Sign in to follow this  
Captain_Mike20

Listen Somali's....a real prospective of the onlf sea run across somaliland.

Recommended Posts

ANTARA   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

quote:Originally posted by Xaji_Xunjuf:

[qb] Horta how come koonfurians Cant pronounce Kh they use Kh for Q weirdo’s

Dadka 'kh' iyo 'q' ku wareera waala yaqaan.

 

Mida koowaad xarafka 'q' Afsoomaaliga kuma jiro, koow dheh. Tan labaad, Carabiga laga keensaday, laba dheh.

 

Tan shanaad Soomaalidii Afsoomaaliga qoray in '70s 'kh' waxee u dhaafeen ereyada asalkooda Carabi kasoo jeedo oo 'nouns' ah sida magacyada iyo meelaha (i.e. mukhtaar, makhtal), ereyada Carabta 'kh' ka dhigtaan oo Afsoomaali ku jiro oo Carabi kasoo jeedana oo aan noun ahayn 'q' ayaa la isticmaalaa (i.e. qaldan, qafaal).

 

Erey Soomaali oo wada asali ah 'q' kama bilowdo, kumana jirto, sida dadka qaarkood ugu wacaan ereyga barqad ama magaca Barqadle 'bar
kh
ad' ama Bar
kh
adle oo qaldan.

 

[/Q]
Btw none of the following are Arabic words:

 

Qaanso iyo leeb

Qaalin geela

Qudhun ama Qurun

Qaran

Qosol

Qanjidh

Qanjiidho

Qudhaanjo

Qurux

Qamaan waa magac

Qawdhan waa magac

Qadan waa magac

Nin Qamaamay

Nin Qarda jeexay

Nin wax Qasay

Nin Qaadiraysan (exception :D )

Biyo Qubtay

 

iyo Qaar kaloo badan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Micnaha MMA maadan fahmin mise wax uun NAQDI bey kaa tahay?.

 

Wuxuu yiri: xarafka 'KH' waxa loo daayey xarfaha asalkoodu carabiga yihiin!.

 

Khalkhalin maahe ee waa Qalqaalin, 2da kale maba aqaan.

 

Ps. Erey Asalkiisu carabi yahay oo Q ah oo waxa jira KH loo bedelay waa Akhri oo ka timid قرأ

Share this post


Link to post
Share on other sites

Perhaps I did not quite get it; let us re-read it together, shall we?

 

Dadka 'kh' iyo 'q' ku wareera waala yaqaan.

 

Mida koowaad xarafka 'q' Afsoomaaliga kuma jiro, koow dheh. Tan labaad, Carabiga laga keensaday, laba dheh. Sadexaad, 'q' meel ee 'q' ka tahay ayaa 'kh' ka dhigtaa, ee ma'aha Reer Koonfureedka ku dhawaaqidooda ee waa adiga fahansanayn ama kala saari la' xarafyada 'q' iyo 'kh.'

 

Tan shanaad Soomaalidii Afsoomaaliga qoray in '70s 'kh' waxee u dhaafeen ereyada asalkooda Carabi kasoo jeedo oo 'nouns' ah sida magacyada iyo meelaha (i.e. mukhtaar, makhtal), ereyada Carabta 'kh' ka dhigtaan oo Afsoomaali ku jiro oo Carabi kasoo jeedana oo aan noun ahayn 'q' ayaa la isticmaalaa (i.e. qaldan, qafaal).

 

Erey Soomaali oo wada asali ah 'q' kama bilowdo, kumana jirto, sida dadka qaarkood ugu wacaan ereyga barqad ama magaca Barqadle 'barkhad' ama Barkhadle oo qaldan.

 

Baro afkaaga intaadan iska hadlin dad dhana eedeyn see u hadlaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANTARA   

^Waar ninku "kha" ayuu u jeeday dee

 

@ Maaday, Naqdi maaha ee waxbaa la kala faa'idaysanyaa, ee is daji:D

 

khalkhalin ninba sibuu u yaqaan, anigu ku odhan maayo waad khaldantay lakiin sidaad i tidhi.

kharash waa lacag, khuuro waa snoring

Share this post


Link to post
Share on other sites

Still it doesn’t make sense why would I change the whole word I mean if Kh was origin Arabic there are still words in the afsomali we use as KH why change it to Q it will have a whole different meaning

If I want to pronounce Kheyr I cant say Qeyr What the hell is Qeyr. Why not be originial

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Antara, Waa degganahay sxb, raalli ahow!

haa, Kharash waa carabi!.

 

Xarfaha aad KH'da ka wada dhigtay waxay i soo xusuusiyeen, ninkii yiri:

 

Khaala waa la khaatee Khiila Khaado, Khaab laawe! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Midhkaasi waa i dhacay; and that was how I understood it having being alerted that MMM was after the letter ‘Kh’, and not ‘Q’, but Maaddeey still adamant.

"^Waar ninku "kha" ayuu u jeeday dee"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Qoladana ku dar,,, :D

 

Qor, Qaaci, Qoob, Qaawan, Qosol, Qaata, Qayblibaax, Qooley, Qaalmo, Qosol, Qorax, Qabqable, Qowrac, Qodaal, Qarax, Qaxar, Qaxooti, Qaac, Qiiq, Quule, Qurjum, Qamandi, Qarmici, Qasaac, Qado, Qureec, .... Qodob.

 

Qomaal iyo Qamaan, Qaali iyo Qaloocow, Qamar iyo Qarane, Qoys iyo Qof, Qolo iyo Qabiil... Qiyaas iyo Qaran.

 

aqoonsi, juqun, xaaq, xiiq, hanqadh, bisqin...faraq

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this