Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabab oo sheegatay in ciidamo Ugandes ah ay ku qabatay weerarkii Buulo Mareer

Recommended Posts

Deeq A.   
Sawirka-Shabaabka-weeraray-Afgooye.jpeg?

Buulo Mareer (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo war cusub kasoo saartay weerarka saaka waaberigii ay ku qaaday saldhigga ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM) ee magaalada Buulo Mareer, kaasi oo ay sheegtay inay ku qabatay askar Yugaandheys ah.

Sheegashada kooxda oo ay baahisay warbaahintooda ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in kooxdu ay qabsatay gebi ahaanba saldhiga, inkasta oo sheegashadan si dhab ah loo xaqiijin karin.

Kooxda ayaa sheegatay dhimashada in ka badan 137 ka tirsan ciidanka howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in nolosha ay ku qabteen askar Yugaandheys ah, ayna hadda maxaabiis ahaan ay gacanta ugu jiraan maleeshiyada weerartay saldhiga, sida ay ku sheegeen bayaan ay kasoo saartay kooxdu weerarkan.

Sheegashada kooxda Al-Shabaab si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Kooxda ayaa inta badan guulo ka sheegata weerarada ay la beegsato xeryaha ciidanka, xilli uu guluf dagaal oo xooggan uga socdo qeybo kamid ah gobollada dalka, uuna dhawaan billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS iyo dowladda Uganda, oo la xiriira weerarkan iyo inta uu khasaaraha gaarsiisan yahay.

The post Al-Shabab oo sheegatay in ciidamo Ugandes ah ay ku qabatay weerarkii Buulo Mareer appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this