Sign in to follow this  
Xudeedi

Somalia Celbrates Eid Al-Fitr (Pics) [ Please Add your home-town on thread]

Recommended Posts

Xudeedi   

Dhahar; Governing District of Haylaan Region

 

13b5e0deaf19b06816d21e67ad4e211c_L.jpg

 

Dhahar (SPR): Degmada Dhahar ayaa maanta waxaa looga ciidey si aad u wanaagsan iyadoo dadku intiisa badan ay halmeen ku tukadeen. Shacabka ayaa waxay salaada ku tukudeen meel fagaaara ah oo magaalada dibada uga baxsan iyagoo wajigooda ay ka muuqdaan farxad iyo rayn rayn. Masuuliyiinta ka soo qaybgashay gudashada iidaana yaa waxa kamid ahaa wasiirka xanadada xolaha ee maamulka Puntland Siciid xasan shire,Wasiiriirkii hore ee xananadada xolahaa iyo deegaanka xiligi maamulkii Cade muuse, Cali Jaamac faarax (cali buureed) xildhibaan c/laahi ducaale cali kaar, Taliyaha qeybta sedexaad ee ciidanka S/land Muuse Jaamac Iyo isimo ay ka mid ahaayeen Suldaan C/laahi Saalax Jeenicad, Suldaan Muuse Jaamac Dallf , Suldaan Maxamed C/laahi Cartan, iyo isima kale.

 

Waxaa goobta ciida qudba dheer ka jeediyey Sh. C/laahi Cabdi isagoo umada ku baraarujiyey in ay nimcada ka faa’ideystaan uu ilaah ku manaystey. Kuna shugriyaan. Sheekha ayaa xusuusiyey dadka in ay abaaro badan soo mareen inta aanan xaalufka la joojin, xooluhuna ay baaba’sanaayeen, laakiin maanta ay deegaanada Haylaan oo dhanyihiin deegaano aaran ah.

 

Sheekha ayaa wuxuu ka hadlay arimaha deegaanka Galgala haatan ka socda, isagoo sheegay in ay dowladu Puntland ay odayaal dhaqameedkii nabada ka shaqeynayay ay ganafka ku dhufatey in halkaasi nabad lagu soo dabaalo. Wuxuu sheekhu aad u canaantey dadka howsha buunbuuninaya iyadoo ay tahay bil ramadaan. Sheekha ayaa sheegey in dadka reer Galgala in ay nabad u baahanyihiin, aysana jirin haatan labada kooxood oo ku dagaalamaya in ay ku kala adkaadaan. Isagoo ku tilmaamay dagaalka hadaan nabada la doorbidin in uu meel walba gaaraya oo ay fitnadu socon doonta uguna iman doonta degmada Dhahar iyo meelo ka fogfog. Sheekha ayaa yiri in maanta aysan cidna ku faani Karin in aysan xalka ka shaqeynin oo ay dadku ilaaween xaga kheyrka iyo nabada in loo bato, oo dadka magaalada qaarna kala taageeraan kooxaha ku dagaalamaya Galgala.

 

Sheekha ayaa sheegay nabad galyada magaalada ka Hadley oo sheegay in Dhahar ay ahaanjirtey meel nabad ah, laakiin maanta ay dadku xitaa ilaalo iyo istaaf dadka kala sameystaan, oo maalin walba la is xabadeeyo.

 

Sheekha ayaa sidoo kale ka Hadley arimaha magaalada Muqdisho iyo dhibka ka taagan. Ugu dambeyntii ayaa sheekha duca kusoo gabagabeeyey, ilaahna ka baryey in umada Soomaali uu nabad siiyo, shacabkana fidnada ka badbaadiyo.

 

HALKAN AALAD KALE KU DHAGAYSO

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Former Ministers of Somaliland, Puntland and the TFG from Haylaan region attended Eid Celebration in Dhahar.

 

Click on the link below to listen to a remarkable speach that touches on security, Galgala incident and the development of Sanaag/Haylaan and Western Bari regions.

 

http://www.spr.fm/index.php?option=com_k2&view=item&id=524:daawo-sawirada-sidee-looga-ciiday-magaala da-dhahar&Itemid=121

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Qardho; Governing Region of Karkaar Region

 

Munaasabada ciidul fidriga ayaa saaka si weyn looga xusay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, dadweyne aad u faro badan ayaa isugu soo baxay fagaaraha weyn ee lagu oogo salaada ciida sanad kasta.

 

Shacabweynaha magaalada Qardho ayaa igu hambalyeeynayay ‘Ciid Wanaagsan’ iyo “Ciid Mubaarak”, waxaana masalaha ciidul fidriga dadka kula tukaday saakay gudoomiyaha degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise, iyo Gudoomiyaha gobolka Karkaar C/quraan Maxamed Aadan.

 

Duqa degmada ayaa u gudbiyay shacabka reer Qardhood salaan uu uga sido, Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo ku xigeenkiisa C/samad Cali Shire, Duqu wuxuu sidoo kale u iclaamiyay dadweynaha magaalada Qardho labo maalmood bishiiba in la qaado olole uu ugu magac daray ‘ Xoojinta nadaafada ‘.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Xingalool; Haylaan Region

 

DSC03281-300x225.jpg

 

Dadweyne aad u fara badan oo ku dhaqan Degmada Xingalool ee gobolka Haylaan ayaa saaka u dareerey goobaha loogu tala galey in lagu guto salaada Ciidda barakeysan e Ciidul Fidri kadib markii xalay ay ka dhalatey dunida Muslimka intiisa badan bishii shacbaan lagana arkey gobollada soomaaliya intooda badan, waxaana maanta ciiddu kaga duwaneyd ciidihii hore in dadweynuhu ay si mideysan u ciideen oo aanu jirin wax khilaaf ah.

 

Masalihii lagu tukanayey salaada ciidda ayaa waxaa ka dhex muuqaneyey inta badan waxgaradka magaalada sida Isimada dhaqanka, culimaa’u diinka, ganacsatada siyaasiyiinta iyo waliba masuuliyiinta deegaanka, waxaana goobta hadallo wacyi galin iyo baraarujin ah ka jeediyey qaar ka mid ah masuuliyiintii kasoo qeyb galay salaadda ciidul fidriga ee Maanta.

 

Dadweynihii soo xaadirey masallaha ayaa isugu hambalyeynayey ciida iyaga oo salaan iyo ducoba is weydaarsanayey waxaana laga dheehan karayey wajiyadooda farxad iyo waji furnaan, waxaa culimada deegaanku ay umadda ugu baaqeen in la is cafiyo oo aan caloosha waxba la isugu hayn iyagoo ku baraarujiyey in dadweynuhu uu ka wada shaqeeyo amniga iyo xasiloonida Degmada Xingalool.

 

Gaba gabadii salaada ayaa waxaa magaalada dhexdeeda ka muuqaneyey dadweyne maanta si fiican u labisan iyo caruur iyagu muujinaya farxad isla markaana ku ciidaya qalabka caruurtu ay ku ciyaarto iyagoo qaar ka mid ahna ay gacanta hayaan waalidkood.

 

Goobtii Ciidda lagu tukanayey oo ay booqasho ku tageen qeyb ka mid ah wariyeyaasha webka XingaloolNews ayaa waxay kasoo qaadeen sawirro muujinaya sida looga ciidey Degmada waxaana dadweynaha ka muuqaneysey farxad iyo reyn reyn iyaga oo ku faraxsan ciidda ay shacabweynaha deegaanku ku mideysnaayeen.

 

Daawo Sawirrada Ciidul Fidriga ee Degmada Xingalool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Boosaaso, Governing Distric of Bari Region

 

September 10, 20106 comments| leave your own!

Share Iyadoo ay maanta ku beegantahay munaasabada Ciidul Fidriga isla markaana laga wada ciidayo dunida Islaamka ayaa waxaa si weyn looga ciiday magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga ee Puntland.

 

Barxad weyn oo ku dhow xarunta Madaxtooyada ee duleedka Bari ayaa maamulka gobolka Bari xalay shaaciyeen in lagu tukan doono, iyadoo halkaas ay saaka ay isugu yimaadeen dadweyne iyo masuuliyin ka tirsan Dawladda Puntland.

 

Sanadihii hore waxaa lagu tukan jirey garoonka kubadda cagta halkaas oo ay isugu imaan jireen dad boqolaal ah, waxaana ay dadku isweydinayeen sababta keentay in halkaas laga bedelo.

 

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire, Wasiirka arrimaha gudaha Gen.Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajiir, Wasiirka amniga Puntland Gen.Yuusuf Axmed Kheyr, Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka Eng.Siciid Maxamed Raage, Wasiirka Maaliyadda Faarax Cali Shire, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada ayaa goobjoog ka ahaa goobta lagu tukanaayay oo ah meel dhowr talaabo u jirta xarunta Madaxtooyada Boosaaso.

 

Dhegayso Khudbadii Madaxweyne ku xigeenka Puntland munaasabadda ciidda ka jeediyey

 

 

Podcast: Play in new window | Download

 

 

Ciidan badan oo ka tirsan kuwa Amniga ayaa goobta ilaalo ka haysay iyadoo dadkii oo dhan baaritaan lagu sameeyey, waxaana sidoo kale wadooyinka magaalada la dhigay ciidamo badan.

 

 

Culimaa’udin uu kamid yahay Sheikh C/risaaq Xuseen Ciise ayaa ugu horeyn halkaas ka hadlay iyagoo ku dheeraaday muhiimada ay lahayd Bisha Ramadaan oo maalinimadii shalay ku ekayd, waxaana ay sidoo kale dadka ku wacyigeliyeen in ay marka ugu horeysa Alle ka cabsadaan.

 

Shiikha ayaa ka codsaday maamulka Puntland in wacyigelin loo sameeyo Ciidanka oo loogu tego xeryahooda, isagoo sheegay in culima’udinka ay arintaas diyaar u yihiin.

 

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire oo ku hadlaayay magaca Dawladda Puntland iyo Madaxweynaha Puntland ayaa isagu goobtaas ka hadlay gaba gabadii.

 

Wuxuu ka hadlay Gen.Cabdisamad xaaladaha amni ee ka jira degaanada Puntland iyo Soomaaliya guud ahaa, isagoo sidoo kale ka hadlay dagaaladii Galgala oo uu sheegay in Puntland ay kusoo duuleen kooxo Argagaxiso ah.

 

Gen.Cabdisamad ayaa xusay in Dowladda Puntland ay mar weliba ka shaqaynayso amnigeeda isla markaana la dagaalamayso cid weliba oo khal khal ku haya amaanka.

 

Salaada Ciida ayaa intaas kadib la guda galay iyadoo uu salaada tujiyey Guddoomiyaha gobolka Bari Sheikh Cabdixaafid Cali Yuusuf.

 

Masaajidada kale ee ku yaalla magaalada Bosaaso ayaa sidoo kale lagu tukaday Salaada Ciida, iyadoo sidoo kale gobolada kale ee dalka Soomaaliya si maanta weyn looga ciiday.

 

Cabdisalaan Axmed Shire

Horseed Media

Bosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this