Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ku dhalinyarada Guurdoonka'ah

Recommended Posts

Intaadan Falin ka fiirso!

 

Bismilaah raxmaani raxiim.

 

Alxamdulilaah wasalaatu wasalamu calaa rasuulilaah.

 

Waxaan ugu horeen umahad celinayaa walaalahay khadijahome iyo shaqada weyn ay u hayaan walaalaheena talo doonayaasha ah. Waa nicmad ilaahay nagu galadaystay mahadeedana mudan. Alxamdulilaah.

 

Waxaan aad u jeclahay in walaalahayga dhalinyarada ah ee doonaya mustaqbal wanaagsan iyo qofkay la wadaagi lahaayeen jacayl baaxad weyn. In ay si sahlan u helaan noloshaas.

 

Markaan in badan dhuuxay su’aalaha talo doonayaasha waxaa iiga soo baxday hal cilad oo soo laalaabanaysa markasta qofkastana raadinayo.taasoo ah KAFIIRSASHO LA’AAN!

 

Sida aynu wada ognahay wax walbo waxay leeyihiin ka hor tag arin walbo inta aan lagu dhaqaaqin waxay ledahay in laga fikiro wax kasta oo ka imaan kara, waxana ugu daran Guurka oo runtii ah mid aad u culus.

 

Wiilka iyo Gabadha dhex marayo xiriir iskuna afgaranaya guur waxa la gudboon mid walba in uu qofka kale u eego si xeel dheer! Waxaan uula jeedaa in uu qof walbo eego maxaa ka iman kara arintiina? Maxay waalidku oran doonaan? Calafku waa mid qoran oo meeshiisa yaalee arintan malagu najixi doonaa? Waxaa muhiim ah in su’aalahaas iyo ka badanba la is waydiiyo inta aan la isku furin labada qalbi inta uu qofwalba u fiyow yahay qalbigiisa oo dhaawac soo gaarin.

 

Gabadhu way garanaysa waalidkeed iyo waxa ka iman kara sidoo kale wiilkana, marka waxa muhiim ah in miisaan la saaro inta waqti kaa lumin wareerna kula soo darsin.

 

Hadaad dareemaysid in wiilkan laguu ogolaan doonin ama gabadhan laguu ogolaan doonin waa in aad ka ganacdaa, waayo maxamili karto naftada yar buuq iyo carqalad kama samri kartid qofkan aad jeclatay kamana go’i kartid waalid kii ku dhalay hadaba dhibkaas oo dhan waa in aad ka sii gashaamataa oo tilaabo kasta inta aadan qaadin doonataa Taladeeda ma ahan in aad talada doonataa oo kaliya markaad lugaha la gashay oo xaaladu qaraaraato ee waa in aad marka hore si aad ah uuga fikirtaa..

 

Qof walba wuu ogyahay qofka u qalma guur ahaan, Diin, akhlaaq, dhaqaalo, da’ (nasab: sida somalidu ku dhaqanto), waxan nasab ahayn maba garanayo aniga oo dadku waa Hal kawada yimi aadam iyo xaawo!.

 

Waxaan leeyahay gabar walbo qalbigaaga xifdiso oo (sawir /Aragti) ka qaado wiilka aad doonaysid reerkiinana doonayaan, waa in labadaa arin iswaafaqaan. Waxaase dhacda marmar waalidku in uusan ahayn kuwo diin leh oo canaad badan qofkaad dooratayna asagoon wax cilad ah lahayn isaga sanifa ama qabiil ama wax kale, markaana xal baa loo baahan yahay iyo caqli inaad adeeg sato, tusaalo ahaan haday taasi dhacdo ood ku dhahdid aniga waan idin maqlayaa balse mid ogaada qofkan hadaad ii diidaan ma doonayo guur, ama inad dhahdid miyaad ku farxi lahaydeen maanta in aan noqdo qof suuqa isaga jirta idiinna keento ilmo aan wax dhalay la aqoon?! Dabcan waalidka marka sidaa loola hadlo ayadoon lagu qaylineen dad eedaysanna laga dhigayn way fikirayaan waxayna oganayaan caqligaaga heerka uu gaarsiisan yahay iyo inad hormarkaaga ka fikiraysid iyo sharaf tooda iwm.

 

Waxaan leeyahay wiilka doonaya inuu guursado waa in ay marka hore meel uugu qoran tahay gabadha uu doonayo waa mid sidee ah, inay gabadhaas ahaataa mid raali galisa waalidkay oo ay farxad ku qaabilaan, waxaa hubal ah in waalid kasta uu ilmahiisa la doonayo wanaagooda iyo hormarkooda oo maanta qofkii fiican ee loo keeno uusan diideyn balse mushkiladu waa anaga oo marka hore ku dag dagna doorashada anagoon ka fikirin maxaa ka iman doona, mideeda kale waxaa ogataa in aad laba reer isku xireysid oo ay isa soo dhex galayaan marka waxaa muhiim ah in labada reer ay is fahmi karaan isu dhaqan dhow yihiin dad ku haboon inay xididi karaan inay yihiin, ma ahan oo qura in aad naftaada ka fikirtid iyo qofkan inad jeclatid nolosha kuma koobna labadiina oo is fahma kaliya sida ay aamin sanyihiin dhalin yaro badan, ogow ilmahaaga waxay yeelan abtiyaal adeero habaryaro iyo eedooyin labo awoow iyo labo ayeeyo haday wada nool yihiin, marka waxaad noqon doontaan reer weyn gurigiinana wuxuu noqon doonaa mid lagu wada kulmi doono la isku soo booqan doono, marka waa in aad arimahaas ka fikirtaa si nolosha sacaadadeeda ay iskugu kaa dheli tirnaato, adigana aad u faraxsanaatid reerkiinana ay u faraxsanaadan.

 

Si aad arimahas oo dhan uuga gaashaamatid hagaaji ikhtiyarkaga qofka aad nolosha la wadaagaysidna ha noqdo mid lagu farxi doono marka reerka uu soo dhex galo.

 

Ma ahan reerkii ku dhalay oo ilaa intaa ku soo la ekeesiiyay in aad ka go’do oo qof aad shalay baratay barina ku nici kara uuga go’do, mana ahan qof maskiin ah in aad lug goyso oo qalbigiisa dhaawacdo ee in badan hala fikiro hana laga fiirsado Guurka.

 

waxaa iigu yaabka badan ee dhalinyarada ka dhaca waxaa ka mid ah, kuwa isku barta internetka oo ku heshiiya guur! Mudo kadibna isku kaca oo kala taga ama is fura, amaba ay gabadhii dhahdaa wiil baan aad u jeclahay aanan aqoon oo ka bartay enternetka ama wiilku sidaa oo kale dhahaa, amaba sida dhacday qofka kale uu la xiriirayo uu qiyaanaa oo uusanba ahayn qofka uu ku riyoonayay!

Arintaa ka gaashaanta waxaa su’aal ah sidee u aaminee qof aadan aqoon arag cid garanaysa xattaa aadan garanayn ood u aaminee hadalkiisa ama sawir uu kuu soo diray oo aad sida uugu siinaysaa hogaankaagii? Qofkan siduu kuula dhaqmi doonaa ama uula dhaqmi doonaa reerkiina? Ileen magaranaysid dhaqankiisa iyo dabeecadiisa. Mideeda kale waxaa hubaal ah in aad wiilal badan garanaysid ama gabdho badan kuwaasoo ama daris tihiin ama iskuulka isla dhigataan, ayaga miyay kuwada qancin waayeen marka aad ka raadsanaysid enternetka qof? Dabcan maya, waxaa dhacda marka horeba inadan arintaa ku fikireyn ee uu si fudud kuugu soo galay kadibna kuuwu waynaaday, hadaba gabar yahay fikir oo aad uuga fiirso mustaqbalkaaga oona ogow qofka culeeska ku soo kordhayo waa adiga qofka dhaliisheedu badantahay waa adiga qofka sharafteeda wax loo dhimayo waa adiga, qofka looga tagayo caruurta dhalan doonta waa adiga ee inbadan ka fiirso qofka aad guuranayso, qalbigaagana yuusan ahaan mid si sahlan lagu galo waxaad tahay jowharad aan banaanka laga heli karin ee ha is dhigin banaanka.

 

 

Waxaan leeyahay gabdhaha caadada ka dhigtay in ay shiriyaan wiilasha oo marba mid dhinac kala sheekeesta waxaas ka tanaasula waa damiir xumo waa sharaf dhac waa dulmi, hadaan su’aal ku waydiiyo ma jeceshahay wiilasha kula dhashay in ay gabdho lug gooyaan oo ay qiyaaneyaan? Haddii maanta walaalkaa kuula yimaado arintaas oo ku dhaho gabar ayaa sidaa ii gashay maxaad dareemi lahayd? Hadaba ogow wiil walba gabar ayaa la dhalatay kana guban doonta falka u gesatid walaalkeed. Mideeda kale sidaan kuu sheegay waxaad tahay jowhar sideeba sahal qofkasta kuugu heli karaa ?

Qofkii kula soo xiiriiraa oo ku dhahaa wanku jeclahay miyad iska aaminaysaa? Maya iskama aaminaysid ee waad iska baranaysaa qofkan ma yahay qof kuu qalma qof qanciya waalidkaa oo ay raali kaga noqon doonaan, markaad jawaab u hesho su’aalahaaga ayaad jawaab siin kartaa, jawaabta aad siinaysidna ma ahan inaad dhahdaa Ok, wanku jeclahay anigana oo aad xiriir dheer la yeelato meel kastana u racdo ,No, ma ahan sidaa meel aad u raaci karta haba yaraatee maba jirto, waa in uu yimaadaa gurigiina una yimaadaa reerkiina, hadduu yahay qof isku kalsoon wuu kaa aqbalayaa oo wuu soo xaadiri haddii kale wuxuu kuugu jawaabayaa horta inagu aynu is barano oo is fahano kadib ayaa reerka loo iman! Haka yelin waayo qof sharaf leh hadduu yahay gabar dhaqan kara is barashada uu sheegayo waa maxay? Ileen wuuba isku kalsoonyahaye, ma ahan inaanu dhaqan ka dhiganaa dadkan aynu ku soo dhex lunay dhaqankooda waxaanahay dad muslim ah oo diin iyo dhaqan leh, yaysan naga suulin taas.

 

Ugu dambeyntii waxan idin wada leeyahay qof walba ha hagaajiyo doorashada hana ka fikiro mustaqbalkiisa, waxa ugu weyn oo uu qofka ku badbaadi karo waa asagoo ilaalsha xuduuda alle, haday tahay hadal haday tahay eegmo iwm, dhalinyarada wada sheekeesta ee inay isguursadaan raba waa in uu hadalkooda xadid naada ma ahan in saacado lagu hadla telefonka maxaa la isku sheegayaa? Qofka haduusan hadalkiisa miisaamin xadka ayuu dhaafayaa waxa ka dhalanaysa meshaasna caro rabbi, waxaan idiinka digayaa waqtiyada dambe ee habenkii in lawada hadlo iska jira waayo ma ahan maalaa yacni inaad ku soo jeedaan idinkoo xalaal isku ahayn halka uu Allaahna usoo dagayo samaa’u dunyaa asagoo leh yaa dan leh oon u fuliyaa, yaa bahan oo an wax siiyaa, yaa kurbo haysaa oo an ka faydaa, kama xishoonaysid allaah miyaa? Asagoo sidaa kuula hadlayo ayaad telefon dhagta ku haysaa oo ka mashquul santahay cid kaa baahi badanna ma jirto! Hadaba hala ilaaliyo xuduuda alle naftana hala xakameeyo oo hogaanka haloo qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

asalaamu alaikum,

 

Jacaylbaro walaal masha-allah wax yaala badan oo

muhim ah ayaad kor kaga so hadashay. insha-allah Dhamaanteen waan ka fiirsan inta aan wax falan, kolayba qofwalba calafkisa ayuu helaya, oo waxa dhici karta ado ka fiirsaday in ahadana waxaad rabtid saad rabtay u dhicin.

 

Lakinse wa runta ad ayey muhim u tahay qofwalba in uu inta uu qofka guur ama serious arintu noqon in uu qofku ka fiirsado oo iska hubsado qofka sababto ah qofka hadad rabtid nolosha in aad la qeebsatid wa in aad ogaada wuxu yahayba si walba diin akhlaaq dhaqa dabeecad iwm. insha-allah qof walba calafkisa ayuu helaya, ilahay calaf wacan haka dhigo aamin.

 

wa salaamu alaikum

 

p.s. ma wacna qofna in uu dad badan isku mar la socdo oo midba dhinac sheko kala wado. Laakin qof hadad la shekesatid, things dont work out, dabcan qofkalaad is baranasaan taasna dhib ma ku jirto..that is life, things dont always turn out how u want dem 2 be. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

^^Waxa Soomaalidu tiraahdaa, " Gabadhu kun bay la sheekaysataa,midna waa ka guursata", Adigu ma maahmaahdan baad ku raacsan tahay,lol, Waxaan aamin sanahay anigu in khalad tahay in dhowr qof hal mar lala wada socdo, mida kale sidee intaas oo shaqo la isku qaban karaa hal mar, Multi-tasking,?

 

JC, saaxib, xigmad baa kaa guuxaaysa, qoraalkaagan waxaan aaminsanahay in dad badani ka faaidaysan doonaan, waadna ku mahadsantahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Dabshid lol somali been kuma maahmaahdo aya la yidhi , laakinse saan horay kusoo sheegay ma wacna in qofna qof khiyameeyo oo intasoo qof oo kale dhinac wado (inkasto badana dadku sa sameeyaan siiba wiilasha from my point of view kolay). Laakinse waxaan idhi qof waad la shekeesan karta , oo hadii shekadu soconweydo dabcan qofkalaas wax la bilaabi, oo things dont always work out.

 

wa salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

:)Huh!! Aliya waa runteed. There was a saying in Somali, which says mmmmmm (Hal dhagax laba shinbirood ku wada dil) smile.gif In conclusion as the late pop Singer 2Pac Shakoor sang and said. ( World aint save place to live ). Hada, habluhu waxay yidhaahdaan loool ( Raggu Raaxo Jecelaa huh Dumarkuna u roonaa ). !!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Jc, Im waiting for Aliya to come back to the thread smile.gif . You know what!! Indhihii baaba i dheeraaday sidaan qoraalkeeda u sugayay Ahahahahaha. Jc, Im trying to copy and paste your aproaching skills towards hablaha Huh ;) !!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

LooL @ JB, well. Im not worried man. Its alright, I've already kept up. Guess what smile.gif . Aaliya, has lately seen the topic was about ( Ku dhalinyarada guur doonka ah) LooooL, now she is waiting for a 2nd female member posting a note and playing a roll in the thread smile.gif . Im sure, ibti is on the way !!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

LooooL @ Guur doon. JacaylB. Yeah its true. Me and this guy Dabshid are two,good,healthy candidates. There is nothing wrong, if we 2 beign singles look for our opposite sex smile.gif . Guur kuna waa daadax oo Diintaaba dee ka hadashay. LoooL, laakiin the question is. Sxbow, JB, waakaa shakiyaye adigu ma xaalkii ( Axmadoow Dhici waa ) baa ku jirtaa. Dont worry, we will send you to one of those clinics in Arabsiyo smile.gif !!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

loooooooooooooooooool

 

 

I heard they have nice clinics in Borama not in Arabsiyo ,,, taas waaba laga guuray baan filayaa ,,, :D

 

 

Now, you have to make sure you pass this info to the one uu hunguri kaaga jiro so that she'll know how to treat you ,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
maajo   

Wareer ku daay, kuwa isla socday 10y ayaa is furaya malmahaan danbe, furitaanka wuxuu noqday CAADO, wax dhib ah uma arko.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this