Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Baasaboorka Cusub Ee Dawlada Somalia Oo Laga Mamnuucay Somaliland

Recommended Posts

Hargeysa (QARAN)- Wasiirka Wasaaradda Duulsta iyo Hawada, Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa daboolka ka qaaday in madaarrada Somaliland laga mamnuucay qof kasta oo sita baasaaboorka cusub ee ay dhowaan soo samaysatay dawladda Mbeghati.

Md. Cali Maxamed Warancadde, waxa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu shalay siiyey telefishanka madaxbannaan ee HCTV.

Wasiirka Duulista oo dhawaan ka soo laabtay socdaal shaqo oo uu ku tegay magaalada Addis Ababa, safarkaas oo ku saabsanaa sidii uu dawladda Itoobiya ugala soo xaajoon lahaa muran ka dhashay go’aankii shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ku hakisay duullimaadyada ay ku timaaddo caasimadda Hargaysa oo ay labada dhinac ka gaadheen heshiis ay shirkaddu dib ugu bilowday duullimaadyadeedii Somaliland, waxa kale oo uu sheegay sheegay in dawladda Ethiopia ugu deeqday Madaarka caasimadda Hargeysa qalab casri ah oo lagu baadhi doono dadka ka dhoofaya madaarka Egal International Airport .

Waxaannu Wasiirku isaga oo arrimahaa faahfaahinayey yidhi; “Caalamka oo dhammi wuu ogyahay in aynu ka go’nay Soomaaliya. Shalay waxa Airport-ka laga celinayey dad soo qaatay baasaaboorka Mbeghati oo ka yimi Jabuuti iyo Kenya oo fiisooyinkay ku soo galeen la diiday, oo lagu yidhi halkani maaha Soomaaliya ee waa Somaliland, markaa fiiso aan Somaliland ahayn ku soo gali kari maysid, markaa innagana waxa inala gudboon caalamka in aynu u sheegno sidii horeba loo waday in baasaaboorka Somaliland la isticmaalo dadkana la siiyo waxa imanaya baahida, markaa waa in nidaam loo sameeyo, oo uu jiro nidaam lagu siiyo dadkii caadiga ah, caalamkana aynu u sheegno haddaanu nahay Somaliland, wixii baasaaboorkaa sita annagaa masuuliyadeeda qaadayna.”

Md. Warancadde oo la weydiiyey su’aal ahayd haddii baasaaboorka Cabdillaahi Yuusuf la isticmaalo dawladda Somaliland ma aqoonsanaysaa, waxa uu Md. Warrancadde ku jawaabay; “Waannu maqlaynay warkaa oo way baahinayaan intaa. Waxa jirtay in muddo lix bilood ka hor in ay habalkan [baasaaboorka] damceen inay baahiyaan oo ay dadka siiyaan, haseyeeshee dawladihii ay u direen ayey wax jawaab ah ka waayeen oo oggolaansho ah. Waxaad moodaa inay doonayaan in ay bixiyaan si dakhli uga soo galo, haseyeeshee innagu dawlad ahaan ma aqoonsanin baasaaboorkaas, mana dhacayso in aynu oggolaano iyo in dhulkeenna lagu soo galo baasaaboorka ay bixinayaan, madaarradeenana kuma soo gali karaan, laakiin kii hore [baasaaboorkii hore ee Soomaaliya] wax dhibaato ahi kama jiraan oo ma joojinayno oo sidiisii buu u soconayaa, inta aynu baasaaboorkeenna dadka wada gaadhsiinayno ee aynu socodsiinayno. Markaa waxaannu jecelnahay in baasaaboorka Somaliland aannu gaadhsiino dadkeenna si ay ugu safraan oo caalamka ka socdo si aynu innagu masuuliyadda qaadno qofka baasaaboorkaa sita ee reer Somaliland ah, wixii ay gaystaana dammiin ka tahay dawladda Somaliland .”

Dhinaca kale, Md. Cali Maxamed Warancadde oo iftiiminayey wadahadal dhexmaray xukuumadda Somaliland iyo Itoobiya iyo qalab cusub oo lagu rakibi doono Madaarka Hargeysa, waxa uu yidhi; “Dhawr cisho ayey qaadatay wadahadalkii aannu ka yeelanay arrintaas si wanaagsan ayaanay ku dhammaatay oo aannu ku soo afjarnay. Sida iminka caalamka ka jirta ama aad maalin walba maqashaan adduunyada qas badan ayaa ka jira, argagaxiso ayaa ka jirta, dagaallo badan oo caalamka ka socda ayaa jira, markaa qolo waliba meesha ay joogto iyo hantida ay leedahay dalkeeda ha taallo ama dibedda ha taalee si weyn baa loo ilaaliyaa.

Qolooyinkaa [itoobiya] marmar badan baannu isla eegnay, waxaanay noqotay Airport-ka Hargeysa inuu la heer noqdo xagga ammaanka mid buuxiya, sidaa awgeed si looga baxo dhibaatooyinka iyo shakiga waxaanu isla garanay habka Airport-ka Addis Ababa oo aannu tagnay sida nabadgalyada loo kaantaroolo in Airport-ka Hargeysa loo kaantaroolo, iyada oo lagu rakibi doono qalabka nabadgalyada (Security Device) Airport-ka Hargeysa si dhakhso ah, qalabkaas oo ah mid casri ah qiimahiisuna dhan yahay $100,000 dollar (boqol oo kun oo doollarka Maraykanka ah). Qalabkan mid waxaannu dhigi doonaa VIP-da midna halka dadka alaabta sitaa dhexmaraan ee gudaha Airport-ka, taasaana ka furan doonta dhibaatooyinkii iyo shakigii jiray oo ah mid aan cidna waxba u dhimayn caalamka badankiisuna ay rabaan. Anigu [Warancadde] markii aan Addis Ababa ka imanayey Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Ethiopia ayaan arkay, qalabkaasi waxa uu ahaa qalab loogu talogalay inay cid waliba dhexmarto, markaa VIP-da Addis Ababa oo kale ayaa kana laga dhigi doonaa [Madaarka Hargeysa], markaa halkaa ayey ku dhammaatay mushkiladdii baadhitaanku.”

Ugu dambayn, waxa uu Warancadde ka hadlay qoraallo been-abuur ah oo uu shaagay inay faafisay dawladda Mbeghati, “Waxa jiray warqado af-reer koonfureed ku qornaa oo muddo dhexdii ahayd la daadiyey oo digniin loogu soo jeedinayey dawladda Ethiopia , waxyaabaha cabsida keenay waxaasaa ka mid ah. Waxa kale oo jira diyaaradda ka tagta Somaliland ama Soomaaliya rakaabka ay sidaa Ethiopia oo kaliya uma socdo ee meelo kala duwan ayuu tagaa. Markaa meel kastuu tago diyaaradda ayaa lagu xidhaa ammaanka dadka ay keenayso inay baadho, sidaa darteed bay tahay inay iska hubiyaan. Maaha Ethiopia oo kaliya ee innaga [ Somaliland ] waxa inoo wanaagsan in aynu ilaashano ammaanka oo aynu ka wada shaqayno,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Md. Cali Maxamed Warancadde.

Waa markii u horreysay ee ay xukuumadda Somaliland si cad uga hadasho go’aankeeda ku wajahan dhaqangalka baasaaboor cusub oo ay dhowaan soo samaystay xukuumadda Mbeghati ee uu Cabdillaahi Yuusuf hoggaamiyo, kaas oo ay ku sheegeen in qaadashadiisa laga hirgelin doono dhammaan gobollada iyo degmooyinkii dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Somaliland ku jirto.

Source:Jamhuuriya

Share this post

Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...awalba baasaboor siyaasad iyo in dadka qaar loo diido loo samaystay buu ahaa, marka inta Soomaali ka midoobeyso who cares meeshii laga diido. Well done Waqooyi Galbeed.

Yes, SL can flex its muscles and say TFGs passports are null and void. But the entire world is telling SL the same.

Real question is, which passport wins the final battle? I'm betting the ranch on the TFG issued one.

Somaliland bans use of new Somali passport

The minister of aviation, Hon Ali Muhammad Waran-Adde, has announced a ban on the new Somali passport printed by the Mbagathi government [reference to the Transitional Federal Government of Somalia, the TFG] at all Somaliland airports.

Hon Ali Muhammad Waran-Adde announced the ban when he gave an interview to the independent TV station , HCTV [Hargeysa Cable TV].

The minister returned recently from a duty trip to Addis Ababa. The aim of the visit was to discuss with the Ethiopian government the dispute sparked off by the decision of the Ethiopian Airlines to suspend all flights to Hargeysa. The two sides have now agreed that the company should resume its flights to Somaliland.

The minister also announced Ethiopia would donate modern equipment to the airport in Hargeysa. This equipment would assist in the security screening of passengers going through Egal International Airport.

BBC Monitoring

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this