Sign in to follow this  
Major-General Cawad

Yusuf Bari-Bari denies reports that he was allegedly hit as reported by some websites

Recommended Posts

Afhayeenka Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG-ka ah Yuusuf Bari-bari ayaa beeniyay warar ay qoreen Wabaahinta gudaha dalka (Muxuu yahay Warkaasi)

 

Jowhar:- (Puntlandpost) War dhawaan ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Soomaalia Mudane Yuusuf Ismaaciil (Barbari) ayaa lagu sheegay in aanay jirin wararkii ay qoreen Saxaafadda gudaha dalka maanta oo sheegayay in Guddoomiyaha siyaasadda Gobolka Shabeellada Dhexe Mudane Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed dheere) iyo xubin ka tirsan xoghaynnada Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Soomaalia Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed inuu gacan hadal dhex maray.

 

Warkaan oo lagu shaaciyay warbaahinta gudaha dalka, gaar ahaan midda Muqdisho ayaa sheegaya in Maxamed Dheere uu dharbaaxay mid ka mid ah Xoghaynnada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, kaddib markii ay is afdhaafeen, wuxuuna Yuusuf Barbari sheegay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

 

"Warbaahinta gudaha dalka waxaa looga baahan yahay inay iska hubiyaan wararka ay baahinayaan oo aysan dadweynaha u bandhigin warar been ah, ha ******** Milkiilayaasha warbaahinnada dalka in wax walba oo ay baahiyaan berrito lagula xisaabtami doono" ayuu yiri baribari.

 

Afhayeenka Madaxweynaha dowladda ayaa sheegay in warbaahinta gudaha dalku ay u muuqato mid ku jirta dagaal ay ku kala geynayso madaxda dalka ayna had iyo goor caadeynsteen inay baahiyaan warar aan sal iyo raad toona lahayn.

 

"Guddoomiyaha Siyaasadda Gobolka Shabeellada Dhexe iyo madaxda dowladda ayaa waxaa dhex yaal wada shaqeyn iyo is qiimayn aad u weyn, mana laga yaabo inay dhacdo inay is afdhaafaan ama ay iska hor yimaadaan, waana wax lala yaabo inay warbaahinta qaarkeed faafiso arrimahaas oo kale, waxaana loo arki karaa inay tani tahay dagaal qarsoon" ayuu yiri baribari.

 

Wararkaan ayaa mid ay si u baahiyeen warbaahinta gudaha dalka, waxaana hadalkaan uu noqday mid si weyn ugu shaacay dadweynaha Muqdisho, balse waxaa dadka qaarkood oo aan la kulmay ku tilmaameen inuu warkaani yahay mid aan xaqiiqo ahayd oo la sameeyay.

 

Maahan markii ugu horreysay ee ay shaaciyeen warbaahinta gudaha warkan oo kale, balse dhowr jeer oo hore ayaa laga beeniyay xafiisyada dowladda warar ay baahiyeen warbaahinta gudaha dalka, waxayna wararka ay baahinayaan warbaahinta guduhu u muuqdaan kuwo aan si dhab ah u xaqiijisnayn.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this