Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Dhacdo xanuun badan 25 carruur ah oo maanta qarax ku dilay Qoryooley

Recommended Posts

Deeq A.   
Capture.png?fit=448%2C448&ssl=1

Qoryooley (Caasimada Online) – 25 Carruur ah ayaa ku geeriyootay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose, kadib markii uu ku qarxay mid kamida haraadiga madafiic hore oo ay ku ciyaarayeen.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley oo la hadlay Dalsan TV ayaa sheegay in carruurtaas goobta ku cayaarayeen Banooni, balse qaarkood ay gargaraaceen hub hore oo muddo goobta yaallay.

Wuxuu sheegay in 22 ka mid ah ay goobta ku geeriyoodeen, halka seddaxda kalena ay dib ka geeriyoodeen kadib markii goobta laga soo qaaday iyagoo qaba dhaawac culus.

“Saakay waxay aheyd Jimco wixii iskuul iyo dugsi lahaaba ciyaalkii waxay aadeen banooni, kadibna waxay garaaceen oo ku qaraxday bir weyn, waxaa halkaas ku geeriyootay 22 ka mid ah, 3-da kale oo mid Xamar loola cararay dib ayey ka geeriyoodeen,” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley.

Wuxuu intaas ku sii diray in carruurta geeriyootay ay da’doodu u dhaxeysay 15 ilaa 10 sano, “Hal gabar kuma jirin wiilal kaliya ayey ahaayeen,” ayuu yiri.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in carruurtaan ay ku geeriyoodeen tuulo yar oo 5 KM u jirta magaalada Qoryooley, “Wadankaan wuxuu soo maray dagaal badan, waxa carruurtaan ku qarxay muddo ayey yaaleen halkaas oo hadda dhow wax la riday maaha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley.

Maamulka degmada Qoryooley ayaa dalbaday in dadka ku nool aagga degmadaas laga badbaadiyo khatarta ka soo wajaheysa qaraxyada ka dhalan kara haraadiga dagaaladii sokeeye iyo kuwii lala galay argagixisada.

“Dadkaan wacyi gelin ayey u baahan yihiin waxaan aqoon uma lahan, 2018-kii 8 qof ayaa sidaan oo kale ugu geeriyootay haraadiga waxyaabaha qarxa, waxaan ka codsaneynaa madaxda K/Galbeed inay hey’adaha ka shaqeeya arrimahaan ka dalbadaan inay wacyi gelin u sameeyaan dadkaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley.

Dhankiisa, Gudoomiyaha degmada Qoryooleey Ibraahim Malabow oo la hadlay BBC ayaa sheegay in deegaanka uu qaraxu ka dhacay lagu magacaabo Muraalle, isla markaana dhaca inta u dhaxeysa Qoryooley iyi Jannaale.

Gudoomiyaha ayaa ku eedeeyay kooxda Al-shabaab in ay hubka carruurta ku qarxay ay meesha dhigeen “Dowladdu Bam meel ka dhigto, waxaa halkaas Bamka dhigay Khawaarijta,” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Qoryooley.

Hoos ka dhageyso wareysiga

The post Dhageyso: Dhacdo xanuun badan 25 carruur ah oo maanta qarax ku dilay Qoryooley appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this