Sign in to follow this  
garyare

MARXALAD WALIBA .......QAYBTII 2AAD

Recommended Posts

garyare   

January 2005

 

 

Marxalad waliba iyadaa magac la baxda MARXALAD WALIBA ......QAYBTII 2AAD

Akhristow, fadlan adiguba u bixi magaca ku habboon marxaladda

jaha wareerka ah ee ay Somalia ku sugantahay muddada nus qarniga ah.

Anigu waxaan u bin lahaa xilligii: “Madax ku socod, “Samo kuddiinâ€, “dawlad bi’isâ€,

“cadow xambaarâ€, “jidhooyo†iyo wax la mid ah.

 

 

Qaybtii 2aad

 

Isweydiin malaha inuu geelu tiir adag ku leeyahay dhaqanka Soomaalida. Aad ayay u yartahay qayb ka mid ah murtida Soomaalida oo uu geelu ka maqan yahay hadday ahaan lahayd maah-maahyo, gabay, hees iwm. Qiimahaas waxaa siiyey qaybta uu geelu ku lahaa noloshii badi bulshada Soomaaliyeed oo ku noolayd bay’ad qallafsan asagoo u ahaa gaadiid iyo cunto.

 

Sidaasoo ay tahay, waxaa jira dad badan oo Soomaaliyeed sida beeraleyda iyo kalluumaysatada oo iyagu geela sal ama aasaas uga dhiga dagaallada qabaa’ilka ama xasillooni darrida guud ahaan geyiga Soomaaliyeed gaar ahaan gobollada uu geelu ka yahay nolosha aasaasiga ah siiba miyiga oo la aqoonsan yahay in ay wali ku noolyihiin 80% dadka Soomaaliyeed.

 

Dhibaatooyinka uu sababo geelu waxaa ka mid ah isagoo ay reer miyigu kala dhacaan, kala xadaan iwm kaddibna ay ka dhex dhacaan dagaallo beeleedyo ayaguna sababa kala aarsi muddo jiitama.

 

Haddaba, muhimaddaas uu geelu ku leeyahay nolosha Soomaalida darteed ayuu halqabsi u yahay in lagu sawiro muwaadiic badan oo la soo darista bulshada kuwaasoo laga yaabo in uusan geelu kuba shaqo lahayn. Waxaynnu tusaale ka dhiganaynaa kuwa soo socda:

 

• hashu maankay gaddaye ma masaarbay liqday?

• hal nin gurrani dheelmay/kexeeyey dhanna/dhinacna uma fayooba/fiyooba

• hasha maqaarka diidaysaa meelo daldaloola/dulduleela ayay ka daydaa

 

“hashu maankay gaddaye ma masaarbay liqdayâ€: waxay tusaalaynaysaa xaajo loo waayey xal ama dawo, dad badni ay hore uga daaleen ka dibna loogu yeeray nin lays lahaa waa khabiir ama waayo arag wax laga waydiin karo xaaladda cakiran. Ka dib kiiskii ayaa lagu sawiray ama loo ekaysiiyey neef geel ah oo la bixin waayey cudurka haya ayna ka daaleen geel yaqaan badani. Khabiirkaas oo ahaa nin dusha ka wada haya dhammaan cudurrada haleela geela ayaa dabadeed hashii ku sameeyey baaritaan qoto dheer cudurkeeda. Haddaba, markii uu hubsaday in aysan hashu qabin dhammaan cudurradii geela ayuu ku soo gunaanaday eraygaas galay taariikhda murtida Soomaaliyeed oo ah “hashu maankay gaddaye (khaladdaye) ma masaar (faas) bay liqdayâ€.

 

Hashaas geel ee la bixin waayey cudurkeeda waxaynnu maanta ku matali karnaa SOMALIA. Cudurka hayaa dalkeennu waa mid ka duwan dhammaan musiibooyinka ku habsada dalalka adduunka oo ilaa maanta la aqoonsan yahay in ay sababi karaan dumitaan qaran (sidii cudurkii hashaasiba uu uga duwanaa cudurrada geela). Cid kasta oo ilaa hadda isku dayday in la daweeyo cudurka haya Soomaaliya way ku guuldarraysatay taasoo la oran karo:

• In ay cid khaldan oo aan ehel u ahayn ay wadeen isku daygaas

• In aysan aqoonba u lahayn cudurka ay dawaynayaan

• In ayba meesha ka maqnayd daacadnimo lagu xalliyo halaaggaas

 

Aragtidayda, khabiirkii baari lahaa ka dibna dawayn lahaa cudurkaasi wuxuu la hayste u yahay dagaal oogeyaasha.

 

Waa kee khabiirkaasi? Waa inta aan u dhego nuglayn qawlaysata oo ay ka midka yihiin hoggaan-dhaqameedyada dhabta ah (maaha kuwa miliishiyada ah oo ay magacaabeen qabqableyaashu si ay u taageeraan), culimmada ku taagan Kitaabka Alle iyo Axaaddiista Rasuulka (CSW), abwaannada ku xeel dheer dhaqanka Soomaalida iyo aqoonleyda kale.

 

Waxaa ila habboon in aynnu ku fakarno sidii aynnu ku baadi goobi lahayn, kuna maalgelin lahayn in ay kooxo ka kooban qaybahaas muhimka ah ee bulshada Soomaaliyeed ay helaan fursad ay ku kulmaan meel kasta oo suurto gal ah, dalka iyo dibeddaba kuwaasoo aan hubo in ay heli karaan cudurka bixi waayey ee Soomaaliyeed iyo dawadiisaba ka dibna ay taageero buuxda ka heli lahaayeen dadweynaha Soomaaliyeed iyo adduunwynahaba.

 

“hal nin gurrani dheelmay dhanna uma fayoobaâ€: Abuurta Alle waxaa ka mid ah in korka dadku u qaybsan yahay midig iyo bidix. Inta badan waxaynnu hawsheenna ku qabsannaa midigta ama gacanta midigta. Dad yar ayaa gurran oo hawlahooda muhimka ah ku qabsada gacanta bidixda ah. Waxaa jira iyaguna dad aad uga sii yar oo loo yaqaan “labo midigle†kuwaasoo nasiib u yeeshay in ay labadooda gacmoodba isku si wax ugu qabsadaan.

 

Haddaba, geelu kala nasiib daran gaar ahaan kan geel-jiraha ilaaliya uu ka mid yahay nin gurrani. Badi geel-jiruhu waa niman aan naxariis lahayn oo geela ulo ugu garaaca si daran. Geela waxay badi ka socdaan kana garaacaan dhanka midigta. Geel yaqaanku waxay sheegeen in uu geelu u fariisto oo dhulka dhigto dhanka u fayow maadaama uu dhanka kale ka damqanayo xanuunkii ulihii lagu garaacay. Haddaba, geela nasiibka darani waa ka uu dhanka bidixdana ka garaaco ninka gurran oo ka mid ah geel jiraha. Geelaas ama neefkaasi way ku adagtahay inuu dhulka fariisto maadaama uusan dhanna u fayoobayn. Waana taas halka ay ka timid murtida ah: “hal nin gurrani dheelmay ama kexeeyey dhinacna uma fayoobaâ€.

 

Mar kale hashaani waa Somalia. Qabqableyaasha dagaalkuna waa nin gurran oo ka duwan dadka caadiga ah.

Gurranaantu waa abuur Alle aniguna uma jeedo in aan durayo dadka gurran ama ka faquuqayo dadka kale, hase yeeshee waxaan uga dan leeyahay in aan muujiyo kala duwanaanta dadka. Haddaba, qofka gurran ama ciddii kale oo u fahamta in aan meel ka dhac sameeyey ha iga raalli ahaadeen waayo xaalku sidaas maaha.

 

Nasiibdarrada haysata Qowmiyadda Soomaaliyeed waa mid aysan maanta u ciirsanayn dhinacna.

 

Nus qarnigii la soo dhaafay ayaa waxaa si naxariis darro ah u kadeedayey una ciqaabayey xukun askari oo arxan laawe ah ka dibna waxaa dibindaabyadii ka dhaxlay siina toban jibbaaray kooxo burcad ah oo isku magacaabay “jabhado†oon waxba reebayn.

 

Intaas oo wada jirta (askartii iyo ********ta) aynnu ka dhigno geel jirihii geela ka garaacayey dhanka midigta.

 

Kuwaas waxaa iyagana haatan kala wareegay siina laban-laabay falalkii shaydaan, waa ka dar oo dibi dhale, kooxdii ********ta oo iyagu shaar kale ka kor ama dul gashatay shaarkoodii ********nimada.

 

Shaatigaas cusubi waa waxa ay dagaal-oogayaashu ula baxeen magaca “dawlad ama xukuumadâ€. Hore ayaynu u sheegnay in aysan dawlad ku sheegtaasi lahayn, haba yaraatee, aasaas qaanuuneed. Ciddii doonaysa faahfaahin dheeraad ahna diyaar ayaan u ahay in aannu ka doodno.

 

Kuwaani waa “gurraneyaal†oo waxay ka dhigan yihiin ninkii gurranaa oo hasha geel ka dhigay mid aan dhinacna u fayoobayn ka dib markii uu ka garaacay ama ka uleeyey dhanka bidix iyadoo hore uga dhaawacnayd dhanka midig.

 

Bal ila eega tusaalooyinkan ku saabsan afcaasha gurracan ee ay “reer gurey†ku burburihyeen, ku kala qaybiyeen ama ku kala qoqobeen iyo xaaladaha uu hadda ku sugan yahay dalkii ay adduunyadu u tiqiin Somalia:

 

1. Gobollada Waqooyi Galbeed oo ay ka gooyeen dalka intiisii kale iskuna magacaabay dawlad madax bannaan

 

2. Gobollada Waqooyi Bari ee la baxday “dawlad goboleedka Puntland†oo ku sugan xaalad ah “haddii ay ciyaartu hagaagto lug ahaa iigu jirta, haddii ay hagaagi waydana waan kala baxay†taasoo micneheedu yahay in ay iyaduna dhabarka sii jeedisey

 

3. Dalka oo gebi ahaan kala qoqoban oo uusan gobolna u ciirsan gobolka kale isla markaana ay jareen dhammaan xargihii isku xirayey ama isku hayey bulshada Soomaaliyeed sida qawaaniintii, dhaqan & caadooyinkii habboonaa isla markaana ay ihaaneeyeen caqiidadii Islaamka

 

4. Dalkii oo aan lahayn caasimad ka dib markii ay ********i diiratay Muqdisho. Qofkii ama ciddii weli aamminsan in ay Xamar weli tahay magaalo madaxdii Somalia, ama doonaya inuu wax ka ogaado sababta ay Muqdisho ku lumisay darajadii caasimadnimada waxaan diyaar u ahay in aannu ka doodno mawduucaas. Muqdisho caasimad waa ay u noqon kartaa Soomaaliyada cusub haddii ay sidaas doonayso Soomaalidu, hase yeeshee waxaa taas ka sokaysa hawl adag iyo shuruudo badan, sida aan qabo. Runta maanta nasiib darro ka jirta Muqdisho, aanna filayo in aadan akhristow igu diidi doonin waxay tahay:

• Tobaneeye “wasiir†ku sheeg isla markaana hoggaamiya boqollaal dabley ******** ah oo isaga u ilaalisa tiro badan oo ah jidgooyooyinka loo yaqaan “ISBAARO†(check-points) halkaasoo lagu baarto laguna bililiqaysto dadweynaha saaran gaadiidka, baabuurreyda iyo dadka lugaynaya intaba. Dagaal-oogeyaasha waxay “isbaarooyinku†u noqdeen warshad laga qodo macdanta qaaliga ah; waxaa kaloo dakhli ka soo galaa garoommada diyaaradaha, dekadaha, badeecadaha uu dadweynuhu la yimaado ama dhoofsado iyo ganacsiga gudaha intaba. Wixii ay iyagu la soo degaan ama dhoofsadaan cidina ma canshuurto oo taasi isweydiinba malaha. Waa hubaal in aysan nimankaasi doonayn in ay Soomaaliya waligeed ka dhalato dawladi.

• Boqollaal dagaal ku naaxe oo iyaguna sidaasoo kale samaystay dekedo, garoommo diyaaradeed oo ay lacago baad ah uga qaataan dadweynaha iyo jidgooyooyin isla markaana uu mid waliba leeyahay dabley, gaadiid iyo hubka wax lagu gumaado oo u gaar ah. Kuwaan iyo kuwii horeba waxay dadka u laayaan, u bililiqaystaan ama u afduubaan sida ay doonaan iyo waqtiga ay doonaan. Gaar ahaan Dumarka Soomaaliyeed waa “dulmane aamusan†iyagoo ay ********ta kala kulma kufsi iyo tacaddiyo kale oo ay inta badan la aamusan yihiin.

• Maxkamado Islaami “ku sheeg†ay leeyihiin beelo kuwaasoo uu dad badani rumaysan yahay in ay yihiin wax u eg axsaab siyaasi ah ama nooc salka ku haya xukun doon. Jiritaan maxkamad islaami ah waxaa shuruudeheeda ka mid ah:

a. In ay ka hawlgasho dal looga dhaqmo Shareecada Islaamka ama uu qaanuunkeeda ka mid yahay jiritaan maxkamadahaas

b. In ay maxkamaddu awood u leedahay in ay xukunto dembiileyaasha oo dhan, darajo kasta oo uu leeyahay. Sida aynnu ognahay, waxay maxkamadahaasi eryoodaan tuugada yaryar hase yeeshee awood uma laha in ay tin ka gooyaan ama sooba hadal qaadaan dagaal-oogayaasha oo ah dembiileyaasha waaweyn iyo dableydooda iyo burcadda kale oo hubaysan

• Muqdisho oo nasiib darro hadda noqotay xero habar dugaag ama meel uu libaaxu ku cuno dadka harka cad

 

5. Waxaynnu kale oo Xamar ka maqalnaa magacyo nimar ******** ah oo ka wada taajirey musiibadii qaran jabka ee ku dhacday dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Kuwa an magacayadooda ka maqlo warbaahinta waxaa ka mid ah:

i. Bashiir Raage oo ah nin leh ******** hubaysan iyo dabbaabaad u gaar ah

ii. Hebel Deylaaf oo ah nin leh ******** hubaysan iyo dabbaabaad u gaar ah

iii. Hebel Ilqayte oo ah nin leh ******** hubaysan iyo dabbaabaad u gaar ah

 

6. Waxaynnu Xamar ka maqalnay dhowaanahaan qisooyin cajiib ah oo ay ka mid hihiin:

• Qof dumar ah oo xaamilo ah ee ay haweeney kale ku xabbisatay gurigeeda isla markaana ay qalabka warbaahinta ka sheegtay in ay iyada u xiran tahay

• 2 nin oo ka soo jeeda beesha Soomaaliyeed oo loo yaqaan “Jareer†suuqa loogu gowracay sida ari la qalanayo

• Nin oday ah oo si joogto ah laysaga afduubto ama marar aad u badan

 

7. Waxaynnu Kismaayo beryahaan dambe ka maqalnay:

• 2 nin oo sida kuwii Muqdisho oo kale surka looga gawracay

 

• Iyadoo ay luntay jinsiyaddii Soomaalida maantana uusan dunida jirin qof qaanuun ahaan ku doodi kara inuu yahay muwaaddin Soomaali ah (Somali citizen or national). Ciddii su’aal ama ra’yi ka duwan ka qabta arrintaan waa ay igala soo xiriiri kartaa si aannu uga doodno.

Musiibooyinkaas aan kor ku soo taxay iyo kuwo kale oo badan oo ku habsadey ayaa sababay in uu Xamar cadde waayo jagadii caasimad nimada. Dagaal oogeyaashii iyagu mas’uulka ka ahaa musiibooyinkaasi ayaa maantana ah kuwa u diiddan in ay dib u soo noolaato caasimaddii Muqdisho.

 

8. waxaynnu ognahay:

• in ay Soomaalidu kala haysato hanti ma-guurto ah iyo mid aan ma-guurto ahaynba oo qiimaheedu gaarayo boqollaal malyan ee doollarka maraykanka 15kii sannadood oo la soo dhaafay, bililiqadaasoo u badan koofurta dalka, siiba Xamar iyo gobollada & degmooyinka u dhow sida Shabeellada Hoose

• Iyadoo 15kii sano ee la soo dhaafay ay nimanka magacyadoodu hoos ku teedsan yihiin isku magacaabeen madaxweyneyaal Soomaaliyeed isla markaana samaysteen xukuumado u yaal aysan midina wax dhibaal mooyee waxtar u yeelan dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Fadlan eeg kuwa hoos ku qoran:

 

Muqdisho:

Cali Mahdi Maxamed oo sheegtay madaxweyne Somalia isagoon xataa Xamar ka tegi karin qaybta koofureed oo uu ku habsadey Caydiid iyo ********tiisii (ninkani wuxuu Somalia u sawirtay “Xamarâ€, micnaha wuxuu qaatay aragti ah Xamar waa Soomaaliya, Soomaaliyana waa Xamar. Hawl maalmeedkii ugu muhiimsanayd ee uu ninkaasi caanka ku noqday waxay ahayd inuu naafto (shidaal) u helo gaadiidkii ay dableydii USC ku eryoonaysey dableydii Xamar kala qaxday kelitaliye Maxamed Siyaad Barre. Cali Mahdi wuxuu markaas la baxay maga “Cali Naftoâ€. Alle taladii saxa ahayd ma solansiin ninkaas, taasoo ahayd oo keliya, in maalintii uu Xamar ka baxay kelitaliyihii uu isugu yeero Ummaddii Soomaaliyeed si ay dalka ugu dhisaan dawlad loo dhan yahay, gobollada Waqooyi Galbeedna ma goosteen haddii uu sidaas yeeli lahaa, sida aan qabo. Sababta madaxtinnimada Cali Mahdi waxay ahayd mid ay odayaashii garabkii rayidka ee USC ay xilkaas kala cararayeen janan Maxamed Faarax Caydiid oo aan isagu wali Xamar soo gaarin markii laga saaray Maxamed Siyaad Barre 26kii Jannaayo 1991. Caydiid waxay odayaashu u arkeen inuu yahay macangag garmaqaate ah oo an waxba hoggaamin karin taasoo u keentay in ay kula kufaan Cali Mahdi.

 

marxuum Janan Caydiid oo sheegtay madaxweyne Somalia isagoon xataa Xamar ka tegi karin dhanka waqooyi oo ay ku habsadeen Cali Mahdi iyo ********tiisii. (Ninkani wuxuu aamminsanaa oo isa siiyey, inuu isagu ahaa ninkii xaqa u lahaa inuu beddelo keli taliye Maxamed Siyaad Barre: askary ahaan, janan ahaan iyo inuu ahaa ninkii Ethiopia iyo Gobollada Dhexe ka soo dumay ********tii M S Barre ka saartay Xamar, weligiisna ma aqbalin mana aqbaleen inta uu noolyahay in ay cid kale ku fariisato kursigaas, gaar ahaan wuxuu Cali Mahdi u haystey inuusan waxba istaahilin, taas ayaana noqotay sababtii wedkiisii)

 

Xuseen Caydiid oo sheegtay madaxweyne Somalia ka dib markii uu aabbihiis ka dhaxlay ******** hubaysan iyo hantidii ay ka biliqaysteen ummadda Soomaaliyeed. (ninkani kuma socon karin xawlligii uu ku socdey aabbihiis sababtoo ah: ma lahayn khibraddii askerinnimo, damac (ambition) xukun doon oo waalan ee muddo dheer ku soo bislaatay sidii aabbihiis da’diisa yar aawadeed, isagoo ahaa qurbaawi oo aan aqoon fiican u lahayn dalka iyo qabaa’ilka Soomaaliyeed iyo isagoo dabci ahaan ah nin ka deggan aabbihiis, walow ay taageerayaashii odaygii ku tilmaamaan inuu yahay “waxmatare†mar haddii uusan dad xasuuqin sidii aabbihiis.

 

Cabdiqaasim Salaad Xasan oo sheegtay madaxweyne Somalia isagoon aan xataa tegi karin waqooyi Xamar sidii caydiid. Ninkani wuxuu isagu si gaar ah ugu eedaysan yahay inuu yahay kii fashiliyey wixii ka soo baxay kulankii Jabuuti oo ku magac dheer “Carte†oo ahaa kii kali ahaa oo aysan ka qaybgalin dagaal-oogeyaashu. Talada kaliya oo ku habboonayd ninkaasi, hase yeeshee uusan Alle solansiin waxay ahayd, inuu ku degto Hargeysa markii uu ka soo duulay Jabuuti isagoo ay la socdaan Cabdalla Deerow iyo Cali Khaliif Gallayr (oo ku kala magacawnaa guddoomiye baarlamaan iyo ra’iisul wasaare), halkii uu ka soo degtay Xamar. Saadaashu waxay ahayd, haddii ay gogosha la fariisan lahaayeen Maxamed Ibraahim Cigaal iyo xukuumaddiisii , baarlamaankii & guurtidii reer Somaliland kana codsan lahaayeen in ay soo celiyaan midnimadii si loo soo nooleeyo qarankii burburay, waxay dad badani rumaysan yihiin in ay taasi xal u noqon lahayd musiibadii ku dhacday Somalia xaaladduna ay ka duwanaan lahayd halka ay maanta taagan tahay.

 

Hebel Darmaan oo sheegtay madaxweyne Somalia anigoon laba yaabayn sababtoo ah, wuxuu uga dayday lana mid yahay kuwaas kale. Teeda kale, madaxtinnimadii Soomaaliya ayaaba marxaladdaan taariikhiga ah halkaa ku dambaysey ayadoo uu dembiile waliba intuu subax soo tooso, ama isagoo ka qaxwaynaya makhaayad yiraahda “anna way kana ama ha lagaa shoogoâ€. Badi nimankani (marka laga reebo marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal oo xeel waayo aragnimo adeegsadey, Jaamac Cali Jaamac oo ilduufay iyo Daahir Riyaale & Cadde Muuse oo kusimeyaal ahaa) waa kuwo xoog iyo xeeladba ku urursaday hantidii dadka iyo dalka ka dib markii ay adeegsadeen ******** hubaysan.

 

Gobollada Waqooyi Galbeed (Somaliland):

marxuum C/raxmaan “Tuur†oo sheegtay madaxweyne Somaliland ka dib markii isaga iyo saaxiibbadiisii SNM oo la soo dagaallamay xukunkii kali taliskii askarta ee ee uu hoggaaminayey marxuum Maxamed Siyaad Barre ay caradii kula kufeen mashruucii “goosashadii†oo ay ku dhawaaqeen iyagoo ka faa’iideystey burburkii qaranka. Marxuum C/raxmaan “Tuur†ka dib waa isagii ka soo noqday go’aankaas oo uu u arkay khalad dhacay. Hase yeeshee waxaa nasiib darro ahayd inuu dib ugu soo noqdo Xamar waqti aan munaasib ahayn gogoshana uu la fariisto dagaal-oogihii ugu dhiigyacabsanaa uguna maskax-fadhiidsanaa, aragtidayda, oo soo mara taariikhda Soomaaliya marka laga reebo C/llaahi Yuusuf oo la oran karo ceel ayay ka wada cabbeen maadaama ay meelo badan iska shabbahaan afcaashoodu sida jacaylka xukun indhala’.

Aragtidayda, Soomaalidu way nasiib darantahay an ku celceliyee, sababtoo ah, taliskii uu horjoogaha u ahaa marxuum Maxamed Siyaad Barre ayaa waxaa uga dambeeyey, waa kud ka guur oo qanje u guure, kuwo ay horboodayaan Caydiid-Cabullaahi iyo raxantaas kale.

Halaaggaas oo kale waxaa looga ducaystaa: “Eebbow ha nagu salladin kuwo an kaa cabsanayn annagana noo arxamaynâ€. Haddii ay Soomaalidu ka hari lahayd in ay daba xoonsanaadaan bahalladaas korka uga eg, isla markaana ay niyad sami ku baryootami lahaayeen Alle wuu ka dulqaadi lahaa musiibada ku habsatey halkii ay been iyo caddaalad darro ugu kaalmayn lahaayeen dagaal oogeyaasha iyo ficillada ay ku sii duminayaan Dalka kuna sii kala fogeynayaan dadka Soomaaliyeed oo qarka u saran inuu mar kale dib uga qarxo dagaalkii waxshiga ahaa.

 

marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal oo sheegtay madaxweyne Somaliland isagoo fursad xukun u arkay kursiga madaxtinnimada gobollada goostay isagoo malaha is lahaa qarankii Somalia ayaa soo noolaanaya dhaqso cidina kaagama habboona jagada madaxweynennimo maadaama uu tegey keli taliyihii afgambiyey xukuumaddii sharciga ahayd oo uu isagu ka ahaa ra’iisul wasaaraha, amase Somaliland ayaa laguu aqoonsan doonaa maadaama aad tahay nin laga yaqaan adduun weynaha

 

Daahir Riyaale Kaahin oo sheegtay madaxweyne Somaliland oo isaguna ka dhaxlay Maxamed Ibraahim Cigaal. Ninkani wuxuu ahaa saraakiishii wax cadaadinta ee xukunkii askarta. Sida aan qabo nasiibdarro weyn ayay ahayd inuu noqdo madaxweyne Somaliland. U malayn maayo in aynnu “ri cad caaneheed gaar uga saari karno ri madow caaneheedâ€. Daahir Rayaale kama duwana Moorgan, Caydiid, Cabdullaahi Yuusuf, C/qaasim Salaad, C/raxmaan Jaamac Barre, Axmed Saleebaan Dafle, Cumar Carte Qaalib iyo dhammaan intii daacadnimada buuxda ugu dhaaratay uguna adeegi jirtey xukunkii cadaadiska ee askarta.

 

Gobollada Waqooyi Bari:

Kornayl C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegtay madaxweyne Puntland. Walow ay dadweynaha ku nool gobolladaasi ay u baahnaayeen nidaam shaqeeya, haddana waxay dad badani qabeen inuu maamulka Puntland ahaa mid ku dhashay “ku dayasho ama la tartamid Somalilandâ€. Sida la ogyahay, kornayl C/llaahi Yuusuf iyo marxuum Janan Aden Gabyow waa iyagii ka soo carooday shirkii dib u heshiisiinta ee qabqablayaashii kooxo Soomaaliyeed ee ka dhacay caasimadda Masar ee Qahira. Sababta ay nimankaasi u soo caroodeen waxay ahayd oo kaliya in ay shirka iska dhex arki waayeen oo aysan muuqan jagooyin ay ka helayaan iyadoo la sii saadaaliyey in Xuseen Caydiid iyo Cali Mahdi loo sii qorsheeyey in ay noqdaan madaxweyne iyo ra’iisul wasaare. Cabdullaahi Yuusuf waa caadadiisa inuu ka caroodo ama ka dagaallamo meeshii uu jago ka waayo tusaale:

a. xukuumad beenaadkii marxuum janan Caydiid ee “salballaar†wuu ka carooday ka dib markii saaxiibkiis Caydiid uu marxuum C/raxmaan Tuur u qorsheeyey jagadii ra’iisal wasaaraha salballaar oo uu C Y malaysanayey;

b. shirkii Jabuuti wuu ka carooday markii uu arkay inuusan helayn 2dii jago ee madaxweyne iyo ra’iisal wasaare midna;

c. Puntland wuu ka dagaallamay markii laga ridey xukunkii uu diidey inuu ka dego markii uu waqtigiisii dhammaaday.

 

Sheekooyinka qaar ayaa waxay lahaayeen Melez Zenawiga Ethiopia oo gacansaar adag la lahaa kornayl C/llaahi Yuusuf iyo marxuum janan Aden Gabyow ayaa amray in ay ka soo baxaan shirka.

 

Si kastaba ha ahaatee, 2dii nin oo u socda Addis Ababa ayaa ku sii hakaday Boosaaso iyagoo loo soo dhoweeyey sidii halyeeyo (heroes) maadaama ay dadka ka dhaadhiciyey in ay beelahooda ******* ka badbaadiyeen majaxaabo lala doonayey.

 

Waqtigaas waxaa wali cusbaa kala ufood iyo is aamminid la’aan qabaa’ilka Soomaaliyeed maadaama ay wali cusboonaayeen dhaawacyadii dagaalladii sokeeye ama ayba wali socdeen. Sidaas darteed, nin kasta oo xukun jeceli wuxuu ku qaraabanayey “aniga ayaa idinka celinaya reer hebelâ€.

 

Arrintaasi waxay sahashay askunkii Puntland waxaana sii adkeeyey ama sii ayidey ku dayasho ama hinaas laga qabey reer Waqooyi Galbeed oo mar hore hir geliyey Maamul.

 

Qodobka kale oo saacidey kornayl C Yuusuf wuxuu ahaa, iyadoo ay ergooyinkii reer Waqooyi Bari ee isugu yimid Garoowe si ay u agaagumaan Maamul, ay kornaylka u arkeen inuu yahay dhigga Caydiid ama ninka xeel iyo khibradba u leh inuu ka hortago haddii ********ta ka amar qaadata Caydiid ay soo weeraraan gobollada Puntland (waxaase odayaasha ka dahsoonaa inay 2da nin ahaayeen saaxiibbo run ah oo waxay illowsanaayeen inuu C Yuusuf ahaa ninkii Caydiid Xamar ka soo doonay inta diyaarad ka soo qaatay Addis Ababa ka dib markii uu cid kasta oo kale ka diidey inuu ka qaybgalo shirkaas).

 

Kornayl Jaamac Cali Jaamac oo sheegtay madaxweyne Puntland. Kornayl Jaamac wuxuu ahaa nin “hala rooro run moodeyâ€. Yurub ayuu ka duulay isagoo malaha aamminsan dimuqraaddiyad, doorasho xor ah iwm. Way ka diimoonayd inuu kornayl Cabdullaahi dhistay ciidan ******** ah oo calooshood u shaqayste ah oo uu ugu talo galay inuu xukunka ku haysto muddo dheer iyo inuu ku jirey xayndaabka Ethiopia oo uu ka haystey ballanqaad difaac buuxa “full protectionâ€

 

Janan Cadde Muuse Xirsi oo sheegtay madaxweyne Puntland (fadlan eeg faallada hoose)

 

Marka laysu geeyo tirada wasiirro, wasiirro xigeen iyo saraakiil kale ee xukuumadahaas wada beenta ahi waxay qiyaastii kor u dhaafayaan 1000 xubnood.

 

Marka laysku daro waxa ay ugu yeereen aqallada wakiillada iyo/ama odayaasha (parliaments) waxay tiradoodu kor u dhaafaysaa 2000 oo xubnood laga soo bilaabo 1992kii.

 

Dhowrkaas kun ee xubnood waxay kulligood ku dhaarteen Kitaabka Alle in ay daacad iyo caddaalad ugu shaqaynayaan dadka iyo dalka.

 

5. Waqtigaan waxaa 3daa qaybood ee Gobollada madaxweynennimo sheeganaya 4 nin oo kala ah:

 

Daahir Riyaale: Gobollada Waqooyi Galbeed ama Somaliland (waxay dad badani qabaan in sababaha ay Somaliland hore ugu socon la’dahay ay ka mid tahay madaxtinnimada ina Riyaale oo ay ku taal shaabbaddii NSStii regiimkii Maxamed Siyaad Barre oo uu ka ahaa sarkaal daacad ugu dhaartay).

 

Cadde Muuse: Gobollada Waqooyi Bari (walow ay dadku ku xantaan inuu yahay “sii haye†oo ninka ay jagadaasi u kaydsan tahay uu yahay kornayl C/llaahi Yuusuf oo ah ka asagu dhab ahaan wali uga taliya Gobolladaas asagoo ku soo dhaaftay raxan dabley ah oo aan ka amar qaadan Cadde Muuse). 2 sababood ayaa ugu weyn inuusan kornaylku ka tanaasulin haysashada Puntland:

• Inuu dhaqaalaha ka soo baxa dekedda iyo garoommada diyaaradaha u qaybiyo kooxaha ku taageera xukuumadda qiyaaliga ah ee uu horjoogaha ugu yahay Jowhar marka lagu daro hororka Maxamed Dheere oo runtii la oran karo kornaylka ayaaba isaga waqtigaan u ah “la haysteâ€. Dadka indha-indheeya dhaqdhaqaaqa iyo afcaasha dagaal-oogayaashu waxay saadaalinayaan inuu Maxamed Dheere maalin aan fogeyn uu Cabdullaahi Yuusuf ku amri doono inuu 24 saacadood gudahood uga baxo Jowhay, haddiiba uusan layn isaga iyo raxanta la socota

 

• Inuusan kalsooni ku qabin inuu sii soconayo durbaanka xukuumadeed runtuna ay tegi doonto inuu dib ugu noqdo Garoowe iyo kursigii kaydka ahaa ee loo sii hayey, haddiiba uu sii jiro.

 

Hebel Darmaan “anna way kan†(iga raalli noqda, ma xusuusto ninkan magaciisa oo buuxa) iyo

 

C/qaasim Salaad Xasan oo aysan wali cidi si rasmi ah ugaa maqlin inuu ka tanaasuley sheegashada jagadaas.

 

Haddii lays barbar dhigo Gobolladaa dalka waxaa ilaa hadda ugu xasilloon uguna nidaam hagaagsan Waqooyi Galbeed sababtoo ah: nasiib wanaag kama jirto kelitalisnimo macangag ah iyo dhiig daadin joogto ah sida Koofurta ama sidii soo martay Puntland oo is bahaysigii kornayl Cabdullaahi Yuusuf iyo Melez Zenawiga Ethiopia kala kulantay ku tumasho xuquuqul insaanka oo ka daran tii ay Somalia kala kulantay taliskii askarta ee 1969-1990. Reer Waqooyi Galbeed waxay kaloo bilaabeen nooc doorasho oo ku dayasho mudan.

 

Waxaynnu maqalnaa erayadaan wada lammaanaha ah sidii kooxo kubbadeed:

• 2 caasimadood: Muqdisho iyo Jowhar

• 2 gole: oo xukuumadeed ee kala jooga Xamar iyo Jowhar

• 2 gole: oo xildhibaanno ee kala jooga Xamar iyo Jowhar

• 2 guddoomiye ee gobolka Banaadir

• 2 guddoomiye ee Gobolka Mudug

• 2 guddoomiye ee Gobolka Sool

• 2 guddoomiye ee Gobolka Sanaag

• 2 guddoomiye ee gobolka Hiiraan

• 2 taliye Ciidanka Booliska

• 2 taliye Ciidanka Militariga

• 2 guddoomiye Bangi

 

Waxaynnu kaloo maqalnaa:

• guddoomiye kelitaliye ka ah Gobolka Shabeellada Dhexe oo lagu magacaabo Maxamed Dheere

• guddoomiye kelitaliye ka ah Gobolka Shabeellada Hoose oo lagu magacaabo Sheikh Hebel “Indhacaddeâ€

• guddoomiyeyaal is bahaysi iyo boqol kale ee guddoomiye shaydaan

 

Waxaynnu iyadana maqalnaa:

• hoggaamiye kooxeed ahna ra’iisul wasaare xigeen

• hoggaamiye kooxeed ahna wasiirka caddaaladda

• hoggaamiye kooxeed ahna wasiirka dibudhiska qaranka

• hoggaamiye kooxeed ahna wasiirka amniga qaranka

• hoggaamiye kooxeed ahna wasiirka ganacsiga

• hoggaamiye kooxeed ahna garsoorka iyo arrimaha diinta

• hoggaamiye kooxeed ahna ---------------------------------

• hoggaamiye kooxeed ahna ---------------------------------

 

 

Bal iska daa in ay wax ugu maqan yihiin ummadda Soomaaliyeede shaqada ugu muhiimsan hawl maalmeedkoodu waa iyagoo ay kooxiba ta kale maja xaabinayso kana badin la’yihiin af la gaadho iyo “caraatan†ay isaga soo tannaagoonayaan Jawhar iyo Xama.

 

Sheekadan ayuu i soo xusuusinayaa dhaqanka dagaal-oogayaasha u kala jabay 2da kooxood, kana raalli ahaada waayo waa qiso aan ku qurux badnayn qoraal:

 

Waxaa la yiri, 2 ka mid ah shimbiraha loo yaqaan “guumaysta†ayaa waxay midiba ta kale ku cayday in ay weynaatey oon cidina guursanayn (Soomaalida qaar ayaa 2dan ku sheega gabdho). Haddaba kuwii oon waxba isula harin ayaa waxaa ka mid ahaa wixii ay is yiraahdeen:

 

1aad 2aad

Guumays la nacay Yaa adi ku geya

Lama guursadaay Maadaa guryo leh

Geel xero ka kicis (micnaha foolxun) Maadaan ka kicin

Naa g.….……… yaa adi ku gudey

Naa garacyo dhala Maadaan shan dhalin

 

3dan hoose ayaa ka mid ah dhibaatooyinka ay qawlaysatadaasi inagu hayaan Soomaaliyeey, ee bal akhristow adiguna ka fakar wixii aad xal u aragtid:

 

• iyagoo gurraneyaashu magacaaga ku yaboohsada dawladaha iyo hay’adaha caalamiga ah

• iyagoo sii dumaya ama sii hurinaya colaad hor leh iyo hub ku soo qulqula dalka

• iyagoo sii fogaynaya rajadii laga qabey soo noqosho qarankii Soomaaliyeed

 

Waxaa Somalia si abadiyan ah uga dhintay erayada hoos ku qoran kuwaasoo qofkii maqlaana uu ka qajili doono ama ka jiriiricoon doono waxayna malaha ku habboonaan lahayd in aynnu allifno magacyo kale oo aan ina xuxuusin kuwaas halaqu maray:

 

• dawlad ama xukuumad

• qaanuun

• maxkamad

• madaxweyne

• ra’iisul wasaare

• wasiir

• xildhibaan

• janan ama sarkaal

• caasimad

•

 

La soco qaybta 3aad insha Allaah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this