Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirada Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo Ruushka oo shir gaar ah yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1685107514830.jpg?resize=720%2C47

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya , Abshir Cumar Jaamac Huruse ayaa gaaray magaalada Moscow ee dalka Ruushka, halkaa oo uu wada-hadallo kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov.

Lavrov ayaa sheegay in ayada oo la isku haleynayo guulihii la gaaray tobbankii sanno ee uu tegay, ay labada dal si firfricoon u horumarinayaan una xoojinayaan iskaashigooda dhinacyo badan.

Wuxuu intaa ku daray inay marinno laba geesood ah uga shaqeynayaan ajendayaasha gobolka, kuwa Qaramada Midoobe iyo masraxyada caalamiga ah.

Sidoo kale , labada dhinac ayaa ka wada-hadlay u diyaar garowga shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika oo dabayaaqada bisha Luulyo ka dhici doona magaalada St. Petersburg.

PUNTLAND POST

The post Wasiirada Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo Ruushka oo shir gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this