Sign in to follow this  
Juje

Nuur Cadde oo helay taageero kalsooni + Audio

Recommended Posts

Juje   

Baarlamaanka Soomaaliya oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde

Isniin, December 15, 2008(HOL): Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Xarunta ADC-da ee magaalada Baydhabo ayaa wuxuu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xukuumaddii uu dhawaan soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

 

Xildhibaannadii ka qeybgalay kulankii maanta oo tiradooda ay dhameyd 170 mudane ayaa 143 ka mid ah waxay codka kalsoonida siiyeen Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, iyadoo ay diideen 20 mudane, halka ay ka aamuseen 7 Mudane oo kale.

 

Intii aaney Mudanayaasha Codka kalsoonida u qaadin Xukuumadda ayaa waxay dhegeysteen khudbad uu u jeediyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, taasi oo uu Ra’iisal Wasaaraha uga taariikheynayay halka uu salka ku hayo khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha, iyadoo uu si gaar ah hoosta uga xariiqay in madaxweynaha uu ka soo horjeedo in Xukuumaddiisa shaqeyso, weliba uu doonayo in uu dalka dibugu noqdo dagaalladii sokeeye iyo fowdadii uu mudada dheer ku soo jiray.

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka dhawaajiyay in uu Madaxweynaha diidan yahay in la fuliyo go’aankii Baarlamaanka ee ahaa in aan Xukuumadda lagu soo celin Wasiirro iyo Wasiir ku xigeenno horay isu casilay, go’aankaas oo ahaa mid ay sidoo kale ayideen madaxda Urur Goboleedka IGAD. Gunaanadkii khudbaddiisa ayuu Ra’iisal Wasaaraha ku sheegay in uusan madaxweynaha xaq u lahayn in uu xil ka qaadis ka sameeyo, arrintaasna ay u taallo Baarlamaanka.

 

Intaas kadib Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo shirkii maanta Shir guddoominayay ayaa wuxuu cod geliyay in kalsooni la siiyo iyo in codka kalsoonida loo diiday Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, waxayna natiijadii cod bixinta noqotay in Xukuumaddii uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ay codka kalsoonida ku heshay si aqlabiyad leh.

 

Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in xil-ka-qaadistii uu madaxweynaha ku sameeyay Ra'iisal Wasaaaha ay ahayd mid sharci darro ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uusan madaxweynaha awood u lahayn in uu xilka ka qaado Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde, "Marka Xukuumadda waqtiga ka dhamaado waxay kalsooni soo weydiisaneysaa Baarlamaanka, Madaxweynaha xil-ka-qaadista uu sameeyayna waxba kama jiraan" ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe.

 

Go’aanka maanta kasoo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo shalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo uu sheegay in uu xilkii ka qaaday RA’iisal Wasaare Nuur Cadde, uuna muddo 3 maalmood gudahood ah uu ku soo magacaabi doono Ra’iisal Wasaare cusub oo soo dhisi doono Xukuumad tayo leh. Lama oga tallaabada uu Madaxweynaha ka qaadan doono go’aanka uu soo saaray Baarlamaanka Soomaaliya

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Sheekh Aadan Madoobe ”Xilka qaadista uu madaxweynuhu ku sameeyey RW Nuur cadde waa waxba kama jiraan, mana aqbaleyno in axdiga lagu tunto”

 

Guddoomiyaha baarlamanka federaalka Somalia Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wareegtadii shalay ka soo baxday xafiiska madaxweynaha DF Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed ee lagu sheegay in xilka looga qaaday ra’isul wasaaraha xukuumada Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde)

 

Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlayey fadhigii baarlamanka ka dib markii xildhibaanadu ay ku ansixiyeen xildhibanaada cod aqlabiyad leh xukuumada cusub ee ee dhowaan kaga dhawaaqay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa inta ku daray madaxweynaha DF uusan awood u laheyn inuu xilka ka qaado ra’isul wasaaraha arinta uu ku dhaqaaqayna ay tahay mid sharci daro ah oo aanu qabin axdiga ku meel gaar ah.

“Axdiga ku meel gaarka ma wuxuu dhigayaa haddii xukuumadu waqtigu ka dhaco inuu madaxweynuhu ku dhawaaqo inuu riday mise wuxuu dhigayaa iney codka kalsoonida soo weydiisato baarlamanka, taas waa iska cadahay waa iney hor timaadaa baarlamanka codka kalsoonidana soo weydiisataa sidaa ayey ku sii shaqeyn kartaa ama ku dhici karaa, sidaa awgeed madaxweynaha xil ka qaadista uu ku sheegey inuu ku sameeyey Nuur cadde waa mid sharci daro ah oo aan waxba ka jirin” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo sheegay in Nuur cadde uu yahay ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia xukuumadiisana ay tahay mid ansax ah oo shaqeyn doonta, wuxuuna sheegay ineysan marnaba aqbali doonin in lagu tunto Axdiga ku meel gaarka ee Somalia.

 

Madaxweynaha DF oo shalay sheegay inuu xil ka qaadis ku sameeyey ra’isul wasaaraha Somalia Nuur cadde ayaan la ogeyn talaabada uu ka qaadan doono xukuumada Nuur cadde ee maanta baarlamanku uu ansixiyey iyo hadalka Sheekh Aadan Madoobe ee ah in xilka qaadista uu madaxweynuhu uu ku dhaqaaqay ay tahay mid sharci daro ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

War deg deg ah: Baarlamanka DF Somalia oo codka kalsoonida siiyey xukuumada cusub ee dhowaan Nairobi uu kaga dhawaaqay ra'isul wasaare Nuur cadde

Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) ayaa maanta ka qeyb galay kulankii xildhibaanada baarlamanka federaalka Somalia ay ku yeesheen hoolka ADC-da ee magaalada Baydhabo, kaasoo uu shir gudoominayey guddoomiyaa baarlamanka Somalia Sheekh Aadan Madoobe.

 

Kulanka maanta oo ajendaha looga hadlayey aan si rasmi ah loo shaacin ayaa waxaa khudbad dheer ka jeediyey RW Nuur cadde oo xildhibaanada uga sheekeeyey marka hore marxaladihii ay soo martay xukuumadiisa iyo caqabadihii soo wajahday intii ay jirtay, halka uu ka soo bilowday khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweynaha, wuxuuna sidoo kale ka taariikheeyey dibindaabyo uu sheegay inuu intaas la dabajogay xukuumaadiisa madaxweyne C/llaahi Yuusuf, kuwaasoo uu sheegay iney soo gaareen heer ah inuu shalay ku dhawaaqo si sharci daro ah oo aan axdiga waafaqsaneyn ra’isul wasaaraha xukuumada.

“Markii IGAD ay soo jeedisay inaan xukuumad cusub oo tayo leh soo dhisno ayaan diyaariyey xukuumadii, waxaaana madaxweynaha u gudbiyey liiska xukuumada waxaa la yaab igu noqotay in liiskiina gudbiyey aan ku arkay isagoo dhex wareegaya Suuqyada, waxaan la hadlay madaxweynaha anigoo isku dayey inaan ku qanciyo arintaas hase ahaatee waa diiday inuu guto waajibaadkiisii dastuuriga ahaa oo ahaa inuu aqbalo liiska golaha wasiirada” ayuu yiri Nuur cadde oo a codsaday baarlamanka inuu codka kalsoonida siiyo xukuumadiisa cusub.

Guddoomiyaha baarlamanka Somalia Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka codsaday xildhibanada iney cod gacan taag ah u qaadaan xukuumada Nuur cadde, waxaana ogolaatay 143 xildhibaan, halka 20 ay diiday 7 kalena ay aamuseen, iyadoo Sheekh Aadan Madoobe oo halkaasi ka hadkay u sheegay in xukuumada cusub ee Nuur cadde ay ansax tahay madaxweynahana uusan xil ka qaadi karin Raisul wasaaaraha waxaana guud ahaan fadhiga joogtay 165 xuldhibaana iyaoo fadhigii maanta uu halkaasi ku soo gebagaboobay, waxaana guul kala dheelmaday halkaasi RW Nuur cadde oo loo ansixiyey xukuumadii uu horey uga diiday madaxweynaha, waxaana arintan ay dharbaaaxo culus oo siyaasadeed ku tahay madaxweynaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

20041030113038parliamentclassroom203ok.j

Baarlamaanka KMG ah ee Somalia ayaa ansixiyey dowladda Nuur Cadde

 

Baarlamaanka KMG ah ee Somalia ayaa kalsooni aqlabiyad buuxda ku siiyay Ra'iisul Wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen maalin uun kadib markii Madaxaweynaha Somalia Cabdullahi Yusuf Axmed uu ku dhawaaqay in xilkii uu ka qaaday Ra'iisul wasaaraha.

 

Baarlamaanka ayaa kalsoonida ku siiyay Nuur Cadde kulan qaas ah oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xaruunta u ah baarlamaanka Somalia.

Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah ee Somalia Shiikh Aadan Nuur Maxamed Madoobe oo kullankaasi kadib BBC-da la hadlay ayaa sheegay in go'aanka Madaxweynuhu ahaa mid sharci darro ah.

 

Nuur Cadde ayaa horey u sheegay in Madaxweynuhu awood u lahayn inuu xafiiska ka eryo.

 

Madaxweynaha Somalia Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa maalintii

Axada waxa uu ku dhawaaqay inuu shaqada ka eryay dowladda Nuur Xasan Xuseen kadib markii ay ku guuldareysatay inay nabadgelyo ka dhigto Somalia.

 

Madaxa guddiga Midowga Africa Jean Ping ayaa sheegay in xil ka qaadistaasi ay sii wiiqi karto dadaalka lagu doonayo in nabad looga dhaliyo waddanka Somalia.

 

Weriye ka tirsan BBC ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaaruhu ka mid yahay xubnaha dowladda ku jira ee soo jiidan kara taageero caalami ah.

 

Audio: Aden Madoobe

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ safka hore & safka dambeba waa ay buuxaan ayaa la yiri ee LIVE TVga sow riwaayada logama soo dayn doono? smile.gif

 

Hehehehe.... waa layabay! Yey shalay markii uu ku dhawaaqay inuu eryey Nuur Cade waxa uu u hadlayey sidii nin haysta kalsoonida barlamaanka badankiisa including the speaker, oo wa sagii dhowr jeer ku celcelinayey barlamaanka ayey u taala.. barlamaanka wan ku kalsoonahay haddee maxaa ka dambeeyey sow speaker-kii ma ahan waxa sida u hadlaya hadda sheekadu waa xun tahay Yey-na xanjo iyo suuf isku dhejdhejiyaaba nin sidaa ku haraya ma ahan. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xidigo   

Originally posted by Farancab:

Ninkii u baahda riwaayad macaan oo

ma dhamaato ah way socotaaye ku

qabso, safka hore yaan lagaa qabsan.

Sharaxii la tumaayay sheekaa ka danbaysay :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

REFLECT ON THIS...

 

Leaders and government nothing but reflection of society that they rule so these animals are not from space they are mirror of those they rule..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

UPDATE: Somali Parliament Backs PM Over His Dismissal By President

 

 

(Adds quote, details.)

 

BAIDOA, Somalia (AFP)--Somalia's parliament Monday overwhelming backed the government of Prime Minister Nur Hassan Hussein, a day after the war-wracked country's president announced his dismissal.

 

"143 lawmakers recognized the existence of the government, 20 rejected it and seven abstained," Speaker Aden Mohamed Nur said after counting the votes during a special parliament session in the town of Baidoa.

 

"Therefore the government of Nur Adde (Hassan Hussein) is legitimate," he said.

 

On Sunday, President Abdullahi Yusuf Ahmed announced he was sacking the prime minister and the entire cabinet because they had failed to bring security to the nation, but the premier challenged the move as unconstitutional.

 

According to the transitional federal charter, the president needs parliament's approval to sack the prime minister.

 

Speaking to parliament before the vote, Hussein said: "It was difficult to work with the president, who disapproved of the peace process.

 

"The president was interfering with the activities of the prime minister and parliament," he said. "It's up to parliament to make a decision in order to save the transitional federal institutions and the rule of law."

 

Yusuf had said Monday he would comply with parliament's decision and gave no hint he would resign.

 

Hussein was sworn in November 2007 but has been at loggerheads with Yusuf in recent months, notably over efforts to strike a reconciliation agreement with the Islamist-dominated Alliance for the Re-liberation of Somalia, or ARS.

 

"The president abused the power of his office and undermined the legitimacy of parliament...the president was attempting to sabotage peace efforts between transitional federal government and the ARS," the premier said.

 

The U.N. mediator of the talks warned the latest row risked hindering reconciliation efforts and African Union Commission chairman Jean Ping also voiced concern.

 

(END) Dow Jones Newswires

12-15-080850ET

Copyright © 2008 Dow Jones & Company, Inc.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yey's move of yesterday was the most desparate one during his entire life ,,,, he knew the parliament will not endorse this and that is why he said the parliament is not needed in this action.

 

Odayga is on his way out but he want to put big problems among reer muqdisho so that they will continue fighting against each other. I don't think Mohamed Dheere is not Stup!id enough to take this now.

 

Now, Yey must be crying loud in his little bedroom on Baidoa after the parliament backed Nur Adde ,,,,,,,,,,,,, the old man is putting himself in a cage maalmahan ,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yeey has promised to abide by the parliament's decision if the MPs reject his proposed sacking. I believe his words are on tape. He needs to stop wasting his time trying to aggravate the Ethiopians. Yeey needs to move on and respect the democratic process.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Libaax-Sankataabte:

Yeey has promised to abide by the parliament's decision if the MPs reject his proposed sacking. I believe his words are on tape. He needs to stop wasting his time trying to aggravate the Ethiopians. Yeey needs to move on and respect the democratic process.

I was just reading Duke's post,whereby it says that 110 mps are MAD as hell because the vote was fake? is that the new line of argument? get a do over miyaa?

 

I think inaan qalad ufahamay,read duke's post here.

 

In Ka Badan 110 Xildhibaan Oo U Fadhida In Ay Ra'iisul Wasaare Cusub Magacaabaan Iyo In Ay Sheekh Aadan Madoobe Beentii Uu Tirro Sheegtay Ku Marqaati Furaan ( Fadeexadii Oogu Weyneyd Sheekh Aadan Soo Marta

duke

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Originally posted by Xidigo*:

quote:Originally posted by Farancab:

Ninkii u baahda riwaayad macaan oo

ma dhamaato ah way socotaaye ku

qabso, safka hore yaan lagaa qabsan.

Sharaxii la tumaayay sheekaa ka danbaysay
:D
ahahah, tana ku dar: "Waa maadays TFG, Yeey-na wuu Matalayaa."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Libax,

Yey rag iska dhicis buu ku jiraa awoowe! I blve he will, as Duke hinted, try another tactic to get even with Madoobe and Nur!

 

The ultimate question is whether the powers that be want to preserve the TFG and move forward, or whether they want to start anew. If first, then they will probably have to appease Yey in some form. If they do indeed want to start anew, then they will humiliate him and drag him out of office. That strategy of beating Yey in his own game, though politically and personally satisfying for some, will not do much to meet the peace deliverables that most Somalis need.

 

An ideal compromise would have been to let Yey appoint whomever he wants as long he abides with the Jabbuuti deal. Lets wait and see!

 

Having said that I can barely contain my sense of vindication on the approach some of us chose to support, that peaceful approach, and not mindless wars, is the way to solve our family feud and political dispute! See how not even one single shot is fired despite the clausal shift of allegiances happening in Baydhabo!

 

Politics is indeed the affaris of organized societies.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this