Sign in to follow this  
Emperor

East Africa University Student's graduate - Galkacyo Campus

Recommended Posts

Emperor   

Dufcadii ugu horaysay ee ka Qalin Jabisay Jaamacada EAST AFRICAN UNIVERSTY Qeybteeda Mudug oo Qalin Jabi say

 

 

Mogadishu Friday, 30 January 2009 SMC

 

Waxaa Maalintii Shalay Ahayd Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka MUdug Ka Qalin Jabi say Ardaydii ugu horaysay ee kabaxda Jaamacada East African Universaty Laanteeda Gaalkacyo.

 

Xafladii QAlin Jabinta Ardaydaasi oo ka dhacday Hoolka Shirarka ee Hotel-ka Amal Palza ayaa waxaa ka soo Boqolaal Dadweyne ah, Maamulka Gobolka,KanMagaalada Gaalkacyo, Takhaatiir, Macalimiin & Dhamaan Ardayda & Macalimiinta Dugsiyada Sare & Jaamacadaha Gobolka Mudug.

 

Waxaa Halkaasi Laga Soo jeediyey Khudbado kala duwan oo ay Soo jeediyeen mas'uuliyiinta ka soo qeyb Gashay Xafladaasi oo Dhamaantoodba Sheegay in Ay aad ugu faraxsan yihiin Xafladan Qalin jabin ta ah ee Ka dhacday Magaalada.

 

Ugu horayn waxaa Halkaasi ka Hadlay Madaxa Qeybta Computer Sinece-ka ee Jaamacada Bariga Africa Prof:Sayid Maxamed Clle Xassan, Oo ka hadlay Wax yabaihii kala duwanaa ee soomaray intii ay wadeen Jamacadan asaga oo sheegay in ay soo mareen Dhibaatooyin kala duwan balse Sheegay inuu Hada ku Faraxsan yahay in Ay heerkan Soo gaarsiiyeen Jamacada.

 

Dr:CQaadir Maxamed Jaamac (Dhagacade) oo Kamid ah Takhaatiirta ugu Caansan Gobolka Mudug oo kamid ahaa dadkii ka soo Qeyb Galay xafladaasi ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Ardaydan Qalin Jabisay Waxaana uu ku booriyey in ay Dalkooda & Dadkooda ay wax Taraan.

 

Waxaana uu Dhakhtarku Ku booriyey Dadka Aqoonyahanada Ah ee Dibada Jira in ay Dalkooda u soo laabtaan waxna Taraan Umadooda Ee ay san DIbada Iska Wareegin.

 

Duqa Magaalada Gaalkacyo Col:Axmed Cali Salaad ayaa Guntii & Gaba Gabadii Ka hadlay Xafladaasi waxaana uu sheegay in uu soo dhaweynayo Ardaydan Waxaana uu mahad Balaaran u soo jeediyey Madaxda Jaamacada Bariga Africa wuxuuna Ka codsaday in ay sii wadaan Howsha adag ee Ay dadkooda u hayaan.

 

isku Soo wada Duub oo Xafladan ayaa ku dhamaatay jawi aad u wanaagsan oo Faraxdeed,qaarkamid ah ardaydii halkaasi ka qalin Jabisayna waxa ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin Xafladoodan waxayna u mahadceliyeen Dadkii Soo abaabulay & Kuwii ka soo qeyb Galayba.

 

Wariye:cabdiqani Xayir Sheekh Cali.

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

She is amazingly beautiful. I'd get to know her anyday. Yaa garanaya talow? emailka ama telephonkeeda yaa iiga soo qora aan barafka saree. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waar soodigii lahaa waan guursanayaa in May or something ... durba miyaad ka carari lahayd miskiinada ? ,, :D

 

 

Great development indeed ....

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Waar soodigii lahaa waan guursanayaa in May or something ... durba miyaad ka carari lahayd miskiinada ? ,,
:D

 

 

Great development indeed ....

JB, make sure you are addressing the right Red-Sea, only one of them said he will get marry in August :D

 

 

PS: Waa quruxley aabaheed ......

Share this post


Link to post
Share on other sites

marka hore this is a great developement mashlaah

 

but Why in the world would this be posted in the politics section ? ... im not seeing any political angle to it at all.

 

would have been better in the General

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this