Sign in to follow this  
Zaahidah

Xaqa uu ninka ku leeyahay xaaskiisa.

Recommended Posts

Zaahidah   

Bismillaah wa salaatu wa salaamu calaa Nabiyinaa Muxamad wa calaa Aalihi wa saxbihi wa salam intaa ka dib.

 

Alle Xaqa uu inagu leeyahay waa inaan Caabudno oo aynaan cidna la wadaajin Cibaadadiisa, kan Alle ugu cabsi badan baa ugu karaamo badan Adoomada Alle.

 

Intaa ka dib adoomada xuquuq bay isku leeyihiin, Alle xaq buu inagu leeyahay,Zawjka xaq buu kugu leeyahay,ilmaha xaq bay kugu leeyihiin,dariska xaq buu kugu leeyahay,naftaada xaq bay kugu leedahay "fa'acdii kula dii xaqin xaqouh",mid walba oo xaq kugu leh sii xaqiisa.

 

Waa inaynu ogaanaa mar walba cida ina dull saadhay"saartay" xuquuqdan inuu Allah yahay oo aynaan moodin sharci ay "Raggu" soo dajiyeen.

 

Hadaan ka bilowno Xaqa uu ninka ku leeyahay Xaaskiisa waa:

 

1-Adeecid ay ku adeecdo wax walba oo macruuf ah 100%"daacatu zawj bil macruuf".

2-Inaysan gurigiisa soo galin qof uusan raali ka ahayn, firaashkiisa inuusan ku fariisan cid uusan raali ka ahayn.

3-Inaysan dhibin,oysan aff iyo addin dhib ugu gaysan "an laa tusii'a ilayh walaa tu'diih",xumaan oo dhan inaysan u gaysan.

4-Inay ku shukriso zawjkeeda oo aysan ku kufrin "an tashkura zawjahaa walaa takfuruh".

5-Inaysan ka bixin guriga ilaa uu fasaxo ninkeeda ma ahane xataa masaajidka haday aadayso waa inay ka fasax qaadato.

6-Inay isku qurxiso oo ay isku ziinayso dhan labis iyo dhan nadaafad intaba, oo ay u qososho mar walba oo ay waji fur-furan kula kulanto iyo farxad

7-Inay u khidmeyso oo ay uga adeegto gurigiisa iyo caruurtiisa.

8-Inay Maalkiisa u ilaaliso aysan bixin maalkiisa ayadoon ka amar qaadan,oo aysan ka dayicin israaf ku samayn.

9-Inay ku raali noqoto inta yar oo uu Ilaahay zawjkeeda siiyay, inta la hayona ku qanacdo oo aysan ku kalifin ninkeeda waxii nafaqo ahaa oo uusan awoodin.

10-Inay caruurtiisa tarbiyeyso,oo ay si fiican u koriso jir ahaan iyo maskaxiyan intaba,kheyrka iyo wanaaga kula dadaasho"wa hiya mas'uulatun canhum".

11-Sirtiisa inay xifdiso ooy qariso oo aysan sirtiisa bixin, waxa ugu wayn sirtiisa waa arimaha sariirta ku saabsan iyo waxa dhex mara labadooda waa Xaraam inay bixiso sirtaas.

12-Waa inaysan soomin soon sunno ah ayadoo uu ninkeedii joogo ilaa uu u idmo ma ahane.

13-Waa inay wanaajisaa la dhaqanka labadiisa waalid iyo qaraabadiisa dhan, si wanaagsan waa inay ula dhaqantaa.

14-Waa inay gabadha noqotaa mid la dadaasha ninkeeda oo ku dadaasha noloshaa wanaagsan oo uu Alle dhex dhigay inay noqoto mid daa'inta oo jirta,marnaba "furiin" ku fakarin ooysan waligeed waydiisan furiin,marnaba khuluc waydiisan ilaa ay diinteeda u baqdo mooyaane.

15-In hadii ninkeda Alle oofsado oo uu geeriyoodo waa inay 4 bilood iyo 10 habeen u samayso"asay", waxaa laga rabaa mudadaas xumaantii uu u diidi jiray markuu noolaa inay sideedii hore uga fogaato, dadkii uu jeclaa ay u sammo fasho oo ay siduu u xariirin jiray ay u xariiriso

 

Intaa waa xaqa uu ninka ku leeyahay xaaskiisa.

 

Waxan ka soo naqliyay arimahaa aan soo sheegay cajalka"Xuquuqu-zowjayn" ee Sheekhanaa Cabdullaahi Xasan Xaashi"Berberaawi" xafidahullaah.

 

Waxaan jeclaystay inaan ku ziyaadiyo waano aan ku waaninayo gabadhaha.

 

Walaalahayga aan jeclahayow Xaqqa zawjka"ninka ku qaba" waa Cadiim"mid wayn"ee aan ogaano sidaa mana ahan inaan sahlano ,dariiqa aad janno ku galayso walaashayay waa raali galinta zawjkaaga,maxaa yeelay marka aad zawjkaaga u baari fasho ood adeecdo Allaah ayuu ku xamdin oo waxuu ku dadaali siduu kuu wanaajin lahaa adiga.

 

Waa inaad ka farxiso zawjkaaga mar walba,guri nadiif ah iyo adigoo qurux iyo nadaafad leh uu ku arkaa mar walba,ee aysan noqon gabadhii sidii carabta ku maah-maahi jirtay"qirdun fil-bayt......wa ghazaalun fi-shaaric",markay guriga joogtana ay daayeer u ekaato,markay dariiqa socotana ay deero u ekaato,waa inay markay gurigeeda joogto sida ugu qurux badan u labisataa.

 

Waa inay gabadha kula dhaqantaa ninkeeda jeclaan iyo naxariis oo ay dhowrto shucuurtiisa oo ay mar walba ka war hayso siduu dareemayo zawjkeeda,oo ay mar walba waraysato hadii dhib ka soo gaaray shaqada ama banaanka, oysan marnaba hadal uu ka naxo ku dhihin ,hadii khilaaf dhex marona waa inaysan banaanka u saarin arintooda oo ay ayaga dhamaystaan.

 

Maadaama Rabigeen wax aynaan awoodin uusan dusha inaga saarin, ma ahan inay dadku dusha iska saaraan wax uusan qofka kale awoodin, sidaa darteed zawjkaaga wax uusan awoodin ha ku dhibin dhan walba.

 

Ugu danbeyntii waa inay gabadha ku dadaasho xuquuqdaas oo idil oo aysan ka gaabin ayna ka soo baxdo xuquuqdaas hadii ay doonayso Janno lagu waarayo iyo barwaaqo aan dhamaanayn, sida ay u gudan karto xuquuqdaas na waa inay la timaado marka ugu horeysa inay Allaah adeecdo ooy raali galiso Rabigeed ka dibna zawjkeeda raali galiso ayadoo raali-galinta zawjkeeda ku raadinaysa raali-ahaanshaha Ilaahay.

 

Alle ayaan ka baryaynaa inuu gabdhaha Islaamka ka dhigo saalixaat........aamiin...

 

Wa salaamu calaykum

Share this post


Link to post
Share on other sites
Foxy   

^^^^Are You for real!

The above list seems to suit some1 living in the 17th century period, dear we tend to live in world were by, we are more concerened about whats logically and humanally possible...... :cool:

 

I highly doubt that most ppl living in this century would be able to fillful 1/6 of the above requirements let alone abide by them the lot....

 

 

cheers

 

PS that's only my opinion, i only speak for myself

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hawdgirl   

I am not a big fan of posting relplies, but I couldn't help on what you said,

sis-- u need to know what our beloved religion says about the rights of a husband over his wife and vice versa before you jump into conclusion. Because it is a practical aspect in Islam to bestow a legally-enforceable rights and duties of both parties- that is the husband and the wife. In an atmosphere of love and respect, these rights and duties provide a framework for the balance of family life and the fulfillment of both partners.

Here are some Ayahs that might help you out.

 

"And among His signs is this, that He created for you mates from among yourselves, that you may dwell in tranquility with them, and He has put love and mercy between your hearts. Verily in that are signs for those who reflect." (Qur'an 30:21)

 

In the Qur'an, the marriage relationship is described as one with "tranquility," "love" and "mercy." Elsewhere in the Qur'an, husband and wife are described as "garments" for each other (2:187). Garments offer protection, comfort, modesty, and warmth. Above all, the Qur'an describes that the best garment is the "garment of God-consciousness" (7:26).

 

Allah Macaayak sis!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Salafiya.. yaaqee gabdhaha noocaas eh xagee laga helaa...aniga sana u raadinaaye kabaha aab aiga dhameed... meeshaan FOXY oo kale aa nafta noo keentay.. Jeanis ku dhagan iyo funaanad aad u qabtid walaasheed ka yar in ee leedahay intee kuu soo xirtaan bee xijaab nab isku siiyeen..markaas bee rabaan aros gaaleed........Yaaqee aaway gabdhihii la yaqaanay???

 

Wareer Badanaa!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

"qirdun fil-bayt......wa ghazaalun fi-shaaric",markay guriga joogtana ay daayeer u ekaato,markay dariiqa socotana ay deero u ekaato,waa inay markay gurigeeda joogto sida ugu qurux badan u labisataa.

Daanyeer whhaat? :D ! My face hurts from laughing so darn much.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Seeker..kkkkk... Masaajidka waa la is qaarijinooyaa baryahaan.. Gabar waxaa lagugu qaarijinaa oo ciyaal faycali eh..

 

Wareer Badanaaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Zaahidah   

Originally posted by Foxy:

 

I highly doubt that most ppl living in this century would be able to fillful 1/6 of the above requirements let alone abide by them the lot....

 

cheers

 

PS that's only my opinion, i only speak for myself

Foxy Allaah yahdiiki walaalo,you have to be careful when someone tells you cida ina dul saadhay xuquudan waa Allaah,you shouldn't talk about your opinion sister.....maxaa yeelay aniga ma ahan cida aad u jawaabaysa markaa ee Allaah ayaad u jawaabaysaa .......ileyn "As salafiya" ma aysan dajin xuquuqdane.

 

Teeda kale Foxy ma aduunkan 2 da bari ah baad ka dooranaysaa Janno aan laga dhimanayn, oon laga duqoobayn oo qurux oo idil lagu siinayo iyo raaxo aan la aragoo la maqal? hadii aad hada tahay gabar qurxoon by the time you reach 55 years old nin doonaya inuu ku eego ma jiro hadaad soo dhar dhigato xitaa :D

 

Gabadha Muslimada ahi hadii ay aduunkan ka tagto"ka dhimato" iyadoo uu Rabigeed raali ka yahay, zowjkeedana raali ka yahay.....Janno ayay ku waari bi-idnilaah.

 

Allaahuma inaa nas'aluka Jannah, wa na'uudi bika mina-Naar!

 

-----------------------

Allaahuma thabitnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Foxy   

Tuujiyee....adiga maxaa kaa hadalsiinayaa....since uu soomaaligu kugu yaryahay, waxaan isiri hadalka or qoritaanka soomaaliga malaa broken somali's neighbourhood baad ka soo yar amahatay......dude ur somali sucks for real......Bilaa caleyk qadyaan baanu kaa jognaa... ee af hagaagsan Ku hadal, No more Jibrish please, since english kii baa nugu yareeeh as we are migrants, No time for use to double translate ur wicked a$$ somali plz....ee bal yar jilci soomaaligan walaan aad meesha la timid

 

 

cheers

 

 

cheers

Share this post


Link to post
Share on other sites
Zaahidah   

Originally posted by Bishaaro:

 

Daanyeer whhaat? :D ! My face hurts from laughing so darn much. [/QB]

Bishaaro that's what the Sheikh said,laakiin gabdhaheena kuma jirno kuwaa inshaaAllaah ;)

 

Wasalaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Foxy.. horta somaliga ma aha luqad lugu tar tamo oo waa lahjad balaadhan. Aniga waxaan isticmala nooc kaste..ama koonfurta xageeda ama waqooyiga.. Somaliga labo buu u kala baxaa ...MAY iyo MAXAA..aniga labadaba aqoon baan u leeyahay.

 

Meeshaana waan kaaga soo horeeyey oo hada masoo galin.

 

Now!!

 

Yarta somaliga adiga aa gees qalad ah ka fahmay ee baxsoobaro....

 

Salafiya!!!..ayuuto yaaqee..foxy oo kale waaye bajaqyaasha hada socdo nooh. Luqadaada iyo labiskaada lee fiirinaayaan meesha ee kafiirin lahaayeen diintaada iyo imaankaada iyo rag nimadaada....

 

Foxy..cheers mate..kkkk bax somali soo baro geed yahee socodkeeda aad u qabtid geberimaanyo jiis ah!!!

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Foxy   

^^^^Hey sis

You must be the one those that upholds the whole ya hadii kala Allaha Flag yeah, I guess I really fit in that category for real, I must have lost a loose screw some time while back.....

 

I am wondering how does one qualify for such memebership, should I have spoken a one or two about my believes about the Xaqa, or provided should I lead the life of Jeans and Tight T-shirt should be enough to label me on liberal side of the neighbourhood

 

 

cheers

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Nice way to change the topic....

 

and is he to you unless your talking to the sister above me kkkkkk...

 

Take freeking pill darn it......

 

Wareer Bdanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Foxy   

Yaaqi Tuujiyee, adiga..aad baad u jiq jiq badantahay....bilaaah caleyk bal naga aamuu....

 

 

wax kulu murmaa allah ku sahlaaaa

 

 

Cheers mate....and that whole cheers mate is done to upset U ........

Share this post


Link to post
Share on other sites
SeeKer   

:confused: :confused: :confused: I thought it was gabarmanyoo.........U really do utilize somali in ur own way :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this