Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalka Laasacaanood wuxuu u baahan yahay Xilkasnimo iyo tanaasul

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu horayn, sida aynu la wada socono dagaalka laasacaanood xal waara iyo heshiis buuxa midna lagama gaadhin labada dhinacbana mid meel ayuu ku adkaysanayaa.
Somaliland waxay taagan tahay laasacaanood waa dhulka somaliland oo kama soo baxayno, waxaana haysta magaalada kooxo kala duwan oo huwan ah oo ku soo duulay, waana inay isaga baxaan magaalada.
Halka qolada kale taagan tahay somaliland ayaa nagu soo duushay oo dhulkayagii xoog ku haysata, wadahadalna yeeli mayno ilaa ciidanka somaliland ay tagaan oog.
Hadaba yaa khaldan yaase saxan mise arinku waa labaduba gar leh, markay sidaas labada dhinac meel aad u kala fog ayey taagan yihiin, ilaa ay qolo tanaasul samayso ama labada qolo mid meel laga dhaqaajiyo oo meel dhexe laysugu keeno mooye xalkale oo muuqdaa majiro.
waxaana jira saddex xal oo qudha oo xaaladan lagu qaboojin karo
1. in ciidanka somaliland laga soo saaro oo oog la keeno oo dawladu arinkaas ku dhacdo oo ka dib wada hadal la galo.
2. in odayaasha dhaqanka ee reer laasacaanood ciidanka magaalada in ay ka saaraan ay aqbalaan wadahadalkuna kadib bilaabmo.
3. in labada qoloba meel dhexe lasyugu keeno win-win oo ciidankana magaalada aad looga soo durkiyo xeryahan ay deganyihiina laga soo raro, kuwa magaalada laasacaanood ku jirana magaalada ka baxaan oo markaas ka dib iyadoo ciidankii labada dhinacba la durkiyey uu wada hadalku bilaabmo.
Sadexdaa arin waxaan ka ahayn oo xalku ka iman karo iima muuqato aniga ahaan, se ka ugu mudan uguna suurto-galsan waa qodobka sadexaad ee qoloba toodii badh loo yeelayo.
ugu dambayn, arinkan waa in cid kasta oo qayb ku yeelan kartaa ay ka qayb qaadato odeyaal, culimo, siyaasiyiin, ganacsato iyo wax garad kaleba oo dhiiga muslimka ee daadanaya lajoojiyo, waayo waa kaa dhimay oo kugu dhimay.
Dawlada ayaan tanaasulka ugu badan laga rabaa in ay waanwaan kasta ka gasho xal-u-helida colaadaas aloosan iyo soo af-jarideedaba.

Wabillahi-Tawfiiq

W/Q: Ahmed Harir
Hargeisa, Somaliland
heebaan6926@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this