Sign in to follow this  
Sabriye amp co.

Ruwaayad : kulankii Madaxweyne Sh Shariif iyo Mr faroole. ENJOY!!

Recommended Posts

Ruwaayad siyaasadeed ku saabsan Shirkii dhexmaray Madaxweynaha DFKM iyo madaxweynaha Maamulka Puntland

Submitted by editor on Sun, 11/15/2009 - 11:02

 

Ruwaayad laga metelay shirkii Madaxweyne shariif iyo Madaxweyneh Maamulgoboleedka puntland Cabdiraxmaan Faroole.

 

Waxaa wax maalmahan ama ilaa shalay falanqaynta siyaasada soomaaliya ee qaawan

Raadweyn ku yeeshay kulankii dhexmaray madaxweynaha dowlada ku meel gaadhka ahm sheikh shariif sheikh axmed Iyo masuulka madaxweynaha goboleedka puntland hadaba qaabka ay u kulmeen waa kan iyo siduu u dhacay bogasho wacan aqristoow:-

 

Madaxweyne shariif :- Assalaamu calaykum Cabduraxmaan

 

Madaxweyne Faroole : Cabduraxmaan maaha ee maxaad Madaxweyne cabduraxmaan u dhihi weyday

 

Madaxweyne shariif :- Marka hore salaanta iga qaad Madaxweyne waxaa ka horeeyaa magacaagu saw sax maaha inuu yahay Cabduraxmaan.

 

Madaxweyne faroole:- Maxaan salaam Kaa Qaadaa iimaba aqoonsanide

 

Madaxweyne Shariif : Aniga waxaad I dhihi kartaa waan kaa qaaday salaanta Shariifow

Wayo qof weliba xilka uu hayo ka hor saw magac looma bixin maxaa muranka keenay?

 

Madaxweyne faroole: xaqiraad ayaa kugu jirta waanan dareemi karaa ee heshiiska igala hadal

 

Marka hore waxaan doonayaa adiga oo aan wax shuruuda ku xidhin inaad heshiiskan saxeexdo

Sababtuna waxay tahay dowlada soomaaliya eek u meel gaadhka ah ee aad hada adigu horjoogaha ka tahay sababteedaa waxaa iska leh puntland . sidaa darted waa inaad puntland wax kasta oo ay doonto u dhamaysaa shariif .

 

Madaxweyne shariif: bismilaahi wasaalaatu wa salaamu calaa xabiibinaa wa sayidina muxamad

Een walaalkay soo dhawoow horta dowladda aan horjoogaha ama madaxweynaha ka ahay waxaa sababrteeda iska leh ilaahay isaga ayaa awoodiisa wax walba ku maamula oo qofkuu doono milgeeyaa ama muuneeyaa , tan labaad anigu waxaa xilka ii dhiibtay soomaali puntland waa soomaali waana ka mid dadka ii dhiibtay xilka ee ii doorta mana inkirsani mana dafiri karo dhamaan umada soomaaliyeed meel ay joogtana xilka ay ii igmadeen way u siman yihiin haday cadaalad noqoto inaan ku maamulo aniga iyo dowladayduba haday sinaan noqoto iyo haday waxqabad noqoto

Mana jirto wax aan cid gaara u hibeeynayo naftaydana ha noqotee dalka dadka ku nool iyo kuwa dibada jooga ee magaca soomaaliyeed ayaan ahay masuulkoodii ilaahay ayaana igula xisaabtamayaa

Ee bal ken warqada u dhiib xoghayaha ha aqriyee aana wada dhagaysano wax yar

 

Madaxweyne faroole:- hortu meeshi maahaa xafiiskii maxaakiimta ee carabigan badan iga jooji teeda kale anagu carabta waanu nahay waxaanay la leenahay xad badeed waana naqaana oo waan kaa badiyaa adiga shariifoow ¨

Asmac wa aqbal kuli ashyaa maktuuba fii warqatul muhiima a laa muuraan walaa khilaaf walaa xaaja. Magaratay.

 

Madaxweyne shariif:- kkk Horta cabduraxmaan aad isuma naqaan laakiin waxaa iiga kaa muuqata inaad tahay nin kaftan badan balse waxaan u malaynayaa haddii xaga kaftanka ka gudubno oo aan mawduuceena ku soo noqono

Carabiga waa luuqada dhabta ah ee umada nebi muxamad waadna ogtahay in aakhiro lagu hadlayo

Markaa in la bartaa waa waajib teeda kale carabi kumaan hadlin marki hore ee aan hadalka bilaabay waxaab ku bilaabay magaca ilaahay SWT twaxana ku saliyay nebigeenaa CSW markaa labaad hadaan dhagaystay heshiiska iyo qodobada ku qoran waxaan u malaynayaa inuusan ahayn arin macquula dalka iyo dadku waa isku mid gobol weliba dowlada masuuliyad ayaa ka saaran deegaan gooniya iyo shaqsi gooniya toona ma dhigayo sharciga dalka iyo diintu in lakala fadilo waad ogtahay oo dowladu waxay qaadatay shareecada islaamka

Markaa arin dib ugu yara noqda adigu iyo masuuliyiinta kale ee talada kula wadaaga waxoogaa soo naaqisha kadib markaad ka baaraan degtaan ayaan aniguna idinkala qayb qaadan doonaa

Haddee hadana caqli baad leedahay oo waxan oo dhami macquul maaha ee bal dib isugu noqda wabilaahi tawfiiq

 

Madaxweyne faroole:- hadde shariif waxii layga kaa sheegay waa soo ifbaxeen waxaanad ka soo horjeedaa danaha iyo horumarka puntland puntland soomaaliya uma baahna ee soomaaliya ayaa puntland u baahan teeda kale miyaanu kula soo hadlin oo kuu sheegin ra,sisal wasaaruhu arintan .

 

Madaxweyne shariif:- Ra, iisal wasaaruhu waa ii sheegay inaad kulanteen heshiiskana marka uu galo wasiir ama wasiirka koowaad waxaa la horgaynayaa golaha wasiirada oo ka wada hadlayaa ka dib u codeeynayaa ayaa waxaa hada iyaguna u codaynayaa golaha wakiilada ama baarlamaanka ama shuurada waxaa iyaguna labadaas cod ka dib hadii laysku raaco ayaan saxeexayaa meesha anigu keligay dowlad mayhi waxaan metelaa golayaasha sare iyaguna waxay golayaashu metaalaan shacabka markaa isku duubni ayaa go,aan walba loo qaadanayaa arintana dowlada ayay u taala

Haday xal kama danbays ah idinka tahay dowladuna waa 4.5 qaybtii puntland way k7u jirtaa wax si gaara laydiin siinayaana ma jirto haday soomaali isku raacdo inay idin siiyaana anigu soomaalida ayaan ka mid ahay shacabku waxuu qaata waan qabaa waana sidaa.

 

Madaxweyne faroole:- waa kaa dhankaan ka hadlay qamaan dhaafay hadalkii

War heedhe waxaan kuu sheegayaa ra,iisal wasaare malesesanaawi

Miyaanu ku dhihin arintan dhamee sidaas ayaanu isku ogayne waxuuna ii sheegay inuu kula hadlaye

War ba, a shariif dalku madaxdiisa waad taqaan maxaan ina Sharma,arke inanka yare ee aan adeerka u hay wax wayn iigaga dhigaysaa yaah :

 

Madaxweyne shariif :- subxaanalaah niyaw sidaan kuu malaynayay maba tihid kow dheh shirkuna waa inoo xidhan yahay anigu ra,iisal wasaare waxaan u aqanaa cumar cabdirashiid cali Sharma,arke hadaad adeer u atahay waa hawl idiin gooniya balse ninka kale aad sheegtay dowlad aan derisnahay ayuu madax ka yahay wax laba dowladood ka dhexeeya maahee arimahayahga daakhiliga ah shuqul kuma laha isaga ku noqo oo weydii waa diiday mdaxweyne shariif arintii dheh shirkuna waa xidhan yahay.

 

Mdaxweyne faroole :kkk , ma sidaadaasaa !!!hadaad diiday hadalkii madaxda adigaa circa roob ku og

Wax dowlad ah oo aad madax ka tahayna ma jirto kalsoonidii waan kaala noqday

Aniga iyo shacabkaygu iyo ra,iisalwasaareha malese bal hadde waa loo fadhiyaa ninka ay u darnaato iyo ninkii caano ka daataan ,

 

 

Shacabkii soomaaliya: cajiib labada nin waa is galeen ee tolow kee saxan waxay isku hayaanse ma sharcibaa mise waa wax kale maalin walba ma labaa is khilaafaysaa ilaahayaw sahal umuuraha .

 

 

Waa Qalinkii Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Abdirihiin1@hotmail.com

----------

 

Although the the author is well known for his anti sh shriif & anti government stance & , I must admitt he has managed to convey this with comical twist while not straying too far from reality. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

hortu meeshi maahaa xafiiskii maxaakiimta ee carabigan badan iga jooji teeda kale anagu carabta waanu nahay waxaanay la leenahay xad badeed waana naqaana oo waan kaa badiyaa adiga shariifoow ¨

Asmac wa aqbal kuli ashyaa maktuuba fii warqatul muhiima a laa muuraan walaa khilaaf walaa xaaja. Magaratay.

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Originally posted by Sabriye & co.:

13941_211237390930_516100930_4603658_104

 

:D

What did he just say? The Sharif dude. Does he talk like that for real? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this