Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay Xasan Sheekh kala hadleen madaxda ugu sareysa ATMIS?

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-iyo-ATMIS.jpg?fit=2048%2C1368&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada dalka kula kulmay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef.

Sidoo kale danjiraha Midowga Afrika waxaa kulankaan uu la yeeshay Madaxweynaha ku wehliyey Taliyaha guud ee ciidamada ATMIS Sam Okiding.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiishaan kala ka wadahadlay  habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024-ka.

Sidoo kale masuuliyiintaan waxay kulankooda diiradda ku saareen qorshaha ay ciidanka ATMIS amniga qaranka ugu wareejinayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ambasadoor Mohamed El-Amine Souef ayaa bogaadiyey dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku bixineyso dagaalka argagixisada looga xoreynayo dalka.

Dhinaca kale kulankaan waxaa looga hadlay dardargelinta howlgallada wajiga labaad ee lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo khatar ku ah nolosha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee ciidanka Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka.

Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee sidoo kale kulankaan looga hadlay waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka, si loo gaaro Soomaaliya nabad ah.

351492856_669258455245297_28587195005702 Xasan-iyo-ATMIS.jpg?resize=696%2C465&ssl Xasan-Sheekh-1.jpg?resize=696%2C511&ssl=

The post Sawirro: Maxay Xasan Sheekh kala hadleen madaxda ugu sareysa ATMIS? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this