Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo JANAN: Axmed Madoobe waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyay oo qarax maleegay, lana beegsaday…

Recommended Posts

Deeq A.   
Janan.jpg?fit=960%2C800&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirashiid Janan, wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland oo haddana kamid ah siyaasiyiinta sida weyn isku hayaan madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxa uu ku eedeeyay inuu ahaa qofkii u horreeyay ee qarax maleegay.

Janan ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu 2006-dii uu maleegay qarax lala beegsaday madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf AUN, illaa haddana uu qaraxyo siyaasadeed ka rido deegaanada gobolka Gedo, sida uu ku sheegay wareysi cusub oo uu bixiyay.

“Axmed Maxamed Islaam waxa uu ahaa shaqsigii u horreeyay ee Umadda Soomaaliyeed qarax ay ku dhintaan oo hantidooda ku burburtay, qalbigoodana ka naxo geystay illaa 2006-dii oo lagu fuliyay madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.”

“Axmed warkayga waa dhageysanaya isaga ayaa marqaati u qabsanaya oo saddex berri gaarigaas qooqanta gacantiisu ku waday oo ka ilaalinayay inay dadka ku qaraxdo maalinkii dambena ninkii naftii haligaha usoo dhiibay.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waa qaraxii koowaad ee Umadda Soomaaliyeed ay dhagahooda maqlaan, dhiiggooda ku daato, oo ay hantidooda ku burburtay.”

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in qaraxyada ka dhaca gobolka Gedo ee fuliso Al-Shabaab, uu soo dhex-marsado Axmed Madoobe, si loo cabsi geliyo siyaasiyiinta is hayaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Qaraxyadan loo soo xawilay Gedo waxay Al-Shabaab noqdeen aalad la adeegsado, hadda aragtaan qarax lala raadsaday qof siyaasi ah ama ganacsada waxaa la yidhaahda; walaal muxsin ah ayaa waxa uu naga soo dalbaday in mujrim hebel loo dilo oo dhaqaalihiisana wuu la baxay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in aan marnaba lagu argagaxeyn, laguna ogolaaneyn hoggaanka Kismaayo qaraxyada siyaasadeed ee uu soo maleego, sida uu ku eedeeyay madaxweynaha oo uu xilligaan kala dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed xooggan.

“Waa la noolanayaa waxaan hubaa colaad iyo naceyb kaga siyaada adiga (Axmed Madoobe) mooyaane iyo waxa ku weyde wanaag kuma helaysid.”

The post Daawo JANAN: Axmed Madoobe waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyay oo qarax maleegay, lana beegsaday… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this