Sign in to follow this  
Haatu

MPs call for miino baaris

Recommended Posts

Haatu   

Gudiyada Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa ka codsaday Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG in ay miino Baaris ka sameeyeen Xarunta golaha Shacabka oo dhawaan ay ka furmayaan fadhiyada Barlamanka.

 

 

 

Gudiyada Barlamanka KMG ee Soomaaliya oo maanta kulan ku qaatay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa intii uu kulankaasi socday saxaafada loo qeybiyay warsaxaafadeed uu ku saxiixnaa gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka Soomaaliya.

 

 

 

Warsaxaafadeedkaasi ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG looga baaqayo in ay si weyn u sugaan amaanka xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaana Barlamanku uu sidoo kale ugu baaqay ciidamadaasi in inta aan la gaarin fadhiga ugu horeeya ee Barlamanku ay xaruntaasi ku sameeyaan Miino Baaris buuxda.

 

 

 

Sidoo kale warsaxaafadeedka Barlamanka KMG ee Soomaaliya waxaa baaq loogu soo jeediyay xukuumada uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke kaasoo ahaa in si deg deg ah ay u magacowdo badelka wasiiradii sanadkii hore ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Hoteelka Shaamoow ee Magaalada Muqdisho iyo in la dhameystiro wasiiro ku xigeenada ka maqan dowladda KMG.

 

 

 

Dhawaan ayaa waxaa lagu wadaa in xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ay ka furmaan fadhiyada Barlamanka KMG ee Soomaaliya iyadoo horayna mudanayaal ka tirsan Barlamanka ay ugu baaqeen ciidamada AMISOM in ay xil iska saaraan amaanka xildhibaanada Barlamanka.

 

Shabelle

Share this post


Link to post
Share on other sites

The need AMISOM in every step ...... when landing from the airport, when moving in the 2kms ,,,, when going to the toilet and now them to check their conference room for mines ?? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

MPs??? It is an insult to the concept of members of parliament to call the thugs in somali MPs. These warlords, conflict entrepreneurs and qabiliste entrepreneurs are a scam.

 

Nobody elected these fools whose numbers grow by the so called reconciliation process.

 

Wasiiradana haba sheegin; wasiirka cirka, dhulka, badda, beriga...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this