Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Muuse Bixi the new chairman of the kulmiye party

Recommended Posts

Siilaanyo ayaa si rasmi ah xilkii Guddoomiyanimada Kulmiye ugu wareejiyay Muj: Muuse Biixi Cabdi

Written by Qarannews

Aug 04, 2010 at 07:19 AM

Hargeysa,(Qarannews)-Madaxweynaha Somaliland Mudane; Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa goor dhaweyd si rasmi ah xilkii Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ugu wareejiyay Guddoomiye ku xigeenka xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi

Siilaanyo waxa uu xafladii xilwareejinta ee Guddoomiyenimada Xisbiga ka sheegay inuu xisbigu fulinayo Go’aamadii ka soo baxay shirweynihii labaad ee xisbiga kulmiye ee Burco kaasoo ay ka mid ahayd inuu xilka wareejiyo haddii uu ku guulaysto talada Dalka., isagoo qadarinaya inaanu laba xil qofna isku hayn karina uu maanta go’aansaday inuu wareejiyo

 

 

Intaanu xilka wareejin ka hor waxa uu Madaxweyne Siilaanyo sheegay xukuumad ahaan inay ku mashquulsan yihiin dhismaha Xukuumadda isla markaana ay magacaabeen Golihii wasiirada, taasoo uu sheegay inay ku keentay caqabado badan oo ay ugu weyn tahay xukuumadda la yareeyay oo sababtay dadkii iska waayay inay siyaabo badan u saamaysay, waxaanu ka codsaday dadka dareenkoodu lab kacay inay isdajiyaan oo aanay xanaaqin

 

 

Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Maanta lagu wareejiyay xilka Xisbiga ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uga mahad naqay sida kalsoonida leh ee uu xilka u wareejiyay isagoo sheegay inay Afrika ku yar tahay Madaxweyne taladii xisbiga wareejiyay, waxaanu xusay Madaxweyne Siilaanyo inuu yahay Macallinkiisii Siyaasada haday tahay Halgankii iyo haday tahay ta xisbinimadaba

 

 

Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay Axmed Siilaanyo inuu yahay Siyaasi aragtidiisu dheer tahay isla markaana fuliya balamaha, waxaanu xusay maanta oo kaliya inaanu ku sifoobin inuu qadariyo heshiiskii xisbigiisu galay ee uu hore tan oo kale u sameeyay gaar ahaana wakhtigii SNM ee Bali-gaubadle, isagoo intaa raaciyay inuu la shaqayn doono ee aanu ka hor imanayn

 

Waxa munaasibadii xil wareejinta ka hadlay Lbada Guddoomiye ee labada Aqal ee Baarlamaanka Saleebaan Maxamud Aadan iyo C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro”, waxaanay labada Guddoomiye u mahadnaqeen Madaxweyne Siilaanyo sida uu u wareejiyay Guddoomiyenimadii xisbiga, Muuse Biixina waxay u rajeeyeen in Illaahay u fududeeyo xisbiga iyagoo labada masuul Siilanyo iyo Muuseba ka codsaday inay Xisbiyada Mucaaradka ahna dhisaan

 

 

Waaheen

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANTARA   

Siiraanyo is a very shrewd politician; the timing of it is clever. Imagine if this happened before selecting the cabinet, Biixi's supporters would have expected more.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Muse Bixi waan jeclahay. Dadka marka xaaladu adag tahay ummaddoda u halgama waa dad fiican. He was a good fighter and leader during SNM days. Ma aha kuwa Diaspora'ka ka yimaada markay xaaladu kala dagto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

I didn't talk about your point. I talked about mine. :D

 

Midda kale adigu sow dawladii Riyaale maadan aheyn maxaa kaa galay Kulmiye isdoorashadiisa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Haa, laakin dee suuqaas Tuug ayaa rer-miyi ku dhici jiray. Markaa ma reerka Tuugta leh, mise kuwa xoolaha soo iib geeya ayaa ku ceebaysan? :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

Muse Bixi waan jeclahay. Dadka marka xaaladu adag tahay ummaddoda u halgama waa dad fiican. He was a good fighter and leader during SNM days. Ma aha kuwa Diaspora'ka ka yimaada markay xaaladu kala dagto.

 

--------------------

Good Point.

 

Inta nolosha qurbaha ka dhacday ee meesha u xil doonatay tiro maleh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by juma-nne:

quote: Muse Bixi waan jeclahay. Dadka marka xaaladu adag tahay ummaddoda u halgama waa dad fiican. He was a good fighter and leader during SNM days. Ma aha kuwa Diaspora'ka ka yimaada markay xaaladu kala dagto.

 

--------------------

Good Point.

 

Inta nolosha qurbaha ka dhacday ee meesha u xil doonatay tiro maleh.
Sxb, that is a personal attack on individual SOL members. We all know who you mean by this. Quit your personal attacks and say directly to Xaji Xunjuf what you have to say to him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this