Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Barre Hiiraale Takes Over Beled-Xaawo

Recommended Posts

Baladxaawo: (Sh. M. Network) Ciidamadii uu hogaaminayay Xildhibaan Bare Aadan Shire Bare Hiiraale aya goordhaweed waxaa ay dagaal kula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Baladxaawo oo mudo ku dhawaad sanad ay maamulayeen Al Shabaab.

 

Wararka ka imaanay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo waxaa ay sheegayaan in gacan ku haynta degmadaasi ay la wareegeen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan dowladda KMG ee Soomaliya iyaadoo Magaaladaasi laga saaray ciidamda Al Shabaab ee dagaalka lagalay kuwa dowladda.

 

Ina la’ogyahay 3-ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen oo sida la sheegay dhinacayadii dagaalmayay ah, waxaana jira qasaarooyinka kale oo soo gaaray dadka rayidka aha ee lagu duldagaalmay.

 

Ciidamda dowladda KMG ee Soomaaliya ee xalay weerarka ka soo qaday degmada Dooloow ee gobolka Gedo watana gaadiidka dagaalka ayaa waxaa ay si buuxda ula wareegeen Xarumihii muhiimka ahaa ee Shabaab ay kaga sugnaayeen degmada Baladxaaawo gaar ahaa Saldhiga iyo Xarumihii kale ee Degmada Baladxaawo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Al-Shabaab oo laga saaray magaalada B/xaawo

Oct 17,2010

by Nairobi GedoNet News

Waxaa aroortii hore uu dagaal ka dhacay magaalada Belex-Xaawo ee gobolka Gedo, dagaalka oo u dhexeeyey xarakada Al-Shabaab iyo ciidamo kale oo ku socda magaca dowlada KMG ah oo ay hogaaminayaan saraakiil iyo xildhibaano ka tirsan dowlada ayaa warar sugan waxay sheegayaan in magaaladu ay gacanta u gashay ciidamo kasoo duulay magaalada Doolow.

 

Dagaal saaka aroortii hore la isaga horyimid daafaha magaalada ayay u suuro gashay ciidamo uu horkacayo Col. Barre Hiiraale inay gacanta ku dhigaan magaalada B/Xaawo.

 

Barre ayaa meel fagaare ah dadweynaha magaalada ugu khudbeeyey dabadeedna u sheegay inaysan jirin cid si toos ah loogu dan leeyahay dadkuna ay isdajiyaan.

 

Khudbadaas gaaban ayaa timid markii magaaladu ay gashay khal-khal gaaban oo magaalada shacabka ku nool hareeyey.

Dagaalka u dhexeeya labada garab waxaa naloo sheegay inay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 9 qof oo labada dhinac ah inkastoo aan la xaqiijin in shacab ku jiro iyo in kale.

 

Xarakada Al-Shabaab ayaa si awood ah looga saaray magaalada lama sheegin goob ay ku sugan yihiin ilaa iyo hadda, iminka oo aan xiriir la samaynay magaalada B/Xaawo ayaa naloo xaqiijiyay in magaaladu ay haatan degen tahay.

 

Warar dheeraad ah ayaanu raadinaynaa ee wixi war ah ee kasoo kordha gobolka kala soco Gedonet.

 

Maxamed Jaamac Faarax-Barre. GedoNet News-Desk Nairobi. gedonetnews@gmail.com

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Gabbal, warka xiisaha leh eed si ula kac ah uga tagtay waa in xoog & hub Ethiopian lagu qabtay B/Xaawo. qof kale oon u dhuun daloolin Gedo waa loo cudurdaari lahaa, lakin runtu waa from waqtigii SNF'ta ina Xaaji Masalle ilaa maanta awood xabashi uun beey dagaal oogayaashu isticmaalayaan, kii ugu dambeeyey waa tay iyagu ku xireen Dooloow!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Abu Mansuur Rooboow isagu ma berri buu ka yahay taageero shisheeye? Teeda kale taageerada ee helayaan ciidamada hawshaan fulin doono inshallah waa mid ka timid kana socoto African Union gaar ahaan AMISOM oo cuskanaysa Qaramada Midoobe. Xoog xabashi meeshay ka muuqato adigu ku og.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Muslim shisheeye nagama aha!, lakin your love to the UN is noted, qoraal kale ood Rahima ku lahayd: 'Maad UN u shaqysid, UN'tu adoo kaleey u baahantahay'!! baan la yaabanaa!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Yam-yam, alle hau naxariisto, baa waa gabay u kala dardaarmayey hogaamiye kooxeedyada iyo hungurigay u qabaan joogooyin sare ku yiri "maalmahaas gudbe". Maanta awoowe marxalad adag baa jirta, fara gelin shisheeye iyo waxaad lasoo shirtagtay gudbe, "maalmahaas gudbe".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Although I like to see the back of Alshabaab anyday, the return of warlord era to Somalia is not good at all, the likes of AbdiShurkri and Hiraale's movement is a warrying trend and yet again a dark start for the country.

 

Wuu qabsaday Balad Xaawo, bal sug aragnee Alshabaab rogaal celiskooda iyo inay wax meesha kuhayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saxib problem is that most towns are so small that you can take over within a day, something that is impossible to do in lets say Mogadishu. Thats why we see this tit-for-tat captures of areas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Gallad:

Kacdoonkii shacabka Gedo iyo Juba hada ayu toos u bilowday.

Not sure how this effects you, after all you are minority in both regions.

 

Hiiraale has landed at last, with the Gas lets see how far he goes, I feel for the poor people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this