Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: Puntland troops rescue German man:PICS

Recommended Posts

Kusimaha Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland ahna Taliye kuxigeenka G/lle Sare Maxamed Siciid Jaqanaf oo saaka waaberigii u waramayey Warbaahinta caalamiga ah ee SBCInternational- ayaa wuxuu xaqiijiyey in ciidamada Booliiska ay ku guuleysteen hawlgal balaaran oo ay wadeen saacadihii la soo dhaafay kaasi oo ka dhan ahaa kooxaha afduubayaasha, kuwaasi dadka ay qafaasheen u kaxaystey buuraha xeebta Mareero ee dhanka Bari ee magaalada Boosaaso.

Abu-Bakar oo la telefoon kula hadlaya Madaxweynaha Puntland

Taliyaha ayaa wuxuu sheegay in hawlgalkaasi oo dhacay saaka hiirtii waaberi ay ciidamadu ku dhaawacmeen mid ka mid ah kooxihii hubaysnaa ee dadka afduubka u haystey, ka dib markii ay tacshiiad dhexmartey ciidamada iyo kooxahaasi, waxaana uu sheegay in lagu guuleystey in la soo qabtey ninkii Jarmalka ahaa iyo gabadhii Soomaalida aheyd ee uu qabay eel ala qafaashey.

 

AND

 

 

Waxgarad ku guuleystay in la sii daayo muwaadin Jarmal ah oo lagu afduubtay Boosaaso

 

Waxgarad ka tirsan Puntland ayaa caawa ku guuleystay in xorriyadiisa ay dib ugu soo celiyaan Muwaadin u dhashay dalka Jarmalka iyo Xaaskiisa oo lagu afduubtay xalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Waxarad uu ka mid yahay Gen. Cali Ismaaciil ayaa ku guuleystay in si shuruud la'aan ah loo sii daayo ninkaasi iyo haweeneydii uu qabay oo ah Soomaali, kuwaasi oo goor dhow la keenay magaalada Boosaaso.

 

Sida ay xaqiijiyeen dad isha ku hayey arrimaha ninkaasi iyo burcaddii geysatay falkaasi ayaa sheegayaan in aan la bixin wax qarash ah oo madax furasho ahaan loo siiyay dadkaasi, iyadoo wada xaajood iyo dadaal ay sameeyeen waxgaradkaasi lagu guuleystay in la soo daayo ninkaasi oo ahaa Muslim iyo Xaaskiisa oo ka soo jeeda Puntland.

What is with the contradictions these days ???

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Way isu qaybiyeen cadaankii. Adigo qabo ana waan kaa sii dayn!

 

Like Xariif Dilaal, both parties, the tenant and the landlord will be made to pay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lamaane la afduubtay oo ey boliska Puntland xoog kusoo furteen

 

Bosaso, Somaliya (Calanka.com) 23-September-08

 

Abuubakar Binu Cabaas oo Jarmal Ah iyo xaaskiisa Aamina Du'aale Farax oo Somaliyad ah ayaa waxaa soodeynta ka qayb qaatay ciidamada booliska oo kooxaha afduubka geystay ku hareereeyay buurihii ay la galeen.

 

Waaxaa markii lasoo badbaadiyay dadkani la keenay xarunta madaxtooyada Bossaso, halkaasi oo ay ku diyaar ahaayeen dhamaan qaybihii kala duwanaa ee ka shaqeeyay sii deyntooda isagoo uu sharaxaad ka bixiyay sidii loo soo badbaadiyay lamaanaha duqa deg Bossaso C/risaaq Xareed.

 

 

Gudoomiyaha Gobolka Bari Musse Geele Yuusuf Faroole ayaa isna sheegay in habka dadkani lagu furtay ay ahayd xayiraad dhinaca cuntada ah oo la saaray kooxihii afduubka geystay kuwaasi oo ku sii jiri kari waayay buurihii ay ku hayeen lamaanahani waxaana uu gudoomiyuhu sidoo kale sheegay in ay jirto hal ruux oo ka mid ahaa kooxihii afduubka geystay oo la dhaawacmay intii kalena ey iminka xabsiga ku hayaan.

 

Ugaas Yaasiin Ugaas Xasan oo horkacayay Isimadii ka qayb qaadatay furdaaminta arintani ayaa dhaleeceeyay falalka afduubka ah ee sii kordhaya, wuxuuna ugaasku sidoo kale tibaaxay in siideynta dadkani ay ka qayb qaateen beeshii ay ka dhasheen kooxihii afduubka geytsatay.

 

 

Abuubakar Binu Cabaas oo ah ninka afduubka lagula kacay islamarkaana cadaanka ah ayaa aad ugu mahad celiyay dhamaan dadkii ka qayb qaatay sii deyntiisa, waxaana uu sheegay in uu Bossaso u yimid u gar-gaarida dadka tabaalaysan uuna isagu yahay nin haysta diinta Islaamaka isla markaasana xaaska uu qabo ay tahay somaliyad.

 

Ninkan afduubka loo geystay ayaa waxaa lasoo xiriiray madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Musse oo u sheegay in uu aad uga xun yahay falaka afduubka ah ee lagula kacay.

 

 

Madaxweyne xigeenka Puntland ahna ku simaha ayaa kooxaha burcadda ku tilmaamay aafo deegaanada haatan faro-baas ku haya, balse waxa uu sheegay in maamulkiisu uu wado qorshayaal lagula dirirayo ragaasi.

 

Abuubakar iyo xaaskiisa Aamina ayaa Bossaso u yimid arimo la xiriira quudinta dadka masaakiinta ah ee ku dhaqan xeryaha qoxootiga, iyaga oo taasi uga faa'ideysanaya fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana ay isla maanta ay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha Bossaso iyaga oo ku sii jeeday dalka Germany oo ninka kasoo jeedo.

 

 

Calanka.com:- Isha wararka xaqiiqda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ajanibgerman4.jpg

Puntland at its best: When the elders and the admin cooperate.

 

The police are comended for the raid and the arests made and the couple are safe and back with their lives.

 

 

ajanibgerman5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Ninkan Feedha weynee ku mashquulay af-duubka erey aan ku idhaahdo

 

Adeerow Shalaytoole ardayba ku dhamaaday agagaarka bakaare

 

ee inta aad iga daysid afadiyo odaygan loo aloosay qorshooyin

 

Bal aan maqlo adoo Ka oyaaya inkaarta aafaysay umadoo dhan iyagoo wada sooman

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer you seem to go round in circles, those you support started the battles in Mogadishu and thus go ask them why they need to hide behind civilians?

 

Why do they use childrens schools and markets as launching pads for their mortars.

 

Saxib you can not hold us hostage by using the civilains. Either deal with the issue and marganalise these ****** or just admit the people suffering is a tool for you and your kind.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War nimankan xataa xiddidtinimada ma yaqaanin miyaa Sey nin ajnabi muslim ah gabarna ka qaba xaafadana la deggan u afduubtaan. Dadkani xishoodkii waa ka tageen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Che -Guevara:

^Nimanka aad sheegeysid yaawe?

Warya wax mugdi kujira majirto ee see wax u rabtay? nimanka aan sheegayo waa kuwa seedigood xaafadda la joogay naf ka raadshay oo afduubtay. Hai capito Signor YoYo!

Share this post


Link to post
Share on other sites

No no not the in-laws, sheekada fahan adi. Since the man is married to a Somali woman, thus living in Bosaso then wife must be from clan(x). And since they were both been kidnapped in Bosaso, then the criminals must also be as clan(x) as the wifey.

 

So, them kidnappers are not respecting a man who marries from them(clan). What analysis, istaqfulaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this