Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay Amniga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan kula qaatay Xafiiska Amniga Qaranka, hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo looga hadlay sugidda amniga caasimadda Muqdisho.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen madaxda Booliiska, Nabadsugidda, Gobolka Banaaid iyo xafiiska amniga Qaranka ayaa waxa ay ku soo bandhigeen Istiraatiijiyadda hannaanka sugidda amniga caasimadda Muqdisho gaar ahaan xilligan lagu jiro bisha barakaysan Ramadaan.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa faray masuuliyiinta in hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir looga baahan yahay inay la yimaadaan feejignaan dheeri ah – si ay kaga hortagaan falalka amniga lidka ku ah iyo weerarrada ay fuliyaan Al-shabaab bisha Ramadaan.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this