Sign in to follow this  
Deeq A.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay qoraal uu maanta soo saaray madaxweyne Xasan

Recommended Posts

Deeq A.   
321782653_532744082247020_55446065951127

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Marxuum Maxamuud Maxamed Nuur.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka .

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in marxuum Maxamuud Maxamed Nuur uu u soo adeegay qaranka, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo heer qaran, kuwaas oo ay ka mid yihiin Gudoomiyihii Bankiga Horumarinta Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhaxe.

Qoraalka madaxweynaha meelna loogama xusin shacabkii ku dhintay weerarkii ay xalay Al-Shabaab ku qaadeen xeebta Liido iyo carruurtii ku dhammaatay qaraxii isna ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee Sh/Hoose, taas oo ay ka dhalatay falcelin aad u xoogan.

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn arrintan ugu dhaliilay madaxweynaha iyo guud ahaan kooxda ka shaqeysa xafiiskiisa.

Sidee looga fal-celiyay?

“Waxii shacab dhamaaday ma ninkaan bas looga tacsiyayanayaa xitaa geerida wa la kala qiyamaa HSM,” ayey tiri gabar Facebook-ga kusoo gasha magaca Maria.

“Qarixii xalay maxaa uga tacsiyeey weeysay?” ayuu isna yiri wiil kale oo lagu magacaabo Cali Sheekh Cabdi.

“Carruurti Janaale ku dhinteen oo la gumaaday no Answer miyaa madaxweynow?” ayuu Cabdullaahi Xasan Yuusuf uga fal-celiyay qoraalka Villa Soomaaliya.

“Villadaan waa meel habaar ku dhacay qofkii galaba horay ayuu iska beddelayaa, Alle ha u naxriisto Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe iyo dhammaan walaalihii xalay ku shahiidday qaraxii ay khawaarijta ku weerareen Pearl Beach” sidaasna waxaa yiri Cabdimaajid Cusman.

“Mudane madaxweyne aaway shacabkii Pearl Beach lagu laayey ay ugu horreyso walasheen Nasro. Yaa masuul ah oo loo soo qabtay mise shaqadiisa looga ceeyriyey masuuliyad darradaas amniyeed ee dhacday xalay?” ayuu yiri Amb Aadan Ahmed.

“Alle ha u naxaristo marxuumka kuwii xalay la xasuuqay masuliyadeeda cid lugula xisaabtamo lama yaqaano miyaa ilaa hadda?” ayuu isaguna yiri Ismaaciil Cabdi Maxamed.

The post Fal-celin xooggan oo ka dhalatay qoraal uu maanta soo saaray madaxweyne Xasan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this