Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Sare ee Islaamka dalka Itoobiya oo war kasoo saaray masaajid la burburiyey

Recommended Posts

Deeq A.   
Golaha-Sare-Islaamka-ee-dalka-Itoobiya.j

Sheger (Caasimada Online) – Golaha sare ee arrimaha Islaamka ee dalka Itoobiya, ayaa sheegay in 22 masaajid oo ku yaalla maamulka magaalada Sheger ee gobolka Oromada la burburiyay, sababo la xiriira “iyagoo loo dhisay qorshe la’aan iyo sharci la’aan”.

Arrintan ayaa laga codsaday gobolka in laga keeno “xal deg deg ah, taas oo ku saabsan dhammaan su’aalaha masaajidada dadka Mslimiinta ah”.

Wafti uu hogaaminayo Sheekh Xaaji Ibraahim Tufa, oo ah gudoomiyaha Golaha Sare ee arimaha Islaamka dalka Itoobiya, ayaa maanta la hadlay madaxa deegaanka Oromada, Shimelis Cabdisa.

Shiiqa ayaa soo saaray bayaan ku saabsan arrintaan baaqa ah ee maamulka ku socota iyo wadahadalkii isaga iyo madaxa gobolka Oromada.

Waxaa la sheegay in wada hadal socday muddo shan saacadood ah lala yeeshay madaxda dawladda ee gobolkaas, wadahadallada ayaa ku saabsanaa burburinta masaajidda magaalada Sheger ee gobolka Oromada ee ku xeeran magaalada Addis Ababa.

Waxaa sidoo kale la sheegay in dooda Shiiqa iyo madaxda ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha Golaha Sare ee hay’adaha diinta ee ismaamulka Oromiya, iyo waliba madaxda sare ee Oromiya.

Golaha sare ee arrimaha islaamka ee dalka Itoobiya ka dhisan iyo shucuubta Muslimka ah ee dalkaas waxay taageersan yihiin “casriyeynta, horumarka iyo koboca” meel kasta oo dalka kamid ah.

Wadanka Itoobiya waxaa ku nool bulsho badan oo Islaam ah, gobolka Oromiya oo hadda ay ka taagan tahay cabashadaan burburinta masaajidda wuxuu ka mid yahay gobollada dalka Itoobiya uggu muslimiinta badan.

 

The post Golaha Sare ee Islaamka dalka Itoobiya oo war kasoo saaray masaajid la burburiyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this