Sign in to follow this  
Liibaan

Cade MuseShacabka SSC Gabi Ahaanba Waa KaBaxeen Wixii La Isku Odhan Jiray Puntland

Recommended Posts

Liibaan   

Cade Muse"Shacabka SSC Gabi Ahaanba Waa KaBaxeen Wixii La Isku Odhan Jiray Puntland"

 

Cadde Muuse: Shacabka SSC Waa Shubeen Waxaana Ka Musuul Ah Xukun Jeceyka Beesha Bariga

 

Waxay ahayd bishii Obtoober 2007,markii ciidamad maamulka Somaliland si xoog ah kula wareegeen Magaalada Laasacaanool ee gobolka sool xilligaasoo cidamadii Puntland ay ka garab dagalamayeen ciidamadii Itoobiya ee ku soo dalka Soomaaliya.

 

Ciidamada Somaliland ee xooga kula wareegay magalada Laasacanood ayaa waxaa wehliyey ciidamo u dhashay deegaanka ee beesha dhulbahane, kuwasoo kasoo carooday maamulka Puntland kadib markii ay tixgelin la'aan kala kulmeen maamulkaaasi oo lagu xanto inuu yahay mid ay dhisten beesha Bariga.

 

Cadde Muuse Madaxweynhii hore ee maamulka puntland ayaa maalmahaas waxa uu idacadaha ka sheegi jiray inuu dib ulla wareegi doono Laasacanood,balse waxuu hadalkiisii noqday 'qawda maqashii, waxna ha u qaban.

 

Faroole oo isagu dhaxlay talada Puntland, ayaa sidii kii ka horreeyey dheg jalaq aan u siinin Marka la weydiiyo oo idaacadaha iyo talafishannada laga waraysto wuxu dhahaa haddee arrinta nabad ha lagu dhammeeyo.

 

Waxa hadda laga joogaa mudda labo sano kaban xilligii Laascaanood ay si buuxda ulla wareegeen maamulka Somaliland, baaqyo ay direen Garaadyada,aqoonyahannada qoorkood wey ka dhega adegeen in Somaliland dib uga baxaan Laasacaanood, mana muuqato ififaalo dagaal oo u qorsheysan puntland ay kula wareegayaan deegaanada xooga looga qabsaday.

 

Haddaba Cadde Muuse oo dhawaan safar ku yimid deegaanada Puntland ayaa waxa uu si cad u sheegay in haddii Puntland ladoonayo in ay sii shaqeyso,"Beesha Bariga ha joojiyaan xukun jaceyka oo walaahooda Dhulubahante haloo dhiibo madaxtinimada,haddii kale waxaa la arki doonaa beelo kale oo ka carooda hab dhaqanka beesha Bariga"Sidaa waxaa ku taliyey Cadde Muuse.

 

Ugu danbeyn Lama oga in talada Cadde muuse ay soo celin karto deegaanada ay ka qabsadeeen Somaliland, sidoo kale waxaa dhawaan ka dhalisay jabhada SSC oo metesha dadka degaank,balse waa markii ugu horeeysay uu masuul u dhashay beesha Bariga uu sheego qaar ka mid ah qaldaadka ka jira maamulka Puntland.

 

 

Cabdiraxmaan Macalin Xuseen

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this