Sign in to follow this  
General Duke

Nairobi: the lie of the decade debunked, President Yusuf recives huge welcome in Keny

Recommended Posts

_40178138__crowdap300ok.jpg

Baydhab: Madaxweynaha Soomaaliya oo udhoofay Magaalada Nayroobi.

20. december 2008

 

 

Baydhabo(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka dhoofay Magaalada Baydhabo, wuxuuna ku sii jeedaa Magaalada Nayroobi sida ay ku waramayaan warar hoose oo ka soo baxaya Magaalada Baydhabo.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa casumaad ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya, wuxuuna ka hadli doonaa xiriirka labada wadan iyo war dhawaan ka soo baxay Wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya, kaasoo ku aadanaa in ay Kenya madaxweynaha Soomaaliya ku soo rogtay cunaqabateyn Socdaalka iyo xanibida dhaqaalaha ah.

 

Madaxweynaha dawladda Soomaaliya ayaa sidoo kale kula kulmi doona Magaalada Nayroobi masuuliyiinta Beesha Caalamka, oo uu kala hadlayo xaaladaha amaanka iyo Siyaasada dalka Soomaaliya, waxaana lasheegayaa in ay Nayroobi booqasho ku imaan doonaan Madax ka tirsan dawladda Mareykanka.

 

Maamulka Bush ayaa dhawaan sheegay in aysan dhinac ka aheyn Siyaasada Soomaaliya, waxaana lafilayaa in ay Madaxweyne Yuusuf magaalada Nayroobi kula kulmaan Saraakiil ay ka mid yihiin Xoghayaha arimaha dibada Mareykanka ee arimaha Africa iyo Masuuliyiin ay hogaamineyso oo booqasho ku imaan doono Magaalada Nayroobi.

 

Socdaalka uu Madaxweyne Yuusuf ku aaday Nayroobi ayaa daaqada ka saaraya jiritaanka warkii uu todobaadkii hore ku dhawaaqay Wasiirka arimaha dibada Kenya, ee uu ku sheegay in ay Cunaqabateyn Kenya ku soo rogtay Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Where are the clowns who have been opening their mouths these past few days?

 

What happened to the isolation and the sanctions on the President of Somalia.

 

Who can isolate a man who has the largest state as his base and the biggest army, most of the parliment, the judiciary, the police on his side.

 

Yet another day and another obsticle in Yusuf has passed, and eggs on the faces of the easily excitable clan media and their silly toothless warlords

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yuusuf oo iyo wafdigiisii oo si Nabad ah uga Degay Garoonka Nairobi

 

Wafdigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa Gaaray magaalada Nairobi Xarunta Dalka Kenya kadib markii uu barqadii manta ka soo kicitimay magaalada Baydhabo Xarunta Baarlamanka Soomaaliya .

 

Wafdiga madaxweynaha Oo iminka ku sugan hotelka ka mid ah hotelada magaalada Nairobi ayaa waxa ay kulamoi gooni gooni ah ka soconayaan ayadoo la filayo in madaxweynaha uu kulan la qato kaaliyaha arimaha dibada Wadanka Mareykanka Jindayi Freiser oo iyadu la filayo in ay soo gaarto magaalada Nairobi .

 

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxa sidookale la filaya in uu la kulmo Qaar ka mid ah Xubnaha ka socda uru goboleedka IGAD iyo sidookale midowga Africa, waxana Arimaha ugu Muhiimsan ee lagala Hadlidoono ay tahay Madaxweynaha DFKMG Qilaafka u dhaxeeya asada Iyo Rasiisul wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Nuur Cade .

 

In kastoo aan la ogeyn xaalada dhabta ah oo markaasi la filayo in ay kala hadlaan balse wararka intooda badan waxay tilmaamayaan in markaasi madaxweynaha iyo Raiisul wasaraha la isugu keeni doono meel markaasi ay fikirkoda la isdhihi karo waa ay ku wada shaqeyn karaan marka loo eego Qilaafka u dhaxeeya .

 

Sidookale wafdigan uu hogaaminayo madaxweynaha Ayaan jirin wax caqabad ah oo ay kala kulmeen Dowlada Dalka Kenya ka dib Markii hadal dhowaan ka soo yeeray wasaarada Arimaha gudaha Dalka Kenya ay sheegtay in la xanimi doono dhaqdhaqaaqa madaxweyne yuusuf iyo weliba Qoyskiisa .

 

Sikastaba ha ahaatee Waxa la filayaa in madaxweynaha uu shirjaraaid ku qabto hotelka ka uu ka degenyahay magaalada Nairobi kaasi oo uu uga hadli dono Sarafkiisa Nairobi iyo kulamada Beesha caalamka.

 

 

 

Bashiir Salaad Nuur

SBCInternational- Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nairobi, Dec 20 - M/weyne Yusuf & wafti uu hogaaminayo oo gaaray Nairobi, kulama la yeelanaya madaxda dalka Kenya & Maraykanka.

 

M/weyne Yusuf iyo waftigiisa ayaa waxaa ku qaabilay madaarka wasiiro ka tirsan xukuumada iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaaanka dalka Kenya.

 

M/weyne Yusuf oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golayaasha dawlada Somaliya ayaa lagu wadaa in uu wadahadalo la yeelan doono dhigiisa Kenya oo uu martiqaad ka helay, iyo saraakiisha wasaarada arrimaha dibedda ee Marayakanka.

 

Afhayeenka madaxtooyada oo ka hadlay safarka M/weyne Yusuf ayaa ku sheegay in uu la kulmi doono Jendayi Frazer, ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika.

 

Waxaa uu beeniyey cunaqabatayn la sheegay in dawlada Kenya ay ku soo rogtay M/weyne Yusuf iyo caa'iladiisa, uuna sheegay in ay ahayd mid ku kooban uun shakhsi, balse aanay ahayn siyaasadda dawlada Kenya.

 

M/weyne Yusuf ayaa la sheegay in dhawrka maalmood ee soo socota uu ku sugnaan doono Kenya.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ha ha ha...As ever, el Generale--Keep mopping those wreched naysayers on the floor! :D

 

Didn't I say to you, we'll have the last laugh?

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weyne C/Yuusuf oo gaaray Nairobi

 

Muqdisho, Somalia (Calanka.com) 20-Desember-08

 

Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka dhoofay magaalada Baydhabo, wuxuuna gaaray magaalada Nayroobi sida ay ku waramayaan warar hoose oo ka soo baxaya magaalada Baydhabo.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa casumaad ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya, wuxuuna ka hadli doonaa xiriirka labada wadan iyo war dhawaan ka soo baxay Wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya, kaasoo ku aadanaa in Kenya ey madaxweynaha Soomaaliya ku soo rogtay cunaqabateyn xaga socdaalka iyo dhaqaalaha ah.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa sidoo kale kula kulmi doona magaalada Nayroobi masuuliyiin ka socda Beesha Caalamka oo uu kala hadlayo xaaladaha amaanka iyo siyaasada dalka Soomaaliya, waxaana lasheegayaa in ay Nayroobi booqasho ku imaan doonaan madax ka tirsan dawladda Mareykanka.

 

Sikastaba ha haateee Socdaalka uu madaxweyne Yuusuf ku aaday Nayroobi ayaa daaqada ka saaraya jiritaanka warkii uu todobaadkii hore ku dhawaaqay wasiirka arimaha dibada Kenya, ee uu ku sheegay in ay cunaqabateyn Kenya ku soo rogtay Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed.

 

C/laahi Xasan Baliil

Baliilkhan10@Hotmail.Com

Share this post


Link to post
Share on other sites

DQ: Adeer these people live on lies, even all this Al Shabaab hype is a lie.

 

The President is on a roll, this move alone will send shock waves to those against him.

 

We need to get the new PM passed afater that everything will change, these clowns will lose the final battle which is the media.

 

Trust me on this one a grand plan is on order and the nationalist will prevail insha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yusuf oo ka dagay Kenya

20 Dec 20, 2008 - 6:49:14 AM

 

Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta tagay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo.

 

Amaanka magaalada Baydhabo iyo kan garoonka diyaradaha ayaa aad loo adkeeyay intii uusan duulin Madaxweyne Yuusuf, waxaana sugida amaanka iska kaashaday ciidamada DF iyo kuwa Ethiopia.

 

Safarka Madaxweyne Yuusuf ayaa la sheegay inuu salka ku hayo sidii uu kulan ula qaadan lahaa u qaybsanaha wasaarada arimaha didbada ee Mareykanka arimaha afrika Mss. Jandayi Frazer, iyadoo aan la shaacin shirkooda waxa uu ku saabsan yahay.

 

Warar la helayo ayaa sheegay in kulanka Frazer iyo Yuusuf ay qayb ka noqon doonaan saraakiil ka socda IGAD, loogana hadli doono xaaladaha siyaasadeed ee Somalia, gaar ahaan khilaafka madaxda DF.

 

Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Somalia oo ku suganaa Nairobi ayaa soo dhaweyay wafdiga uu hogaminayo Madaxweyne Yusuf iyadoo la dajiyay hotel ku yaala bartamaha caasimada Kenya.

 

Afhayeenka Madaxweyne Xuseen Max'ed Max'ud [Xuubsireed] oo wax laga weydiiyay socdaalka madaxweynaha ayaa xusay inuu yahay mid uu kaga jawaabayo hadal kasoo baxay wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya.

 

Wasiirka arimaha dibada ee Kenya Moses Wetangula ayaa dhawaan sheegay in dalkiisu uu cunoqabteyn xaga safarka ah kusoo rogtay Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf iyo qoyskiisa.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa lagu wadaa inuu booqdo dalka Uganda marka uu dhamaao safarka uu ku joogo Magalada Nairobi ee dalka Kenya, balse ma jiraan wax faahfaahin ah oo laga bixiyay safka Kampala.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this