Sign in to follow this  
Suldaanka

Interview with Ahmed Naaji on a visit to Hargeisa

Recommended Posts

530_Naaji3..JPG

[back Right-to-Left: Abwaan Cabdi Qays, Hobol Ahmed Naaji, Abwaan Bulbul Cabdi Madoobe, Abwaan Adan Tarabi Oogle]

[Front Right-to-Left: Abwaan Ibrahim Gadhleh, Uknown ####, Fanaanka Mohamed Bousi]

 

 

================

 

 

Hargeysa-(HWN)-Waxaa booqasho ku joogay muddo laba maalmood ah Fanaanka Weyn ee Caanka ah Axmed Naaji oo la socday Wefdi isugu jiray Shirkada COMAD ee laga leeyahay dalka jabuuti iyo shirkad kale oo lagu magacaabo SIYANCO oo Sacuudi ah kuwaas oo heshiis laba geesood ah la galay Xukuumada Somaliland sidii ay u balaadhin lahaayeen Dekada Magaalada Berbera.

 

Haddaba, Fannaanka Axmed Naaji ayaa intii aanu ka tagin magaalada Hargeysa aanu waraysi kula yeelanay halkaas waxaanan wax ka waydiinay waxyaabo ay ka mid yihiin sida uu socdaalkiisu ahaa iyo guud ahaanba sida uu wax u arko, waana kan waraysigii :

 

S.> Axmed Naaji waxaad ugu horayn iiga warantaa socdaalkan

aad ku timdi somaliland muxuu ahaa ?

 

J.>Socdaalkaygani run ahaantii waxaa uu ahaa in aan soo arko

dalkii iyo dadkii waayo muddo aad u dheer oo 18 sannadood ah maan arag markaas sidaas ayaan u imid Hargeysa.

 

S.> Waxaad la socatay Xubnaha Shirkadaha ah markaa adigu ma

ka mid baad tahay shirkadaha ?

 

J.>Maya anigu anigoo jooga Suudaan oo aan maalmahan joogay oo

aan ugu tagay Maxamed Werdi ayaan soo maray Adis Ababa

markii aan marayo ayaan ogaaday in saaxiibkay oo ganacsade

ah Sacad Sheekh Muuse iyo shirkaddaasi ay imanayaan

Somaliland sidaas markaan ogaadayna waxaan go’aansaday inaan

iyaga soo raaco iyadoo aanay markii hore ii qorshaysnayn

imaatinkani markaa waxaan soo raacay iyaga waanan la noqoyaa

maantaba.

 

S.> Waxaad sheegtay in aad ilaa 18 sanadood aanad arag

Hargeysa maxaa iska bedelay ?

 

J.> Walaahi aad bay isu badashay tacajib waaye, waxaan ogaa

Hargeysa oo sedan aad uga duwan laakiin hada waxaan

dareemayaa waxa ku kordhay magaalada Hargeysa oo balaaratay.

Waxaan arkay guryo badan oo casri ah oo laga dhisay

magaalada waxaa iga cajabiyay qaabka ay magaaladu u fiday

waxaan dareemayaa isbeddel aad u weyn tan iyo markii iigu

dambaysay, waanan wax lagu farxo run ahaantii.

 

S.>Axmed maxaad filaysay intii aanad Hargeyas iman?

 

J.>Waxaan filayay waxa aanan hada ku arag waayo waxaan kala

kulmay Hargeysa soo dhawayn aad u wanaagsan. Shalay waxaan

la qadeeyey Madaxweyne Xigeenka Somaliland waxaan arkay

dadkii oo aad ii soo dhawaynayaa. Laakiin markii hore dad

baa igu lahaa waar meeshaas waa qabiilaystayaale maxaad ka

doonaysaa. Waar meesha iskaga joog laakiin waxaan la kulmay

in cid kastaaba ii istaagto oo aan dareemo qofkii dalkiisii

yimid. Waad arkaysay Fagadhe iyo raggii nin kastaaba salaan

buu iila kacay.

 

S.> Maxaa kuugu dareen badnaa Axmed Naaji socdaalkaaga

Somaliland?

 

J.>Waxaa iigu dareen badnaa oo aan mar walbana niyada ku

hayay in aan arko Shamis Abokor Guduudo Carwo oo ahayd

Hooyadii fanka soomaaliyeed. oo ahayd qofkii ugu horeeyay ee

qaraamiga qaaday oo aanan marna ilaawi karin waanan arkay.

Gurigeeda ayaan ugu tagay waanan isku oynay. Waxaa kale oo

aan u doonayay in aan mar uun isdul taago Xabaasha Abwaankii

Weynaa aabihii Fanka Soomaaliyeed Cabdilaahi Qarshe waanad

aragtaa waan u faatixeeyey. Waxaa ii sheegtay inay dhistay

Maryan Mursal waana wax aan niyadda mar kasta ku hayay.

Labadaas arrimood ayaa aad iigu weynaa labadiina waan

sameeyey. Waana muhimadda socdaalkayga.

 

S.>Maxaad odhan kartaa Somaliland waa guul ay gaadhay ?

 

J.>Waxaan odhan kara waa nabadda. Nabad gelyo iyo nolol baa

taala xalay ilaa labadii habeenimo ayaan soconayey aniga iyo

inankii gaadhiga noo waday meel kastaba waan marnay madowga

waan dhex marnay markaa xitaa maanu arag Askari na joojiya

oo qori wata. Waxaa meesha taala nabadgelyo waaye, wanan ku

farxay in dhulkeenii uu sidaas ahaado. Waxaan kale oo iyana

xusuus mudan ragii nabadgelyada adkeeyay ee keenay waa ku

mahadsan yihiin. waxaana salaam gaadhsiinayaa dhammaan dadka

Somaliland iyo dul ahaan shacabka.

 

S.> ka waran kulanka aad la kulantay Abwanaada kala ah Cabdi

Aadan Qays, Ibraahin Gadhle, Aadan Tarabi Oogle,iyo fanaanitaba ?

 

J.>Aad baan ugu farxay waana kulan wanaagsna in aanu Hargeysa

isugu nimaadno Abwanaadan xurmada leh markii aan imanayay

maan moodayn inaan intayadaas oo dhan halkan iskugu imaan

doono, laakiin waxaan filayaa inaan nasiib wanaagsanahay.

 

S.>Ka warran suugaantaada hadda ma samaysaa heeso Jacayl ah ?

 

J.>Anigu sidii burburku u dhacy maan samayn hees jacayl ah

waxaan qaadaa heeso wadani ah. Waxaan xusayaa heesta aanu wada qaadnay ee cusub Saado Cali.

 

 

Fannaanka Axmed Naji waxaa kale oo uu ii sheegay in uu mar

labaad ku soo noqon doono magaalada Hargeysa isagoo

qorshaysan. Waxaanu intaas ku daray inuu qayb ka yahay olole

dib loogu dhisayo tiyaatarka magaalada Hargeysa sababtoo ah ayuu raaciyay hargeysa waxa waaye meeshii Fanka kasoo bilaabmay. Waxaanu yidhi salaan iga gaadhsii dhamaan ummadda.

 

Waxaa Waraysigan Magaalada Hargeysa kaga soo qaaday Wariye Husein Ali Dhuh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^^....LooL...well maybe he was looking for something to squeeze.

 

It is to good see Naaji, We were nieghbors in Bilaajo Carab..Good people, they were always something going in their house. It is to see he is alive and kicking!!

 

Just one thing though....About the tone of the interview, I could never imagine Naaji saying a word like Gaadhi....Gaari Yes....LOOOOOOOOL.

Maybe every person entering Hargeysa is given 30 minute crash course on qaldanized Somali....LOL

It is good to see Hargeysa is blooming...I hope the same success can be duplicated in other cities specially in the eastern cities like Erigavo.

 

Suldaanka....Would you think the Hargeysa will wanna listen to his Wadani songs.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol@Fyr-Kanten

they call it a heterosexual love making sxb. smile.gif

 

 

Originaly posted by Che-Guevara: Suldaanka....Would you think the Hargeysa will wanna listen to his Wadani songs.

I am not very familiar with Ahmed Naaji's Wadani songs, but I am sure he has hundreds of good songs to share. Hargeisa waa Hoyga Fanka Ummadda Somaliyeed. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Suldaanka:

Hargeisa waa Hoyga Fanka Ummadda Somaliyeed.
;)
[/QB]

LoooooL......Sxb, Iam not disputing what Hargeisa is or isn't.... As for Naaji's songs, you got point. You might not indeed be familiar with his songs, but then again you don't need to be familiar with his songs to figure out what his songs would be about.

Share this post


Link to post
Share on other sites

You might not indeed be familiar with his songs, but then again you don't need to be familiar with his songs to figure out what his songs would be about.

If you are saying that Ahmed's "wadani" songs do advocate for "unity" of Somalia which is very unpopular among reer Hargeisa and in Somaliland in general, then I think it would be very unrespectful on his part had taken such a path knowingly/ deliberately.

 

But as I said, am sure there are a lot of good and moderate Suugaan that he would share with his reer Hargeisa audience.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

"Waxaan filayay waxa aanan hada ku arag waayo waxaan kala

kulmay Hargeysa soo dhawayn aad u wanaagsan. Shalay waxaan

la qadeeyey Madaxweyne Xigeenka Somaliland waxaan arkay

dadkii oo aad ii soo dhawaynayaa. Laakiin markii hore dad

baa igu lahaa waar meeshaas waa qabiilaystayaale maxaad ka

doonaysaa. Waar meesha iskaga joog laakiin waxaan la kulmay

in cid kastaaba ii istaagto oo aan dareemo qofkii dalkiisii

yimid. Waad arkaysay Fagadhe iyo raggii nin kastaaba salaan

buu iila kacay."

 

 

 

Che

I think the welcome Mr. Naaji got in Hargeisa is enough and giving him play-time on radio would've looked like an over-kill. smile.gif

 

 

Btw, the man is multi-talanted, and he has been in the region before and does not need a 'crash course' in standard/textbook Somali. ;)

 

lol@Fyr-Kanten

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ayoub-Standard/textbook Somali...Hhhmmmmmmmm

well, who is to stay thats the standard/textbook Somali. It is all matter of opinion. For all we know people in Baydhabo could be speaking the standard Somali. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Che-Guevara:

Ayoub-Standard/textbook Somali...Hhhmmmmmmmm

well, who is to stay thats the standard/textbook Somali. It is all matter of opinion. For all we know people in Baydhabo could be speaking the standard Somali.
;)

If they did, you would not have those 'doubts', would you? Btw, you can speak how you like, but I think written word should be standardised.

 

I know a friend who has the old Somali Republic textbooks, I'll check whether they say; GAADHI, GAARI or whatever reer Bay choose to call. smile.gif;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Originally posted by AYOUB_SHEIKH:

I know a friend who has the old Somali Republic textbooks, I'll check whether they say; GAADHI, GAARI or whatever
reer Bay
choose to call.
smile.gif;)

Actually, Reer Baydhabo say baabuur, whereas some other Southerners prefer the butchered Talyaani word, "fatuurad." And talk about "gaari," a borrowed Hindi word, gadi. Type "vehicle" there. Or here as it is explained gaari/gaadi. A third clarification for you, Mr Standard Soomaali.

 

Now, let's talk about the TRUE and the only original Soomaali word for car or vehicle then. redface.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

lahjad reer woqooyi is seen as crooked. that explains the word 'qaaldaan'.

So says a reer mudug boy who is clearly biased.

 

What makes your Somali correct and theirs as crooked?

 

Arrogance is what I call it brother ;) .

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Now, let's talk about the TRUE and the only original Soomaali word for car or vehicle then.
redface.gif

I know things tend to fly over your nest, but, we were talking about the correct or standard way of writing the word GAADHI/GAARI. One of previous posts clearly says: Btw, you can speak how you like, but I think written word should be standardised.

 

I knew where the ' somalised' word GAADHI came from - even though your links didn't help much - we were discussing whether spelling it GAADHI was 'crooking the language'. It's like an English man and an Australian discussing the correct way of spelling 'PETROL' and an American saying it's 'GAS'. You're probaly right about BAABUUR being more appropriate - even though I remember reading somewhere that it too has an Indian origin - but thats besides the point.

 

Actually, Reer Baydhabo say baabuur

That IS great smile.gif

 

But how do they spell the word GAADHI/GAARI?. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

^^^^^Negro? :confused: :confused:

Kettle calling the pot black.Wow ismaan laheyn dad sidan oo kale u caqli xun baa aduunka ku nool.Like the Somalis long said cimriga oo dheer geel dhalaaye ku tusaa. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this