaya dalaalo la doonayo in lagu sii daayo.

 

Markabkan ayaa lagu heystaa xeebta deegaanka Xarardheere iyadoo halkaasna uu dhawaan gaaray wasiir ku xigeenka Gaadiidka Badda iyo dekadaha Xirsi Aadan Rooble oo la filayo inuu u howlgalo sidii lagu sii deyn lahaa Markabkaas oo kooxda heysta ay dalbadeen lacag madax furasho ah oo dhan Laba boqol oo kun oo Dolar.

 

Burcada Badda ayaa laba Bil ka hor waxa ay afduubteen Markab marayey xeebaha Soomaaliya inkasta oo markii dambe ay sii daayeen.

 

Beelaha USCda oo ku filnaaweyday isbaaradii Bariga hadana ku darsaday tan Badda ayagoona qudareynayo tan Cirka

Muqdisho

 

 

 

 

Beelaha USCda oo ah beesha kaliya markii loo fiiriyo aan lagu arkeynin hal qof oo nidaam rabo ama jecel mar uun in uu dalka ku soo noqdo xasiloonida iyo kala dambeeynta ayagoona aad moodid in ay indhaha kala qadeen waxii ka dameeyey rididi Maxamed Siyaad Bare .

 

Hadaba waxaa isweydiin mudan wax ay ku noolaan jirey beelaha USCda ka hor bur burkii dalka mase waxaa loogu sheekeyey in aysanba hadii uu qaran dhasho aysan wax helynin oo risaaqadii ilaahay siiyey ay ku xirantahay qaran la aanta.

 

Bal wax yar u jaleec goobaha ay gacanta ku hayaan Beelaha USCda ka soo bilaaw koonfurta Gaalkacyo markaad soo gaarto waxaad kugu soo dhacaayo in aad aqri joogtid sida ay u bur bursantahay nidaam la´´aanta ka jirto isqadarin la´´aanta ´,ku soco wadada dheer ee aado Muqdisho waxaad arke niman aad isleydahay kuwaan maxaa sidaan ilaahay uga baday oo qoryahaan ay la gaaf waregayaan may ku badashaan camal kale mase waxa ay moodaan in aysanba jirin Aaqiro sidaa doontaan fala ayaaba lagu yiri beelaha USCda mase saan ayeyba moodeen in waligeed loo noolaa jirey .

 

Inta aad socotid wadada dheer waxa meel walba ayaalo Isbaaro ilaa aad ka gaartid Muqdisho mana ku arkeysid meel yar oo indhaha u roon oo aan ka aheyn dhul bur bursan daar la fiiqday iyo meeyd aan la duugin .

 

Isbaarooyinka baryahaan ayaad moodaa in loo badashay xeebaha si marakiibta looga qaado qidmad ayadoona wali beelaha USCda ay qudareynayaan in ayba u sii gudbaan dhinaca Cirka oo wali la layahayba qof dhigto Isbaaro ayadoona la sheegayo in sahmis loo direy dhinaca Cirka

 

 

Isku soo duub isbaarada ay dhaqanka ka dhigteen beelaha USCda oo aad moodid in lagu faanayo ayaa meelaha kale oo Soomalida looga yaqanaa wax xun .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Beelaha USCda oo ah beesha kaliya markii loo fiiriyo aan lagu arkeynin hal qof oo nidaam rabo ama jecel mar uun in uu dalka ku soo noqdo xasiloonida iyo kala dambeeynta

What a bunch of BS. Nomads, this is the other reason of why we have a long way to go in our search for peace and properity. Why would you even generalize a whole population into a despicable rationale as that? Acuudki we never stop. Sxb take those empty words back and try to see the picture as a whole. As I've said before it takes two to tango.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

"What a bunch of BS. Nomads, this is the other reason of why we have a long way to go in our search for peace and properity. Why would you even generalize a whole population into a despicable rationale as that? Acuudki we never stop. Sxb take those empty words back and try to see the picture as a whole. As I've said before it takes two to tango. "

 

sorry, That was self critic made by dayniile.com, after the disappointment the road blocks just increasing in Modisho even the effort of Modisho warlords and business men are trying to remove them. People are not ****** ,, They know how Qanyare and Cismaan Caato became rich. Simply they want do same. Not savage but opportunities. That is human nature.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this