Sign in to follow this  
Xaq

TFG Delays its Offensive Against Insurgents

Recommended Posts

Xaq   

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dib u dhigtay qorshe dagaal oo ay ku qaadi lahayd xoogagga kasoo horjeeda ee ku sugan Muqdisho

http://www.hiiraan.com/news/2010/Apr/wararka_maanta5-9448.htm

Isniin, April 05, 2010 (HOL) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu dib u dhac ku yimid dagaal ay doonayso inay ku qaaddo kooxaha kasoo horjeeda ee ku sugan Muqdisho iyo Gobollada dalka qaarkood.

 

Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Wargeyska Al-sharqal-Awsat oo diiday in magacyadooda la xuso ayaa sheegay in dhaqaale la'aan lasoo daristay Dowladda iyo ciidamada oo aan habeysnayn ay sabab u tahay in dib loo dhigay dagaalladaas.

 

"Waxaan weli la hayn dhaqaalihii loogu talogalay in dagaalka lagu galo, sidoo kale ciidamada ayaan habeysnayn, taas ayaana keentay inuu dib u dhac ku yimaado dagaalkii ay Dowladdu qaadi lahayd" ayay yiraahdeen saraakiisha u hadlay Dowladda Soomaaliya.

 

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay horay u sheegtay in la wareegayso inta badan goobaha ay gacanta ku hayaan xoogagga Dowladda ka horjeeda, kuwaasoo ay ka mid tahay Muqdisho, si ay ammanka u soo celiso.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inteeda badan gacanta ku haya xoogagga Dowladad Soomaaliya ka horjeeda, iyadoo Dowladduna ay gacanta ku hayso in yar oo ka mid ah caasimadda.

 

Saraakiishan u hadlay Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inaan laga tanaasulin dagaalka ay dowladdu ku qaadayso xoogagga kasoo horjeeda, balse la qaadi doono, inkastoo ay ka gaabsadeen inay sheegayaan xilliga la qaadayo..

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this