Sign in to follow this  
General Duke

Dahir Riyaale to be new President Sharif Ahmed PM

Recommended Posts

The news is Dahir Riyaale wants to bring the secessionist enclave as a way to get the top job.

 

He held talks with Nur Cade & Sharif Ahmed in Djibouti and a deal was struck.

 

Somaliweyn is back :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiir-ku-xigeenkii Hawlaha Guud oo KULMIYE ku Biiray, si Kululna u Weeraray Madaxweyne Rayaale

December 21st, 2008

 

“Haddaan Ina Rayaale laga qaban dalka meel dheer baa laga dooni doonaa”

“Marka Dadka Adduunka ee ina eegayaa Galaan Madaxtooyada Waxay Arkayaan Afar Qol oo Hoose oo Madaxweyne Rayaale Xafiis u ah iyo Afar Sare oo Carruurtiisii ka Qaylinayso”

 

Wasiir-ku-xigeenkii Hore ee Hawlaha Guud iyo Guriyeynta

 

Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Mr. Cabdirashiid Ducaale Qambi oo dhawaan xilkaga laga qaaday, ayaa rasmi ah ugu biiray xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE.

 

Munaasibad xisbiga KULMIYE u sameeyey soo dhaweynta Mr. Cabdirashiid oo shalay lagu qabtay xarunta dhexe ee xisbiga waxa ka qaybgalay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha xisbiga Axmed-Siilaanyo, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax, Xoghayaha Guud ee KULMIYE Mr. Keyse iyo Xoghaya Arrimaha Dibada xisbig Dr. Maxamed Cabdillaahi iyo marti sharfe kale.

 

Mr. Qambi oo xafladaa loo sameeyey soo dhaweyntiisa hadal ka jeediyey, ayaa si kulul u weeraray Madaxweyne Rayaale oo uu ku eedeeyey wax-qabad la’aan muddadii uu dalka ka talinayey isagu dalka ka shaqaysanayey.

 

“Daahir Rayaale wuxuu Madaxweyne ama ku-xigeen ahaa muddo 12 sanno ah in, anniga horta waxa dawladda la iga eryey saddex jeer oo haddana la igu celinayey intaa marna ma doorbidin in aan wax idhaahdo, maantase waxaan go’aansaday in aan wax ka idhaahdo xukuumadda dalka ka jirta. Rayaale Kaahin haddii uu Somaliland wax u qabanayo, soomaalidu waxay ku maahmaahdaa hugaagu wuu kula baryo tagaa, Madaxtooyada Somaliland ee aad aragteen siday u eegtahay ayuu wax ka dhigi lahaa. Madaxtooyadu waxay ku fadhidaa dhul 40 miter ah oo ay ku yaalaan afar qol oo hoose iyo afar qol oo sare, marka dadka adduunka ee ina eegayaa soo galaan waxay arkayaan afar qol oo hoose oo Madaxweyne Rayaale xafiis u ah iyo afar sare oo carruurtiisii ka qaylinayso. Nin dalka wax ka damcay halkaasi madaxtooyo Somaliland uma ahaateen meel dad lagu baryo maaha,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid Ducaale Qambi.

 

Wasiir-ku-xigeenka hore ee Hawlaha Guud waxa kale oo uu xukuumadda ku dhaliilay xadhiga waddada wadnaha ee Madaxtooyada hormarta oo uu ku tilmaamay in la garanayn ujeedada muddada intaa leeg loo xidhay.

 

Mr. Qambi waxa uu sidoo kale Madaxweyne Rayaale ku eedeeyey inuu doonayo inuu boobo codadka dadka gobollada bari oo aannu dan kale ka lahayn. Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Gobolladan bariga ee hadda la leeyahay diiwaangelin baa ka dhacaysa, horta ina Rayaale nin haysta Hawlaha Guud (Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub) ayuu wakiil uga dhigtay oo uu ku yidhi wixii Burco bari ka xiga adiga ayaa haysta, nin aan isaga soo marin isagana wax lama weydiiyo. Waxa la yidhi diiwaangelin baa gobolladaa laga qabanayaa Madaxweynuhu wuxuu ururiyey gaadiidkii dawladda, dhulkaa wuxuu ugu socdaa boob wax uu ugu danaynayo ma jirto, lix sanno ayuu Madaxweyne ahaa dhulkaa uu doonayo inuu doorashadooda booboo wuxuu u qabtay ma jiro. Haddii dhulka wax ka qabsoomayaan dadka intii isdiiwaangelinaysa waanu diiwaangelinaynaa, waanu baxaynaa annaga oo reer Somaliland ah oo dalka iyo dadka u daynaynayna ayaanu diiwaangelinaynaa, laakiin sida Ina Rayaale aaminsan yahay ee ah xabbad caaradeed bay dadku igu dooranayaan wax allaale waxaan u qabanayaana ma jirto, waa wax aan shaqaynayn. Haddaan Ina Rayaale laga qaban dalka meel dheer baa laga dooni doonaa.”

 

Gebogabadii waxa uu Mr. Qambi sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ku biirsitiisa xisbiga KULMIYE oo uu u arkay inuu yahay xisbiga dalka ka wax ka qaban kara, isla markaana uu si mutadawacnimo ah ula shaqeyn doono.

 

Mr. Fu’aad Aadan Cadde isaga oo ka hadlayey diiwaangelinta gobollada bari, waxa uu yidhi; “150 goob-diiwaangelineed ee gobollada bariga ee la yidhi dawladda ayaa kharashkooda bixinaysa, aad waxaan ugu faraxsanahay horta in lacagtii wuxuun loo quudhay dadka. Inta badan bariga ayuun baa la yidhaa wax looma qabane waar dalka oo dhan cid wax loo qabtay ma jirto.”

 

“Anigu shantii sanno ee aan xilka hayey bil walba waxa la iga qaadayey 100,000/= (boqol kun) meel ay joogto iyo meel ay ka hadlayso wallaahi weli ma arag, waxaanan aaminsanahay kuwa hadda joogana 100,000/= laga goostaa inay xaaraan tahay, angana aakhiro inay ii imanayso,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Mr. Fu’aad Aadan Cadde.

 

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in uu Cabdirashiid Ducaale Qamdi oo uu ku sifeeyey nin ummadda iyo dalkaba u damqanayaa uu xisbigooda ku soo biiro.

 

“Labada Odayba (Cabdirashiid Qamdi iyo Fu’aad Aadan Cadde) aad bay u xogwarameen, dareenka ay ka qabaan maamulka maanta dalka ka jira waxaan u hubaa in taasi iyaga ku koobnayn, laakiin rag kale oo badan oo iyaguna halkaa (xukuumadda) joogaa inay iyaguna kaas oo kale qabaan, kaas oo nuxurkiisu yahay in maamulka maanta dalka ka jiraa aannu wuxuu dalka u soo wadaa jirin,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo.

 

Guddoomiye Siilaanyo waxa uu sheegay in kormeeradii ay diiwaangelinta kaga qaybqaadayeen diiwaangelinta ay uga soo baxday in dadweynuhu ka qanacsan yihiin xukuumadda hadda talada haysa.

 

Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Diiwaangelinta dalka waanu ku soo wareegnay oo meelo badan ayaanu soo marnay, waxaannu dadka kala hadlaynay arrinta diiwaangelinta iyo sidii uu nidaamku ahaa oo aannu dadka u sheegaynay, waxase shacbiga nooga soo baxayey oo aanay qarsanayn sida ay uga qanceen maamulka maanta jira iyo welwelka ay ka qabaan mustaqbalka.”

 

Mr. Fu’aad Aadan Cadde oo dhawaan isna ku biiray KULMIYE, ayaa hadal uu xafladaa ka jeediyey waxa uu ka sheegay in dhaleecaynta ay u soo jeedinayaan xukuumadda talada haysaa aanay ahayn cadho ay u qabaan, balse waa buu yidhi; “Waxa meesha yaala oo aannu arkayno, waa meeshaan shan sanno joogay ee aanan weli talo taala wallaahi aanan arag, waa meesha warqad loo qoray Madaxweynaha weli aan laga soo jawaabin.”

 

Jamhuuriya

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^If this happens I will support the new government.. Dahir is the man..

 

Haddaan Ina Rayaale laga qaban dalka meel dheer baa laga dooni doonaa”

“Marka Dadka Adduunka ee ina eegayaa Galaan Madaxtooyada Waxay Arkayaan Afar Qol oo Hoose oo Madaxweyne Rayaale Xafiis u ah iyo Afar Sare oo Carruurtiisii ka Qaylinayso”
Morgans old house
:D

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

people dont mind our propaganda boy duke is just unemployed and is looking for someone to emply him as mouthpiece..

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. At least I had a job saxib, it paid well and came with many benefits, you was always unemployed and they only threw a few dry Qad leaves at times, now I am enjoying my retirement benefit until the new Abdullahi arises, this one will deal with you clowns. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^Duke you never stop amazing me lool.

 

First it was you saying this troops and that troops are coming to Somalia.

 

Second it was tha YEY was the second coming and that leaders around the world respected him lol.

 

And Third its your claim that Riyaale will be the new President lool, your statements so far have been dead wrong you are 0-100 wrong lol. Retire old boy, chew sup Qad cause you guies chew to and relax from the poltical forum lol ok!

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Qudhac:

people dont mind our propaganda boy duke is just unemployed and is looking for someone to emply him as mouthpiece..

 

:D:D

loool Freelance cheerleader? Lordy lord, whatever next?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Qudhac:

waaryaa jb

 

doorashadii ka waran, togdheer stood up, whats you think is going the numbers in sanaag and sool

It is going cool ,,, there is a thread i started for Sanaag ,,, keep an eye on it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

nin aan isaga soo marin isagana wax lama weydiiyo. Waxa la yidhi diiwaangelin baa gobolladaa laga qabanayaa Madaxweynuhu wuxuu ururiyey gaadiidkii dawladda, dhulkaa wuxuu ugu socdaa boob wax uu ugu danaynayo ma jirto, lix sanno ayuu Madaxweyne ahaa dhulkaa uu doonayo inuu doorashadooda booboo wuxuu u qabtay ma jiro. Haddii dhulka wax ka qabsoomayaan dadka intii isdiiwaangelinaysa waanu diiwaangelinaynaa, waanu baxaynaa annaga oo reer Somaliland ah oo dalka iyo dadka u daynaynayna ayaanu diiwaangelinaynaa, laakiin sida Ina Rayaale aaminsan yahay ee ah xabbad caaradeed bay dadku igu dooranayaan wax allaale waxaan u qabanayaana ma jirto, waa wax aan shaqaynayn.
Haddaan Ina Rayaale laga qaban dalka meel dheer baa laga dooni doonaa.”

Secessionsit have no clue about anything.

 

What was Riyaale doing in Djibouti meeting Nur Cade & Sharif Ahmed?

 

Also whats all this fuss within the Burco-Berbera-Traingle I dont pay much attention to the secessionist and their poor state, maybe we should let the Pirates send you some money.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this