Sign in to follow this  
Abdi2005

Wareysi: Ethiopian abu ghurayb in Muqdisho

Recommended Posts

Abdi2005   

Waraysi:- Mid ka mid ah musaliintii masjidka abii hureyra oo maanta 38 ka mid ahi la soo daayay

 

 

 

Beerdhiga 23.07.2007 23:54

 

 

 

 

Musaliintii laga qabtay masjidka abii hureyra 05/07/2007 ayaa maanta galabtii 38- ka mid ahi la soo daayay ka dib markii ay ku xirnaayeen mudo 18 bari ah xabsi ku yaala dhulka hoostiisa.

 

Mid ka mid ah musaliintii la soo daayay ayaa beerdhiga uga waramay sidii loola dhaqmay intii ay xabsiga ku jireen iyo waliba dadka xabsiga ku jira intaba.

 

Musaliga laga qabtay masjida abii hureyra xiligii ay ku tukanayeen salaadii duhur ayaa waraysi dheer oo ay shabakada beerdhiga la yeelatay waxa ay ka cudur daaranaysaa in uu sida uu yahay ay idinku soo gudbin karin, balse qeyb yar oo ka mid ah ayaa ahayd sidan:-

 

Beerdhiga:- xagee la idinka ka xeeyay?

Musaliga laga ka xeystay masjidka abii hureyra:- waxaa nalaga ka xeyay masjidka abii hureyra xili aan ku tukanay salaadii duhur ilaa salaadii casar.

 

Beerdhiga:- maxaa la idin ku qaaday?

Musaliga laga ka xeystay masjidka abii hureyra:- dhowr baabuur ayaa nalagu qaaday qaar waxa la saaray baabuur dhayna ah kuwa xamuulka ah, qaar waxa la saaray xaajiyad, qaar waxa la saaray cabdi bilayaal, qaar waxa la saaray basas, baabuurtana waxay ahayeen kuwo la soo qafaashay.

 

Beerdhiga: tiradiinu marka la idin sii qaadayay meeqaad ku qiyaastay?

Musaliga laga ka xeystay masjidka abii hureyra:- waxa aan ku qiyaasay 150-160 qofood inta u dhaxaysa.

 

Beerdhiga:- xagee la idin geeyay?

Musaliga laga ka xeystay masjidka abii hureyra:- ma kala aqaano, laakiin waxa nala geeyay meel lalahaa xarunta danbi baarista xisbiga oo madaxtooyada agteeda ah.

 

Beerdhiga:- xabsi noocee ah ayaa la idin galiyay?

Musaliga laga ka xeystay masjidka abii hureyra:- waxa nala galiyay xabsi ku yaala dhulka hoostiisa oo waligii aan la nadiifinin musqusha marka aad gasho kaadidaadii ay kaaga soo horeynayso qolka aad ku jirto,

 

Beerdhiga: ka waran cuntada ma la idin siin jiray, hadiise la idin siin jiray maxaad cuneyseen?

Musaliga laga ka xeystay masjidka abii hureyra:- cuntada waxay kala ahayd subixii waxa lagu siinayaa hal xabo oo canjeero caadi ah oo aan wax kale la soconin, duhurkiina dad dhan 18 qof ayaa hal saxan oo bariis ah la soo dhexdhigayaa, cashadiina waa canbuulo(digir) waxaana laga yaabaa in ay kaa soo gaarto hal sacab oo aad mar qaadato.

 

Beerdhiga:- ka waran salaada ma la idiin ogolaa in aad tukataan?

Musaliga laga ka xeystay masjidka abii hureyra:- salaada waxan ku tukanaynay xabsiga gudihiisa, waxaana ka jirtay biyo la’aan, 24 saac waxa aad leedahay nus litar biyo ah oo la rabo in aad u isticmaasho musqul cabitaan intaba marka dadka waxay iskaga gabagabeysanyeen(booreysi) darbiyada xabsiga inta biyaha ahna way cabayeen,laakiin marka aan dhahno wayso na siiya waxay na oranayaan hadaan wayso idin siinayno oo aad ku tukanaysaan awalba masaajida idinkama soo kaxeysaneen.

 

Beerdhiga:- wax jirdil ah ma la idiin geystay intii aad xabsiga ku jirteen?

Musaliga laga ka xeystay masjidka abii hureyra:- dadka qaar baa jirdil loo geysanayay, habeenkii marka la gaaro qiyaastii 11:00 habeenimo ayaa labo nin oo itoobiyaan ah waxay xabsiga la soo galayaan fayl ay magacyo ku qoran yihiin ka dibna dadka ay rabaan in ay jirdilaan ayay ka xeysanayaan marka way soo jirdilayaan waxayna soo celinayaan iyaga oo bara laati ah.

 

Beerdhiga:- maxay marka ku dhufanayaan ama ay jir dilka u adeegsanayaan?

Musaliga laga ka xeystay masjidka abii hureyra:- jug iyo wax kasta ayay ku dhufanayaan mararka qaar qoryaha ay wataan ayay feeraha iyo madaxa kaga garaacayaan sidoo kale meel dheer ayay dhahayaan qabso ka dibna uu qofka dhabar dhabar u soo dhacayo, mar mar waxay dhahayaan dhagaha qabso adiga oo foorara markaas ayay dhabarka budad kaga garaacayaan, qofka oo aan fadhi iyo jiif qaban karin iyo hadal toona ayaa lagu soo tuurayaa xabsiga dhexdiisa.

 

Beerdhiga:- dadka inta badan jir dilka loo geysanyay da’dee ayay u badnaayeen?

Musaliga laga ka xeystay masjidka abii hureyra:- inta badan dhalin yarada ayaa lala baxayay oo iyaga oo la soo jir dilay la soo celinayay, laakiin odayaasha qaarkood waa la soo cabsiin jiray.

 

Beerdhiga:- yaa dadka danbiyadooda baaraya ma itoobiyaanbaa mise waa soomaali?

Musaliga laga ka xeystay masjidka abii hureyra:- itoobiyaan kaliya ayaa baaraya soomaalida way u turjumaysay, waxaana la jooga kuwa dadka u kala yaqaana oo ku sheegayo waxa aad ahaan jirtay.

 

Beerdhiga:- xabsiga wax dumar ah ma idin kula jireen?

Musaliga laga ka xeystay masjidka abii hureyra:- haa laakiin isku meel maana joogin waxaana xabsiga nagula jiray nin isaga iyo xaaskiisii laga soo kaxeeyay guryahoodii oo caruurtii meel cidla ah looga soo tagay.

 

Beerdhiga:- xabsiga wax caruur ah ma ku jireen?

Musaliga laga ka xeystay masjidka abii hureyra:- haa wiil 7 sano jir ah ayaa ku jiray.

 

Beerdhiga: maxaa isaga lagu soo xiray wiilka yarka ah?

Musaliga laga ka xeystay masjidka abii hureyra:- waxaa lagu soo xiray qarax magaalada ka dhacay meel agteeda ah ayuu ka cararay oo miis meesha ku yaalo galay ka dibna waxa soo qabsaday ciidamadii meelahaas marayay.

 

Beerdhiga:-intiina maanta la soo daayay meeqa ayaad dhantihiin?

Musaliga laga ka xeystay masjidka abii hureyra:- anagu waxaan dhanahay intii maanta la soo daayay 38 qofood.

 

Beerdhiga:- maxaabiistii kale xagee iyaga la geeyay ama lagu reebay?

Musaliga laga ka xeystay masjidka abii hureyra:- horta maxaabiista waxaa loo qeybiyay saddex qeybood, qeyb aniga aan ku jiro oo 38 ahayd waa nala soo daayay qeyb kale oo 23 ahna khamiistii hadda la soo dhaafay (20/07/2007) ayaa galabnimadeedii inta baabuur cabdi bilayaal ah oo fara badan iyo caasiyaal lagu qaaday.

 

Beerdhiga:- xagee loo sii qaaday?

Musaliga laga ka xeystay masjidka abii hureyra:- ma garanayno meel loo sii qaaday.

 

Beerdhiga:- sideed ku ogaatay in baabuurta noocaas ah lagu qaaday maadaama aad sheegtay in aad ku jirtay xasbi dhulka hoostiisa ku yaala?

Musaliga laga ka xeystay masjidka abii hureyra:- mid ka mid ah raga la sii qaaday ayaa inta loo yeeray oo uu mooday in la siidaynayo ayuu alaab uu watay yiri ii sii ilaaliya, ka dibna waxa lagu soo yiri wax alaab ah haday meesha kaa yaalaan soo qaado,markaasuu nagu soo laabtay oo noo sheegay in aan la sii daynin ee lala tagayo oo baabuurtaas la saaranayo, waxaana waliba dadkaas lala tagay ku jiray wiil 24-kii saacba 3mar kolba qalalayay (suuxayay) oo afka xunbo ka keenayay, marka aan soo bixinana ay nagu dhahayeen ku celiya halkiisa wax dawo ah lama siinayee.

 

Beerdhiga:- dadka xabsiga laga soo daayay wax culimo ah ma ku jireen oo caan ah?

Musaliga laga ka xeystay masjidka abii hureyra:- haa hal nin baan ka garanayaa waana “sheekh maxamed yaasiin”

 

Beerdhiga:- su’aalaha la idin waydiinayay maxaa ka mid ahaa?

Musaliga laga ka xeystay masjidka abii hureyra:- way badnaayeen maalintii saddex mar oo kale ayaa wax lagu waydiin oo waliba kuwii hore oo kale ah, waxayna ku weydiinayaan oo kale maxkamadihii ma la soo shaqeysay, haa hadaad tiraahdo magacyo ayaa lagu weydiin oo lagu dhihi hebal ma taqaanaa, mar mar waxa ay ku weydiinayaan quraanka ma taqaanaa, haa hadaad dhahdo waxay ku leeyihiin ma tajwiid baad ku taqaanaa mise caadi, hadaad labadaba sheegto oo aad haa tiraahdo, waxaa lagu leeyahay macalin qur’aan miyaad ahayd mise qof caadi ah, hadii aad tiraahdo macalin qur’aan baan ahaa waxa lagu leeyahay ilmaha jihaadka ma bari jirtay, waxay kaloo ku waydiinayaan salaadaha shanta wakhti masjidka ma ku tukataa, sidoo kale waxa ay ku waydiinayaan qaadka ma cuntaa iyo sigaarka.qabiilka ayaa lagu weydiin,qabiilkii aad sheegatana nin baa laguu keeni jaajuus u ah

 

Beerdhiga:- wax sawiro ah ma la idinka qaaday?

Musaliga laga ka xeystay masjidka abii hureyra:- haa qiyaastii qof waliba waxa laga qaaday 6 sawir oo mar laga sawirayo soo jeed marna labada dhinac(dhabanada) mar sii jeed mar kor daba inta la fuulo ayaa la soo sawirayaa, waxay sawirada qaadayaan duhurkii iyo galabtii, sidoo kale marka lagu galinayo xabsiga iyo marka lagu soo bixinayo kor ayaa lagaa sawirayaa idinka oo 10 qof oo kale ah.

 

 

http://www.beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

^Mahadsanid. Masiibada maanta naheeysato mid lasoo koobi karo maha, laakiin waa mid laga bixi doono, Inshallah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this