Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub: Al-Shabaab oo galay hotel ku yaalla xeebta Liido

Recommended Posts

Deeq A.   
DEG-DEG.png?fit=1000%2C522&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ku billowday qaraxyo ayaa caawa lagu qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayada oo la maqlay dhowr qarax oo is-xigxigay iyo rasaas xooggan.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay galeen hotel Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido, ayaga oo adeegsanaya weerar qaraxyo ku billowday.

Wararka soo gaaraya Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaya in la maqlayo rasaas xooggan oo dhaceysa, waxaana loo maleynayaa inay u dhaxeyso Al-Shabaabka iyo ciidamada dowladda.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in weerarka ay fuliyeen rag soo xirtay jaakadaha qarxa, kadibna ay koox hubeysan ku xigsatay, kuwaasi oo hadda gudaha ka dhex dagaalamaya.

Xeebta Liido ayaa ah meel habeenada Jimcaha aad u mashquul badan, oo ay tagaan dhallinyarada, waxaana la arkayey dad ka kala cararaya goobta, balse waxaa sidoo kale jira dad ku go’doonsan aagga.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse weli xog rasmi ah lagama helin heerka uu gaarsiisan yahay.

Faah-faahin naga filo dhowaan, Inshaa’Allah.

The post Xog cusub: Al-Shabaab oo galay hotel ku yaalla xeebta Liido appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this